Jacaylbaro Posted September 24, 2009 Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ku taliyay in la joojiyo mooshinadda Iska soo hor-jeeda ee ka socda golayaasha Baarlamaanka. Islamarkaana waxa uu cadeeyay in Xisbi ahaan ay aqbaleen soo jeedin Lix qodob ka kooban oo ay bulshada caalamku ku taliyeen in gundhig looga dhigo soo afjarida khilaafaadka siyaasaddeed ee ka dhashay dibu dhacyadda doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland. Gudoomiyaha Kulmiye oo xalay gurigiisa Saxaafadda kulla hadlay waxa uu ugu horeyn ka waramay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka oogan iyo dhinacyadda is xil-qaamay ee doonaya inay dhameeyaan muranka taagan, haddii ay ahaan lahayd dalka dibadiisa gurmadka ka yimi iyo haddii ay noqon lahayd guddiyada is xilqaamay ee wadanka gudihiisaba, kuwaasoo uu sheegay inay dhamaantood soo dhaweynayaan una mahad-naqayaan.“Wax kasta oo dalkan ka nabad-gelinaya, khal-khal iyo dhibaato ee ka nabad-gelinaya kali talisnimo, ee ka nabad-gelinaya doorasho mar walba dib u dhacda maw-qifka aanu ka taaganahay horena waanu u cadaynay immikana waanu caddaynayaa oo waa soo dhaweynaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Siilaanyo, waxaa uu soo qaaday shuruudo uu hore ugu xidhay kullan koox salaadiin ahi soo jeediyeen in Hogaanka Saddexda Xisbi yeeshaan, kaasoo uu sheegay inay Salaadiinta ku wargeliyeen inay diyaar-yihiin una hogaansamayaan, balse ay tahay in la sii daayo dad la xidh-xidhay dhawaan iyo in ay kalsooni ku qabaan cidda dhexda noqonaysa oo laga talo geliyo. Taasoo uu sheegay in ay taagan-tahay, ee aanay ka noqon xisbi ahaana ay la taagan-yihiin meel kasta. Waxaana uu intaa ku daray Axmed Siilaanyo in wadamada daneeya Somaliland ee caalamka oo mudaba ku jiray arrimo dhex-dhexaadineed ay soo saareen qodobo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka, kuwaasoo uu sheegay inay aqbalsan-yihiin. “Heshiis is faham oo ay noo keeneen dawladaha Itoobiya iyo Ingiriiska iyo wadamadii caawinayay ee ku dhex-jiray mudada ee dhex-dhexaadinta ahayd ee aynu kaga baxsaneynay khilaafka iyo muranada taagan ee maanta isku dhaca keenaya, waxaanu ummada u sheegaynaa in aanu iyagana yeelay. Wixii ah talooyin ee lagu hubinayo in doorasho xalaal ahi ay dhacdo, iyada taladeedii waanu haynaa marka ay hawshu bilaabanto. Ama ha ahaadeen, waxa laga yeelayo warbaahinta qaranka ama ha noqoto hantida kale ee dawlada’e. si ay doorashadu u noqoto mid loo siman-yahay, taana waa ay nala qaateen qolooyinka hawsha gacanta ku haya inay jirto.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye. Mudane Axmed Siilaanyo, waxa faah-faahiyay qodobadda heshiiskan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Waxaa ka mid ah qodobada heshiiskan, in ay tahay doorashada waqtigeeda maadaama aanay xiligeedii ku dhacayn loo dhiibayo guddi dhex-dhexaad ah oo la soo xulay oo beeshii caalamka iyo dadkii hawsha inala qabanayay ay soo xulleen oo farsamo-yaqaan ah oo anana aanu ka qayb-galayno, kuwaasoo soo qiyaasaya mudada ay qaadanayaan diiwaan-gelintii iyo hawshii Serverka ee kala shaandheynayay oo lagu noqonayo, Mudada ay qaadanayaan oo aan ahayn waqti dheer Bil iyo laba aan ka badan oo ay iyagu soo sameynayaan taasoo aanaan inta ay noqonayso aanaan garanayn hadda ee ay tahay inta farsamo ahaan ay qaadaneyso ayaa heshiiska ka mid ah. Waxaa kale oo ka mid in muddadaas Xubnaha Komishanka wax laga bedelayo oo Gudi doorasho oo lagu kal-soon-yahay la keenayo, taasoo ah qodobadii aanu mar walba ka hadlaynay in la isku raaco, iyo in deeqbixiyayaashu bixiyaan wixii kharash ah.” Axmed Siilaanyo waxaa uu ku dooday in aanay qodobadani diidayn in laga wadda hadlo arrimaha aan heshiiska laga gaadhin ee taagan. “Lixdan qodob ma diidayaan wixii toosin ah ee lagu hubinayo dhameystirkooda, inay noo furan-tahay oo wadahadalku sii soconayo waanu u sheegnay, qolada soo jeedisayna waa ay naga aqbaleen. Laakiin, kuwani waa kuwii aas-aasiga ahaa ee marxaladan taagan ee xasaasiga ah ee labadii Gole isla hor-fadhiyaan laba mooshin, ee midna leeyahay waa kordhinayaa, midna leeyahay waan ridaynaa ay tahay wixii lagaga baxsanayay.”Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa shalay kullan uu ka qayb-galay waxa uu ka soo jeediyay in labada Gole joojiyaan mooshinadda is barkan. Sidaa darteed, Gudoomiyaha KULMIYE oo arragtidiisa dhawaaqaas ka soo yeedhay xisbiga kale iyo joojinta ladaba mooshin la weydiiyay waxa uu sheegay in Xisbiga UCID u madax-banaan-yahay arrimihiisa, balse Kulmiye ahaan ay qabaan in labada Gole Hakiyaan arrintan. “Maanta waxaa loo baahan-yahay deganaasho iyo xasilooni in khilaafkan lagu jiro lagaga baxo. Sida aanu u arragno in lagaga baxana waanu sheegnay. Qudhayadu waxaanu u aragnaa labadaa mooshin in aanay midkoodna maanta waxba kordhineyn… markaa, waxaanu qabnaa in labadaba la joojiyo.” Waxa la sii weydiiyay oo kale, gudoomiyaha KULMIYE is bedeladda ay had iyo jeer ka sameeyaan mawaaqifta adag ee xisbi ahaan ay qaataan. Haddii la eego, muddo kordhintii Guurtidu isu sameysay, kuwii loo kordhiyay Madaxtooyadda iyo arrimo kalaba,. Waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Intaa aad ku hadlayso, waxaan qabaa in aanaan midnaba ku khaldaneyn, intaba sax ayaanu ku ahayn, in muddii doorashada ay dhaaftay shaki kuma jiro, in cidda masuulka ka ahayd ee gabtay ay tahay Xukuumadda Rayaale ayna fulin weyday shaki kuma jiro. Imikana rayigayagaas, wax iska bedalay ma jiraan. Laakiin, marka khilaaf yimaado ee dhibaato timaado, ee dagaal timaado, ee Abaar timaado ee ay noqoto in la is marri waayo oo ay gaadho in isku dhac yimaado, waxa immanaya talaa imanaysa, waa lagula wadaagayaa taladda, waxa kulla wadaagaya wixii wax ku taraya guddo iyo dibad-ba, waxaa iyo dareenka dadka umma daymo la’aaneyno. Mawqif waanu is taagaynaa haa, laakiin, mid uun waligayo taagnaan mayno, fur-furaan ayaanu la imanaynaa, danta iyo maslaxadda ummada waxaanu u arragno waanu la imanaynaa. waanu is bedelaynaa marka loo baahdo in la is bedello.” Hadalkan Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay ee cadeeyay inay ogol-yihiin iyo mawqifka ay qodobadan beesha caalamku soo jeediyay ka qabaan. Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo kale shalay golihiisa wasiiradda ka ansixiyay iyadoo Xisbiga UCID doraad cadeeyay arrintaas inay ku qanacsan-yihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 24, 2009 Watch The Video Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 24, 2009 Oke impeachment stops now what , Muddo kordhin for riyaale and yasin should stop 2 marka maha. Quote Share this post Link to post Share on other sites