Sign in to follow this  
General Duke

Uganda and Sudan increase number of soldiers being sent to Somalia..

Recommended Posts

Ugandha oo kordhisay Tirada Ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya

 

Kambala-14.April.2005 Xukuumada Wadanka Ugandha ayaa daboolka ka qaadey in Ciidamada ay u soo direyso Soomaaliya ay iminka diyaar yihiin isla markaana ay kordhisay tiradii ay horey u balanqaadeen.

 

Taliyaha Booliska ee Wadanka Uganda Chris Bakesiima ayaa daboolka ka qaadey in ciidamo gaaraya 3,500 oo askari iminka diyaar uah, inay ka hawlgalaan Soomaaliya, waxaana Ciidamadaasi ay qaateen tababaro la xiriira hawlaha nabad ilaalinta iyo waliba culuun la xiriirta arimaha dhaqanka Soomaalida.

 

Xukuumada Ugandha waa markii sadexaad oo ay kordhiso tirada Ciidmada ay ugu tala gashey inay u soo dirto Wadanka Soomaaliya, waxayna Ugandha markii koowaad sheegtey inay Ciidamo gaaraya 1200 ay u soo direyso Soomaaliya, halka markii labaad ay gaarsiisay 2,200, warkii ugu dambeeyey ee Xukuumada Ugandha ka soo yeeray ayay ku sheegtey in 3,500 oo askari ay ugu tala gashey inay ka hawlgalaan Hawlaha nabadilaalinta ee Soomaaliya.

 

Maxamuud C/raxmaan Rood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Suudaan:"2200 oo askari baanu dhakhso Soomaaliya ugu direynaa"

 

Khartoum - 14.April.2005 War ka soo baxay maanta dawladda Suudaan kaas oo la gaarsiiyey warfidiyeennada magaalada Khartoum ayaa lagu sheegay farrimo ay dawladdu gaarsiisey urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo ururka Jaamacadda Carabta, Waxana xukuumadda Suudaan ay sheegtay in ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ah xoogag nabad ilaalineed oo dhammays tiran.

 

Afhayeen ku hadlay magaca wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Suudaan ayaa xaqiijiyey in tirada ciidamada dalka Suudaan ay Soomaaliya u soo direyso ay noqonayaan 2200 oo askari.

 

Suudaan waxay sheegtay in ay ciidamadeeda uu hoggaamin doono jeneraal sare oo ka tirsan xoogagga dalka Suudaan, waxana la sheegay in ciidamada Suudaan ay dhawrayaan amar ka soo baxa urur goboleedka IGAD.

 

Ilo kale oo wareed ayaa sheegaya in ay dawladda Uganda ay kordhineyso ciidamada ay ugu tala gashay in ay Soomaaliya u soo direyso.

 

Waxaa kale oo jirta in wakhtigii ku talagalka ahaa ee loogu tala galay in Soomaaliya ciidamo loogu soo diro Soomaaliya ay dib dhacday taas oo ahayd 28-ka bishan April.

 

Saraakiil Afrikaan ah ayaa sheegtay in dib loo agaasimi doono xilliga Soomaaliya ciidamo loo diri karo, kuwaas oo ay xitaa ku jiraan dalka Ururka Jaamacadda Carabta.

 

Warka Suudaan iyo AU, ayaa soo baxay xilli ay kala qaybsanaani haraysay xubnaha golayaasha dawladda federaalka Soomaaliyeed taasi oo ku saabsan ciidamo shisheeye oo Soomaaliya loo soo diro.

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this