Juje Posted September 15, 2009 Madaxweynaha Midowga Yurub oo si rasmi ah Warqadaha aqoonsiga Danjirenimo uga guddoomay Danjire Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" Isniin, September 14, 2009(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyay Midowga Yurub Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ay horay Dowladda Soomaaliya ugu magacawday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga. Danjire Nuur Cadde ayaa wuxuu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha kaltanka ah ee Midowga Yurub, kaasi oo uu haatan hayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Sweden Mr. Frank Belfrage. Danjiraha Soomaaliya u fadhin Doona Midowga Yurub Nuur Cadde ayaa markii laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo wuxuu Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub u gudbiyay farriin uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, taasi oo ku saabsaneyd in Dowladda Soomaaliya ay midowga Yurub ka rajeyneyso ballanqaadkii uu horay ugu sameeyay ee kala ahaa in Dowladda la siiyo dhaqaalihii loogu yaboohay shirkii caalamiga ahaa iyo weliba kaalmo dheeraad ah oo shaqooyin loogu abuuro dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada. Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Frank Belfrage ayaa markaasi kaddib wuxuu weydiiyay danjire Nuur Cadde suurtagalnimada in la gaaray waqtigii ay Dowladda Soomaaliya la hadli lahayd Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeeda. Danjire Nuur Cadde oo ka jawaabayay weydiintaas uga timid Madaxweynaha Midowga Yurub Mr. Frank Belfrage ayaa ku jawaabay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay markii uu Shiikh Xasan Daahir dib ugu soo noqday Soomaaliya dhamaadkii April 2009, iyadoo xiligaasna la filayay in Shiikh Aweys uu ka qeyb qaadan doono dib u heshiisiinta laakin wuxuu yiri Danjire Nuur Cadde waxay ahayd nasiib darro in Shiikh Aweys uu qaatay mowqif mucaaradnimo ah. Ugu dambeyntiina, Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu hadda safiir uga noqonayaa dowladda Soomaaliya Midowga Yurub iyo Dalka Talyaaniga, waxaana dhawaan warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano, iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada Talyaaniga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted September 15, 2009 Nur Adde as usual working hard for Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 15, 2009 Saaxiibkiis, Nur Cadde ayey kaaga dhagtey intaas ka dib, Adeerkeen Nur caadi maaha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted September 15, 2009 Originally posted by nuune: Saaxiibkiis, Nur Cadde ayey kaaga dhagtey Looooool....! Meshan saxibo waxa la hurgufayo maliin walba ma arkiino, ana kan aa jebka igu jira. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 15, 2009 halkaa ka wad sxb kuwa badan buu dhaamaa including yarka la magac baxey Shariif, talaw yaan aniguna jeebka kala soo baxaa, Mwai Kibaki or Paul Kigame Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 15, 2009 Nur cade future president of somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 15, 2009 Originally posted by Juje: quote:Originally posted by nuune: Saaxiibkiis, Nur Cadde ayey kaaga dhagtey Looooool....! Meshan saxibo waxa la hurgufayo maliin walba ma arkiino, ana kan aa jebka igu jira. ' Maalin dhow uun yaan la maqlin adigoo leh waa TRAITOR ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted September 15, 2009 Originally posted by Jacaylbaro: Maalin dhow uun yaan la maqlin adigoo leh waa TRAITOR ,,, looool...... duf ku bax JB..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Junior Charles Posted September 15, 2009 Halyeey Nuur cadde should get he’s own monument in Xamar. How about Renaming Xamar port to Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” Port It suits whit Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde" airport Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 16, 2009 Calankeena ayaaba ugu soo jiidasho badan compared to other four, always standing out. Quote Share this post Link to post Share on other sites