Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Passing Tough Laws To Fight Terrorism, Piracy and Tahribs

Recommended Posts

Cowke   

Puntland oo Maxkamad gaar ah u samenaysa Argagaxisada iyo sababaha keenay

 

July 16, 2010

 

Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maxkamad gaar ah u sameyn doonto dadka lagu tuhmo falal danbiyeedyada lagu tilmaamo Argagaxinta, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay gobalada Puntland.

 

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulamo maalmo ka socday magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kulamadaasi ayey ka qeyb galayeen dhamaan Xukuumada oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada.

 

Kulamadan ayaa si qoto dheer looga hadlay falalkii qorsheysnaa ee ka dhacay Puntland ee isugu jira dilalka, qaraxyada iyo waliba dadka ka danbeeya sidii tilaabo looga qaadi lahaa.

 

Iswaafajinta Sharciga

 

Kulamadan ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayey sidii la isu waafajin lahaa Sharciga Puntland ee hada jira ee ku dhisan Shariicada Islaamka, iyo sidii maxkamado gaar ah loogu sameyn lahaa dadka geysta falalka amniga lidka ku ah.

 

Wasaarada Amniga ee Puntland oo soo gudbisay qorshayaal kala duwan oo ku aadan sidii loo adkeyn lahaa Amniga Puntland, ayaa soo dhaweysay go’aankii ugu horeeyey ee isku raacaan Golaha Wasiirada oo ku aadan dadka geysta falal danbiyeedyada lagu tilmaamay argagaxisada.

 

Wasiirka Amniga ee Dowlada Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr oo Wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in sharcigan ku aadan Argagaxisada uu yahay kii ugu horeeyey oo si gaar ah wax looga qabanayo kooxaha iyo dadka soo abaabula ama fuliya weerarada argagaxisada iyo dilalka qorsheysan.

 

“…Argagaxiso waxaanu u naqaan cid walba oo qorsheysa inay dadka ku argagaxiso dilalka arxandarada ah, qaraxyada shacabka lagu dhextuuro, iyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu burburiyo amniga dalka….” ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey arrimaha maxkamada ay qaabilsan tahay.

 

Wasiirka oo ka hadlayey arrimahan ayaa sheegay in soo saarista sharciga ay salka ku heyso qaraxyadii iyo dilalkii dhawaanahan ka dhacay magaalada Bosaso ee lagu dilay saraakiil iyo madax ka tirsan dowlada Puntland iyo waliba dad rayid ah, asagoo sheegay in loo baahan in xukun culus lagu rido dadka falalkan geysta iyo waliba kuwa gacanta siiya.

 

Maxkamadan argagaxisada oo ayadu qeyb ka noqon doonta kuwa hada jira ee caadiga ah, ayaa la doonaya sida ay sheegeen xubnaha ka tirsan dowlada Puntland, inay dadjiso maxkamadeynta dadka argagaxisada lagu tuhmo.

 

Illaa iyo hada lama faah faahin sharciyada lala beegsan karo dadka ayagu gacanta siiya xubnaha lagu tuhmo inay yihiin argagaxiso, ayadoo dowlada Puntland horey digniino uga soo saartay in sharciga lasoo taagi doono cidii gacan siisa dadka geysta falal danbiyeedyada qorsheysan.

 

Gen.Yusuf Axmed Khayr, Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa sheegay in hada la sugayo sharciyo kale oo cusub oo ay dowladu ansixiso oo kuwaasi oo ku aadan Burcadbadeeda iyo Tahriibta.

 

Xukun Dil ah

 

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in qofkii lagu cadeeyo inuu qeyb ka ahaa falalka Argagaxisada uu xukunkiisu uu yahay dil, waxaa sidoo kale la sheegay in xukumo culus lala beegsan doono dadka ayagu soo dhaweeya ama gacan dhaqaale iyo taageero siiya kooxaha falalka argagaxisada geysta.

 

Fulinta Xukumadii hore loo riday

 

Kulankan Xukuumada Puntland ka yeelatay arrimaha amniga ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan dhaliilo ku aadan in xabsiyada ay weli ku jiraan dad lagu eedeeyey inay geysteen dilal qorsheysan iyo falal argagaxiso kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay dil, ayaan weli lagu fulin xukunkooda.

 

In badan oo kamid ah ehelada dadka lagu dilay falalkii ka dhacay Bosaso, ayaa dhaliilay in aysan weli dowlada fulin xukumadii dilalka ahaa oo ay horey u riday maxkamada darajada 1aad ee magaalada Bosaaso, maxkamadaasi oo ah midda inta badan lasoo taago dadka loo soo qabto falalka isugu jira dilka iyo weerarada qorsheysan.

 

Sirdoonka iyo Danbi baarista.

 

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Puntland ayaa intooda badan isku raacsan in tilaabooyinka ugu muhiimsan ee Dowlada Puntland looga baahan yahay inay xoojiso ayaa dhanka, sirdoonka iyo xog aruurinta ku aadan dadka qorsheeya falalkan iyo waliba danbi baarista daba gasha shaqsiyaadka ka danbeeya weeraradii dhacay.

 

Dadka ku dhaqan Puntland ayaa ku kala aragti duwan Maxkamda u gaarka ah arrimaha Argagaxisada, ayadoo ay jiraan dad sheegaya in ay noqoneyso mid si gaar ah uga shaqeysa maxkamadeynta dadka arrimahaasi lagu tuhmo isla markaana ah tilaabo horey loo qaaday oo amniga lagu sugayo, halka ay jiraan dad shaki gelinaya in go’aamada kasoo baxa maxkamadaasi ay ka duwanaan doonaan kuwii horey uga soo bixi jiray maxkamadaha hada jira.

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

17. July 2010

 

Iyadoo malinimadii shalay ahayd Dawlada puntland ay ku dhawaaqday Maxkamad Cusub oo loogu talagalay Dambiyada la xiriira Argagixisada ayaa Shacabka ku dhaqan Goballada puntland Waxay aad u soo dhaweeyeen talaabadan ay dhinaca Maxkamadaha Dawladu u qaaday.

 

Shacabka Qaybihiisa kala duwan ayaa Tilmaamay in muhim tahay in la helo Maxkamada gaar ah oo lagu qaado Dambiyada la xiriira Agagixisada iyo Falalka Qorshaysan ee ka dhaca Deegaanada Puntland maadaama ay Xabsiyada ku jiraan Dad badan oo loo soo qabtay Dilal Qorshaysan, Qaraxyo falal kale oo la mid ah islamarkaana Dawladu aysan Wali Maxkamad saarin.

 

Nabadoon Xuseen Maxamed Nuur oo ka mid ah Nabadoonada Puntland oo Xiriir nala soo sameeyay ayaa Wuxuu tilmaamay in talaabadani ay tahay mid tixgalin gaar aha mudan, maadaama Puntland aysan horay uga jirin Maxkamada gaar ah u falalka Argagixisada ah.

 

Cali C/laahi oo isna ka mid ah Culimada puntland kuna Sugan Magaalada boosaaso ayaa isna sheegay talaabadani in ay aad u dhimi karto falalka guracan ee isugu jira Qaraxyada iyo Dilalka Qorshaysan Maadaama ay jirayso Goob u gaar ah Falalkasi iyo Shuruuc loo Cuskanao Dambiyada ay gaysteen.

 

Hooyo Sahro Saalim oo iyadana ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in ay aad u soo dhawynayso talaabadan lagu Hormarinayo Amniga guud ee Deegaanada Puntland gaar ahaana lagu Xakamaynayo Falalka Argagixisada la xiriira .

 

Hambalyada iyo soo dhawaynta Shacabka ee Arrintan waxay timid kadib Markii Malinimadii Shalay Wasiirka Amniga Dawlada puntland uu shaaciyay Dawladu in ay Qorshaysay Maxkamad gaar ah oo lagu qaadayo Dambiyada la xiriira Argagixisada, islamarkaana maxkamadan oo Xarunteedu ay Noqondoonto Garowe ay Dhaqan galayso marka Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Puntland ay Ansixiyaan islamarkaana uu saxiixo Madexweynaha Dawlada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Baarlamaanka Puntland Oo La Horgeeyey Xeerar Loogu Talagalay Argagaxiisada

 

July 17, 2010

 

Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa waxaa maanta la horgeeyey xeerar loogu talagalay argagaxiisada,waxaana horgeeyey Xukuumada Puntland.

 

Xildhibaan Cabdisalaan Sheikh Maxamuud Shaybe oo u waramaayay Horseed Media wuxuu sheegay in xeerarkaas aan maanta laga doodin balse maalinimada berito lagu wado in ay hor yimaadan Baarlamaanka Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland oo sharaxaad ka bixin doonaan.

 

”…Waxaa la horkeenay xeer loogu talagalay argagaxiisada iyo xeer maxkamad loogu talagalay maxkamada dambiyada culus gasha,waa la qaybiyey beri waxaa imaanaya Wasiiro ka socda Xukuumada oo sharaxaaya waxaa loogu talagalay…”,ayuu yiri isagoo intaa ku daray in maalmaha soo socda ay Xildhibaanadu go’aan kasoo saari doonaan.

 

Xildhibaano kor u dhaafaya 36-mudaneyaal ayaa goobjoog ka ahaa kalfadhigii maanta.

 

Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa dhowaan kulan ku yeeshay magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland oo looga hadlay arrimaha amaanka. Kulanka gaba gabadiisa ayaa shaaca laga qaaday in maxkamad gaar ah loo samayn doono dadka lagu tuhmo falal danbiyeedyada lagu tilmaamo Argagaxinta, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay gobalada Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibanada Puntland Oo Gashanka Ku Dhuftay Maxkamad u gaar ah Argagixisada

 

 

Garoowe (GMN) - Golaha Wakiilada ee Dowlada Puntland ayaa kulankii maata ay isugu yimaadeen waxa ay kaga doodeen qorshaha samaynta maxkmadda argagixisada kaas oo golaha xukuumadda Puntland u soo gudbgiyey,

 

Xildhibaanada ayaa doodii ay ka yeesheen kadib waxa ay ka soo horjeesteen qorshaha lagu dhisaayo Maxkmad u gaar ah argagixisada, sida uu u xaqiijiyey Horseed media mid kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Puntland.

 

Xildhibaanada ayaa sheegay in maxkamadaasi aysan waafaqsanayn dastuurka Puntland,sidaa daraadeed aysan ka doodayn maxkamad aan waafaqsanayn dastuurka Puntland.

 

Guddoonka sare ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dib ugu noqdaan dastuurka Puntland si ay u waafajiyaan shuruucda kale ee horyaala kuwaasi oo salka ku haya;

 

1-Argagaxiisada

 

2-Tahriibta

 

3-Burcadbadeeda

 

Maalmaha fooda inagu soo haya ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ka doodaan is waafajinta shuruucda la horkeenay iyo shuruucda ku qoran dastuurka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Golaha Wakiilada Puntland oo meel mariyay Sahrcigii argagaxisada

 

 

 

(Garowe) RBC: Golaha Xukuumada Puntland ayaa meel mariyay sharcigii argagaxisada oo dhawaan ay horgeeyeen golaha Xukuumada Puntland kaa oo ay horay golaha Xukuumada u ansixiyeen

 

Mudanayaasha Golaha baarlamaanka ee Dowlada Puntland ayaa kulankii ay shalay iskugu yimaadeen waxaa ay uga doodeen in la sameeyo maxkamada u gaar ah dadka lagu hello wax loogu yeero argagixisada maxkamadaas oo ay horay iskugu raaceen golaha xukuumada.Puntland.

 

Arintaan aaya Golaha Wakiilada Puntland isku raaceen in Sharcigaan kla meel mariyo inkastoo maalintii hore Golaha arimahaa u xil saaran ka doodeen iyana dabadeena Golaha intooda kale u soo gudbiyeen

 

Golaha wakiilada ayaa waxaa ay ay bilaabeen in ay dib u eegaan sharciga u yaal Argagaxiisada si ay u meel mariyaan ama u diidaan , waxaana maalintii shalay ku guulaysteen in hab gacan taag ah u ansixiyaan

 

Sharcigaan argagaxisada ayaa ah mid dhawaan Golaha Xukuumada meel amriyeen hasayeeshee waa mid ku cusub Puntland marka la eego intii Puntland aas aasneed waxaana la filayaa in Golaha Wakiilada marka ay meel mariyaan in uu dhaqan galo

 

Dhawaan ayaa la filayaa in uu dhaqan galo sharicigaan aragagaxisada oo iyo shruucda kale ee tahriibta iyo Burcad badeeda oo iyana la hor geeyay Golaha WAkiilada Puntland markii ugu horaysay

 

RBC NEWS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this