Sign in to follow this  
Gabbal

Gudoomiyaha G/Gedo Oo Maanta Shir Muhiim Ah Ku Qabtay Caasimada Gobalka

Recommended Posts

Gabbal   

Gudoomiyaha G/Gedo Oo Maanta Shir Muhiim Ah Ku Qabtay Caasimada Gobalka

 

fareey1.jpg

 

Gudoomiyaha gobalka Gedo mudane Xuseen Sh. Cabdi Ismaaciil ayaa maanta shir ballaaran ku qabtay xafiiskiisa xarunta gobalka ee degmada G/haarrey,wuxuuna soo bandhigay qodobo ka mid ah barnaamij-kiisa siyaasadeed ee uu qorsheeyay in uu ku tillaabo qaado mustaqbalka dhaw.

 

Qodobka ugu muhiimsan ee uu sida aadka ah carrabka ugu adkeeyay gudoomiyaha G/Gedo ayaa ahaa: dhamaystirka dib-uheshiisiintii miro-dhashay ee ka billaabatay gobalka horraantii sanadkii 2005, taas oo ku hakatay qodobka hanti-usucelinta oo ilaa iyo iminka qabyi ah, in kasta oo ay jireen tillaabooyin wax ku ool ah oo qodobkaasi laga gaaray.

 

Gudoomiyhu waxuu shaaca ka qaaday habka loo agaasimayo shir-weyne lagu soo af-meerayo dhamaystir-ka hannaan-ka nabadeed ee gobaka asaga oo ka faalooday mudada, qarashka, tirada ka qayb-galayaasha shirka iyo waliba goobta uu shirku ka dhacayo.

 

Tirada ka qayb-galayaasha ayuu gudoomiyuhu ku sheegay 61 xubnood oo kala ah: 50 oday-dhaqameed, 10 xubnood oo isugu jirto aqoonyahanno iyo culumaa’udiin, iyo ugaas-ka beesha SADE ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

 

Wuxuuna gudoomiyahu intaa ku daray in shirku soconayo muddo ku siman 20 cisho asaga oo sidoo kalana daaha ka qaaday miisaaniyada dhaqaale ee uu shirka u dajiyay taas oo ku salaysan tirada ergooyinka iyo muddda shirka. Qarashaad-ka shirka ayaa waxaa bixinayo jaaliyadaha dibadda ee beesha SADE , kuwaas oo sida uu gudoomiyuhu sheegay ku deeqay taageerada dhaqaale ee shirka.

 

Sidoo kale Mr. Xuseen Fareey ayaa soo bandhigay qodob ku saabsan dhisitaan-ka ciidamo boolis ah oo uu yeelanayo G/Gedo, waxuuna gudoomiyuhu sheegay in ugu horrayntii la tababari doono 100 askari oo boolis ah oo ka hawl-galayo xarunta gobalka, kuwaas oo uu agaasinkooda meel-marin doono maamulka sare ee gobalka.

 

Waxaana markaa ka dib gobalka lagu casuumiyaa madaxa hay’ada UNDP iyo taliyaha ciidamada boolis-ka ee Soomaaliya Gen. Looyaan si loo gudoon-siiyo cutubka ugu horreeya ee ciidamada booliska ee G/Gedo, arrintaas oo la filayo in ay dhiirra-galiso Hay’adda UNDP iyo hogaan-ka sare ee booliska Soomaaliya.

 

Sidoo kale gudoomiyuhu waxuu carrabka ku adkeeyay in la dhisayo barnaamij isugu jiro hub-kadhigis iyo dhaqan-celin loo samaynayo malaysiyaad-ka dhaqan-dhumay ee ku indha-qaaday xasilooni-darrada iyo qalalaasaha siyaasadeed ee mudda 15 sana ah haraysay geyiga Soomaaliya.

 

hase ahaatee qodobka hub-kadhigista ayuu gumarnatooruhu sheegay in uu ka danbeeyo dhamaystir-ka hannaan-ka nabadeed iyo dhisitaanka ciidamada xooga gobalka.gudoomiye Xuseen Fareey ayaa qudbadiisa ku soo gunaanaday baaq uu u jeediyay jaaliyadaha dibada ee beesha SADE asaga oo jaaliyadahaasi ka codsaday in si buuxdo u taageeraan dadaalada nabadeed iyo kuwa dib-udhis ee lagu beegsanayo horumarinta G/Gedo.

 

Masuuliin kala duwan oo ka hadashay kulanka sida: gudoomiyaha degmada G/harrey Mr. Gaarane Nuure, gudoomiyaha gudiga caafimaad-ka ee G/haarrey Cali C/llaahi (Cali Gaas), nabadoon Axmed Ciise oo ku hadlay afka gudiga guurtida ee degmada ayaa intuba hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay hergalinta qodobada uu gudoomiyuhu soo bandhigay.

 

Waa markii ugu horraysay ee uu gudoomiyaha G/Gedo hadal u jeediyo shacabka Garbahaarrey tan iyo markii uu ka soo laabtay xarunta ku meel-gaarka ah ee DFKMG ah Soomaaliya, halkaas oo uu gudoomiyuhu kulamo kula yeeshay mas’uuliinta ugu sar sarrayso ee DKMG ah, wuxuna nuxurka kulamadaasi gudoomiyuhu ku soo koobay in uu balln-qaadyo muhiim ah ka helay dawlada Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee, hannaan-ka dib-uheshiisiineed iyo dhismaha maamul-ka sare iyo midka degooyinka ee G/Gedo ayaa intaba ah kuwo qabyi ah, waxana hadda la go’aansaday in loo guntado dadaallo umuurahaasi lagu ebyayo ayada oo ay taabagalinta arrimahaasi u taalo shacab weynaha SADE ee ku dhaqan dadalka qurbaha iyo gudaha Soomaaliya halka dawlada taakta daran ee Soomaaliyana laga filayo taageero dhiira-galin ah oo aan haqab tiri karin hawlaha cul-culus ee horyaallo dib-udhiska iyo dib u heshiisiinta gobalka Gedo.

 

Axmed Caafi,

Gedonet, Gedo,

Southren-Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this