Xaq Posted November 24, 2008 Maamul uu gudoomiye ka yahay Maxed Cusmaan Dhagaxtuur oo caawa loo dhisay gobolka Banaadir Posted: 11/23/2008 8:52:00 PM http://www.shabelle.net Waxaa caawa la magacaabay Maamul uu gudoomiye ka yahay Maxed Cusmaan Dhagaxtuur oo loo dhisay gobolka Banaadir. Kadib xaflad balaaran oo saakay ilaa caawa ka socotay guriga Raiisul wasaaraha dowlada KMG ah oo maamul loogu samaynayay gobolka Banaadir islamarkaana ay goob joog ka haayeen Raiisul wasaare Nuur Cadde,gudigii KMG ahaa ee gobolka Banaadir iyo golaha deegaanka oo ka kooban ilaa 69-xubnood ayaa gudoomiye luugu doortay Maxed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo horay maamul ugu soo qabtay gobolka Banaadir. Xilka gudoomiyenimada maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa u taagnaa Maxed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo Ing.Maxed Xaaji waxaana ku xigeenka koowaad u taagnaa C/fitaax Ibaraahim Shaaweeye iyo Iimaan jimcaale iyadoo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka labaadna ay u sharaxnaayeen Axmed Aadan Shido iyo C/qani Cusmaan Kabreeto. Markii ay codayntu dhacday ayaa waxaa 50-cod bixin ku guuleystay Maxed Cusmaan Dhagaxtuur oo noqday gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho kaasi oo xilkaasi haynaya ilaa 4-bilood sidoo kale C/fitaax Ibaarim Shaaweeye ayaa isna ku guulestay 38-cod taasi oo u sabatay in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee maamulka cusub halka ku xigeenka labaad oo ah Axmed Aadan Shido uu helay 35-cod. Gaba gabdii xaflada ayaa waxaa ka hadlay Raiisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo kula dar daarmay masuuliyiinta la doortay in ay shacabkooda wax u qabtaan islamarkaana ay xooga saaraan arimaha dib u heshiisiinta. goobta ay doorashadaasi caawa ku soo gab gbowday ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulkii KMG ahaa ee gobolka Banaadir kaasi oo halkaasi maamulka ugu wareejiyay gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Max'ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur kaasi oo goobta ay xafladu ka dhacday luugu dhaariyay in waajibaadka laa saaray ay si daacad ah u gutaan. Arintaan maamul u samaynta gobolka Banaadir ayaa ku soo aadeysa xili uu qilaaf baani ka dhex taaganyahay madaxweynaha dowlada C/laahi yuusuf Axmed iyo Raiisul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde kasi oo markii hore ka dhashay arinta maamulka gobolka Banaadir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 24, 2008 Another magac u yaal maamul. Muxuu qabtay kii hore uu kana qaban karaa? Waxaa yaab ah maamul ku sheegaan waxaa lagu soo dhisay 4.5. Yaab badanaa, tii hore laguma waano qaadan. Waxaa kasii yaab badan dadkii Xamarti qadiimiga ahayd loogu yimid ayaa nus tihiin la leeyahay iyagoo magaaladooda marti weyn loogu ahaan jiray. Maryooleey seenbari maryooleey. Quote Share this post Link to post Share on other sites