Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Time to Get the Money .. lol

Recommended Posts

Garaadada Oo Safar Ugu Baxaya Qatar Iyo Kuweyt

 

 

Dubai(Jidbaale.com):- Garaadada SSC ee ku sugan dalka Isku taga Imaaraadka Carrabta ayaa waxay soo gebogebeeyeen. Shirarkii kala gedisna ee ay la lahaayeen Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan dalka Imaaraadka.

 

Shirkii ugu weynaa ee dhaman Jaaliyadu isugu timidna wuxuu ahaa kii malinimadii sabtii ka dhacay magaalada Abu dhabi. Waxay isimaddu Casuumaad ka heleen Jaaliyaddaha dalaka Sucuudiga , Kuwait iyo Qatar.

 

Waxaana la isku afgartay in ay gaadhaan Jaaliyadahaas maadaba ay ku sugan yihiin wadamaidi Khaleejka. waxaase suurta geli waydey in ay u dhoofaan dalka Sacuudiga maadab ay tahay xiligii Xajjka . sida uu qabo sharciga dalkaasina ay waajib tahay in xiligan oo kale qofkastaa uu sucuudiga ka soo galo dalkii u Baasaboorka ka qaatay.

 

Garaadaduna ay u suura geli waydey in ay hada ku kala noqnoqdaan dalalkii ay Baasaboorada ka wateen oo kala ah Yurub, Australia iyo Amerika.

 

Wuxuuna go'aankii hore ahaa in Isimaddu ay tagaan dalka , ka hor inta aysan dalalka Reer Galbeedka u gudbin. Waxaana lagu wada in isla wiigan gudihiisaba ay ku soo galaan dalka gudihiisa. Waxaana aan war sal iyo raadtoona lahayn in Isimaddu ay ka noqdeen go'aankoodii ahaa ku noqoshada dhulkii.

 

Kulanka ay si wada jir ah u yeesheen Gudiga jaaliyadda SSC e Imaaraadka iyo Garaadadu ayey waxay Garaadadu u sheegen gudiga in ay codsi ka heleen Jaaliyadaha dalalka aanu kor ku soo sheegna kuwaasoo codsaday in ay soo gaadhaan maadaba ay Joogaan Khaleejka isla markaana ay dib oga noqdaan isla Khaleejka taasna waa isla afgarteen Jaaliyada Reer Imaaraad iyo Garaadadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this