SOO MAAL Posted June 26, 2006 The celebrations of the Somali National Week (June 26 - July 1) Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta Maanta maanta maanta Madaxeen banaane maanta.. June 26: British Somaliland colony (northwest and northcentral Somalia) took independence from Britain June 26: Somalia's Flag Day; first Somali flag was raised in the city of Hargeisa June 27: Djibouti took independence from France July 1: Italian Somaliland colony (South, and north East Somalia) took independence from Italy July 1: the somali Union Day July 1: the Somali Republican Day It is the 46 anniversary of Somalia 1960-2006 Congratulations to all Somali people Happy Somali National Week for all Somali people Dhamaan Umada Soomaaliyeed Hambalyo Ilaahay haa ka dhigu tobaadka wadanka Soomaalia mid farxad badan amiin waa 46 guuradii ka soo waraagtey maalmihii xuriyada, calanka, midowga, iyo aasaskii jamhuuriyada Somalia Happy Somali independence week VIVA SOMALIA Heeso Wadani ah Heeso Wadani ah Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 26, 2006 Bahda Shabakada wararka Afnugaal.com oo hambalyo ku aadan 26 june u direysa umada soomaaliyeed Warkii 25-Jun-2006 iyo Qormadii: c/lahi bookh hadii aanu nahay Bahda shabakada wararka ee Afnugaal.com waxaanu umada soomaaliyeed meel ay joogtaba u direynaa hambalyo aadan maalinta 26ka june oo ah maalintii xornimada gobolada waqooyi ee soomaaliya maalintan oo ah maalintii ugu horeysey ee calan soomaaliyeed laga taago ciida soomaaliya waa ,maalin qadarin mudan waa maalin ciid ah waa maalintii aduunku inoo aqoonsadey dowlad ka mid ah dowlada aduunka , waa maalintii aynu guraney midhihii kasoo baxay 21 sano oo aynu xoriyada u dagaalameyney , maalintii uu c/lahi timacade uu lahaa (sareeyow ma nusqaamow kana siib kana saar) hadaba hadii aanu nahay , dhamaan howl wadeenada shabakada afnugaal waxaanu umada soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogto u direynaa hambalyo ku saabsan maalinta 26 june anagoo idiin balan qaadeynaa inaanu idiin soo gudbino xafladaha lagu maamuusayo maalintaas weyn ee ka kala dhacaya dhamaan dacalada aduunka iyo waliba taariikhda jamhuuriyada soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 26, 2006 Munaasabadda calan saarka Soomaaliya oo la qaban qaabinayo Baydhabo - 25.June.2006 Xaflado kala duwan oo loogu diyaar garoobayo munaasabadda xuska 46-aad ee markii ugu horreysey ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Soomaaliya ayaa ka socota magaalooyin kala duwan oo ku yaal gudaha dalka. Munaasabadahaas midda ugu weyn ayaa habeenka caawa ah lagu qabanayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo oo fariirin kumeel gaar ah u ah dawladda federaalka Soomaaliya. Munaasabaddan ayaa waxaa qaban qaabadeeda mas’uul looga dhigay kusimaha wasiirka arrimaha gudaha ahna wasiirka beeraha dawladda federaalka Soomaaliya Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud). Toddobaadka Qaranimada Soomaaliya (Somali National Week) ayaa sannadkan bilaabanaya iyada oo ay dalka ka socdaan isbeddello isla markaasna ay dhowaan dhaceen dagaallo ay dad badan ku dhinteen kuwaas oo gobollo kala duwan ka dhacay. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted June 26, 2006 Soomaaliay Ha Noolaato!!! I will celebrate this day with my family and my SOL family. The end of the occupation of the Eastern and Northern Somali territories did not come for free. It was the result of a bitter struggle that has lasted for 75 years. It is worth remmembering and honouring all those brave souls that have foughtand died for our liberty. We shall not be the ones that betray the rightious cause. Soomaaliya Ha Noolaato! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xarago Posted June 26, 2006 Thee day itself is historical and should be aleways honoured and remembered, but what is trajic is the events that followed it five days after. We should have never made that diversion and just may be things would have been different....! Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 26, 2006 Xarago In reality, the Somali civil war era, that caused the collapse of Somali republic, the rise of warlords in the south and clan feithdoms in the north is the most tragic events in history of Somalia Endless clan and sub-clan wars of Borame, hergeysa, burco, Galkacyo, Baydhabo ’92, shabelle region, Kismayo and Juba region, Mogadisho, and the one still raging in Aricadeeye in Sool region. The brightest events in Somali history took place June 26-July 1, 1960, the independence of former British and Italian Somali colonies, and founding of Somali republic. The reunion of Somali territories was a blessing for all Somali people The point of this thread is not only to honor and remember these days but also to commemorate in special way and celebrate the liberation of territories from Europeans, the reunion of Somali people, and the founding of Somali rebuplic, waayo maalmahani waa maalmaha qaranka soomaaliyeed Anyways this thread is not intended to discuss any politics. But with the aim of nomads to exchange congratulations In may 18, I said to northwest Somalis have a great day Please walashiis don’t spoil our celebrations Peace SOO MAAL Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 26, 2006 Maanta maanta maanta waa maalin weyne maanta Maanta maanta maanta madaxeen bannaane maanta Hanbalyo, Hanbalyo, Hanbalyo. Maalmaha qaranka Soomaaliyeed Ururka Mideynta & Horumarinta Dhalinyarada G/Sool oo u hambalyo u diraysa ku aadan 26 June maalinta xoriyadda Soomaalida.. Sida uu shabakadda warbaahinta Somaliweyn.com u u sheegay afhayeenka ururka Subeer Idiris. Ururka mideynta & horumarinta dhalinyarada G/sool ayaa hambalyo u diraysa umadda soomaaliyeed maalinta xoriyadda 26 june, maalintaas oo ah maalin ku weyn shacbweynaha soomaalida maadaama ay tahay maalintii heeryadii gumaysiga laga tuuray shacbi weynihi Soomaaliyeed ee Goboladii la oran jiray British Somaliland Protectorate, taasoo aan soo xasuusanayna gabaygii uu ka tiriyay goobtii calankii gumaysiga lagu siibay laguna saaray kii shacbi weynaha gabyaagii caanka ahaa Cabdilaahi Suldaan Timacadde ee ahaa (( Saaxirkii kala guurraye kana siib kana saar)) iyadoo umadda soomaalida ay ugu fadhido qiime aad u balaadhan ahna maalin qaran, waxaa maanta sidoo kale lagu xasuusta weftigii ka tegey gobolada waqooyi (Somaliland) ee Garaaad Cali iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland ka mid ahaa ee heshiiskii xornimada ku saxeexay magaalada London ee cariga ingiriiska. Sidaas awgeed, hadaanu nahay ururka mideynta & horumarinta dhalinyarada G/Sool (SYUDO) waxaaannu shacbiga ugu hambalyaynaynaa maalintan qiimaha & maamuuska leh waxaanuna u rajaynaynaa umadda guul & barwaaqo. Allaa Mahad Leh, Afhayneenka Ururka Mideynta & Horumarinta Dhalinyarada G/Sool Subeyr Idiris subeyr_2@hotmail.com Lasanod,Sool Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 26, 2006 26-ka June oo si weyn looga xusay magaalada Baydhabo oo haatan ay fariisin ka dhigatay DFKMG Muqdisho, June 26, 2006 (WDN) - Munaasabad ballaaran oo lagu xusay 46 sanad guuradii kasoo wareegatay markii ay gumeysiga Ingiriiska ka xuroobeen gobolada woqooyi ee dalka Soomaaliya, ayaa xalay lagu qabtay aqalka madaxtooyada DFKMG ee magaalada Baydhabo. Munaasabadan xalay waxaa kasoo qeyb galay madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore iyo xubnaha labada gole ee magaaladaasi ku sugan. Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyada maalintan ay leedahay, isagoo sheegay in 26-ka June ay tahay maalin qiime iyo qaaye ku leh shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxa uuna hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ku dhaqan gobolada woqooyi ee dalka.Madaxweynuhu waxa uu xusay in Soomaalida ay waajib ku tahay in ay ilaashato xurnimadan ay ku naalooneyso isla markaana ka fogaato wax walba oo keeni kara tafaraaruq. C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in Soomaalida aysan kala maarmi karin isla markaana aysan kala go' karin. Waxa uuna shacabka ku dhaqan woqooyiga Soomaaliya ka codsaday in ay ilaaliyaan midnimada ay la wadaagaan walaalahooda koonfurta ku dhaqan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad haatan ka baxaya mushkilad sokeeye oo 16 sano ay kusoo jireen. Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Cisman Cilmi Boqore oo isna munaasabadii xalay Baydhabo ka dhacday hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan uu u hambalyeynayo isla markaana uu ku boorinayo in ay ilaashadaan xurnimada, kana fogaadaan wax kasta oo ku keeni kara in ay kala tagaan. Munaasabadii ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in ay ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin aad u fara badan. Inkastoo ay ka maqnaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'isalwasaare Cali Maxamed Geedi. Si kastaba ha ahaatee munaasabada 26-ka June ayaa sanadkan waxa ay kusoo aaday xili isbadal weyn uu ka jiro degaanada koonfurta Soomaaliay, ka dib markii la jabiyay qabqablayaashii shacabka xoogga ku heystay 16-kii sano ee lasoo dhaafay. Inkastoo koonfurta Soomaaliya si weyn looga xusay munaasabada 26-ka June hadana waxaa munaasabadaasi aan si weyn looga xusin ama looga dareemin gobolada woqooyi ee dalka. Waxaana goboladan ay iminka sheeganayaan in ay ka go'een Soomaaliye inteeda kale, inkastoo aysan caalamka ka helin aqoonsi caalami ah. Sidoo Kale magaalada Muqdishu ayaan siddii dhici jartay xiliyadii hore aan maamuuska xuska 26-ka looga agaasimin. Maxamed Cumar Aadan WardheerNews, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 27, 2006 aminarts XUSKA LIX IYO AFARTAN GUURADII CALANSAARKA XORNIMO Quote Share this post Link to post Share on other sites
SOO MAAL Posted June 28, 2006 Guud ahaanba gobolka sool oo maanta laga xusay 26ka juun Laascaanood 26 Juun 2006 Waxaa maanta si weyn looga xusay magaalada laasacaanood sanad guuradii 46aad ee kazoo wareegtay xilgii ay gobolada waqooyi xornimadooda ka qaateen wadanka ingiriiska oo ahaa gumaystihii sida xaqdarada aha ku xukumayey gobalada waqooyi ee dalka Somalia , waxaana magaalada laascaanood ay dadwenuhu maanta si aada u hadal hayeen halgankii dheeraa ee loo soo maray xoriyada maanta lagu naaloonayo,taasoo ay hormuud ka ahaayeen dadwaynaha ka soo jeeda Gobolada SSC oo iyagu saldhig u ahaa gobanimada Somalia, sidoo kale waxaa maanta si hagar laâ€aana uga qayb qaatay fantasiyahayn idaacada radio laascaanood oo hawada ku jirtay in kabadan 10 saacadood, iyagoo bulshada ku dhaqan magaalada laascaanood u soo tabinayey barnaamijyo taariikhiyaysan iyo weliba suugaan wadani ah oo ku taxaluqda maalinta 26ka juun,waxaana suugaantaasi ka mid ahaa geeraarkii caan baxay ee abwaankii soomaaliyeed cabdilaahi suldaan timacade :"kaana sib kana saar " waxaana ay dadwenaha qaarkood hambalyo iyo salaan u gudbinayeen iyagoo adeegsanaya khadka telefoonka asxaabtooda qaraabadooda iyo eheladooda ku sugan magaalada laascaanood iyo weliba daafaha dunida, Aadan jaamac oogle {aadan xabeeb} Jeelle@radiolaascaanood1.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted June 28, 2006 Soomaal thanks brother. Wa maalmo qiimo uleh dhamaan shacabkja soomaliyeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted June 29, 2006 Happy 26th of June Mr. Soo Maal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted June 29, 2006 Thanx jimcaale I didnt know this video existed, I am so happy now Quote Share this post Link to post Share on other sites
Guhaad Posted June 29, 2006 Happy 46th birthday Somalia! Ha Noolaato I wonder if the happiness, emotions, aspirations, dreams, and smiles on the minds and faces of those people who celebrated the first year of independence could ever be restored. never say 'never.' hadeer dowlad islaam ah baaba noo soo socota. Gabareey xijaabkaaga, Ninow garkaaga 'In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar' TimaCadde Quote Share this post Link to post Share on other sites