General Duke Posted January 12, 2008 Qaahira: Jaamacada Carabta oo soo dhoweysay hana qaadka Xukuumada Cusub ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde 12. januar 2008 Qaahira (AllPuntland) - Ururka Jaamacada Carabta ayaa si diiran usoo dhoweysay Xukuumada Cusub ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, iyadoona sheegtay in wafdi ballaaran ay usoo direyso Soomaaliya kuwaasi oo u kuur gala xaalada Dalka Soomaaliya. Wakiilka Jaamacada Carabta ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Samir Al-xusni ayaa sheegay in Jaamacada Carabta ay soo dhoweyneyso hana qaadka Xukuumada tirada yar ee uu soo dhiysa Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde. Samir Al-Xusni ayaa sheegay in Jaamacada Carabta ay la shaqeyn doonto Xukuumadan Cusub oo uu sheegay in ay wax weyn ka bedelan tahay kuwii hore. Waxa uu sheegay in qaabka dhismeedka Xukuumada Cusub ee dibada iyo gudaha Baarlamaanka laga soo kala xulay ay tahay mid door muhiim ka ciyaari karta hanaanka dowlada iyo xasilinta dalka sida uu yiri. Mr Samir ayaa sheegay in Jaamacada Carabta ay wafdi u kuur gala xaaladaha bani'aadanimo ay dhowaan usoo diri doonto soomaaliya, si saacidaad uga geystay dadka soomaaliyeed ee dhibaatooyinka la soo gudboonaadeen. Dhinaca Kale Ururka Midowga Yurub ayaa isna soo dhoweeyay Xukuumada Cusub, isagoona aad ugu riyaaqay tallaabadii uu Baarlamaanka ku ansixiyay Xukuumada maalintii khamiistii. C/casiis Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites