Sign in to follow this  
Suldaanka

Xuska 14 guurrada JSL iyo sida looga Xusay Gobalka Sanaag

Recommended Posts

Xuska 18 may iyo sidii looga Xusay G/sanaag

 

Xuska 14 guurada munasibada 18 may ayaa maanta si weyn looga xusay Magaala Madaxda G/sanaag ee Deg C/gaabo, Xafalad Balaadhan oo lagu qabtay Barxada Xarunta Maamulka G/sanaag ka dib markii duruuftu Saamixi weyday in munasibadu ka dhacdo garoonka kubada cagta ee Dallo Stadyum oo Xili roobadaadka dartii biyo fadhiisin noqday, Munasibadan oo si mug leh loo soo agaasimey waxa ka qayb galay Masuliyiinta Maamulka G/sanaag, madaxda ciidamada, Ururada bulshada, madax Dhaqameedyo,Abwaaniin iyo Dadweyne kalle oo aad ufara Badan.

 

Hadii aynu sawir guud ka bixino Dabaldegyada maanta lagu xusayey munasibada 18may ee magaalada C/gaabo Waxa jirey maalmihii tegay diyaar garow xoogan siiba D/hoose ,Wasaradaha Dawlada , Ciidamada, Ururada haweenka, kuwaas oo qolo kastaa isu diyaarineysey sidii ay wacdaro uga muujin lahaayeen Fagaarha lagu qabnayay Xusuka, Ugu horeyntii Waxa iyagu Gaada ka ciyaar iyo salaan ku soo maray fagaraha cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo ka koobnaa Milteriga, C/asluubta, iyo Booliska, waxa iyaguna saf saf u soo maray ardayda wax ka barta Dugsiyada kalla duwan ee Ceerigaabo, Waxa iyaguna soo maray markooda Wasaaradaha Kalla duwan ee ka hawl gala Gobolka oo ay ka mid ahaayeen, Waxbarshada, Kalauumaysiga, Boosaha, Xanaanada Xoolaha, Waxa si Gaar u soo jiitey Dadweynihii xaflada joogay, Wasaaradaha Macdanta iyo biyaha, Horuumarinta Miyiga, Caafimaadka iyo Dalxiiska oo iyagu Soo bandhigay Astamohooda shaqo oo Sawir Xaqiiqo ah, waxa iyaguna Ka mid ahaa ururadii bulshada ee maray saaka Haween ka tirsan Ururka Now, Adeeg, iyo Urur Bulsheed kalle oo lagu magcaabo Ogaal, markii uu dhamaaday maritaankaasi ayaa waxa bilaabmay Khudabadihii iyo barnaamijyadii kalle ee loogu tala agalay xafalda.

 

 

Waxana ugu Horeyn halkaa ayaado Quraana ka akhriyey Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo awqaafta G/sanaag Sh. Xaamud Cumar, ka dib Waxa tixo gabay ah oo ku Saabsanaa munasibada iyo Calanka isaguna halkaa ka jeediyey Abwaan Siciid Cabdi Xassan, Boqor Axmed Calli Ducaale oo Ka mida Madax Dhaqameedyada G/sanaag ayaa isaguna Munasibada ka hadlay ugu horeyn Wuxuu boqorku aad ugu dheeraday Qiimaha Munaasibadan ay ugu Fadhido Shacbka Somaliland{{ Maanta waxynu halkan isugu nimi cid Waliba waa garanay, Waa malintii aynu dib wax u garanay, ilaahay wuu inoo nimceeyay, nimcadaa waa inaynu garanaa, waxa ugu weyni waa inagoo nabad gelyo haysana iyo Calankeenii, waa inaynu shukri naqno, horuu mar doono sidaas baan u malaynayaa in wanaageenu ku jiro hadii aynu shacabka Somaliland nahay ayuu yidhi boqorku}}

 

 

Waxa kalle oo munaasibada ka hadlay Caqil Axmed Jamac Ismacil, Cheaf Caqil Maxamed Jamac faarax Waxyna aad uga hadleen Macnaha iyo miisanka Dawladnimada oo ay ugu horeyso Ilaalinta Nabada Gelyada iyo Dhawrista Dhaqanka wanaagsan ee markaa aan ka hor imanayn Diinta Islaamka.

 

 

Murwo Faadumo Cabdalle Xaaji Muuse oo ku hadlaysay Magaca Ururwynaha Haweenka Qaranka ee Now ayaa iyaduna ka mid ahayd Dadkii Ka hadlay Madash, Murwo Faadumo waxay hanbalyo u dirtey dhamaan Haweenka G/sanaag iyo guud ahaan haweenka JSl meel kasta oo ay joogaan.

 

 

Dr Axmed Max’ed Carey Agaasimaha Cusbitaalka C/gaabo ayaa isagu munaasibadan uga Faaideystay hadalo la xidhiidha Fariimo Caafimaad oo bulshada khuseeya, siiba Cabdida Sigaarka, Cunista Qaadka oo khatar weyn ku haya da’yarta soo korey ayuu yidhi dhkhtarku, wuxuu kalle oo dhkhtarku dadka kala hadlay arimo la xidhiidha fayo dhawrka Maadama Xiligan lagu jiro waqtigii xili roobaadka.

 

 

Maayarka Degmada Laas qoray Mr Siciid Axmed Gees ayaa isaguna ka mid ahaa Madaxdii ka soo qayb gashay Xuska maalinta 18 mey Maayarku isagoo ka wakiila Shacabka Degmada Laas qoray wuxuu ugu horeyn Salaan iyo mahad naq u jeediyey Madaxda iyo dadweynihii ka soo qayb galay xaflada iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay joogaan,

 

 

Waxa iyaguna Madasha ka hadlay Masuuliyiin ay ka mid yihiin, Isuduwayaasha , Boosaha iyo Beeraha Siciid Ducaalle Hersi, Max’ed Yusuf Max’ud iyo Xildhibaan Max’ud Dirir.

 

 

Max’ed Abokor{Jeylaani} Abaanduulaha Aaga Bari ee C/qaranka ayaa isaguna Ka mid ahaa Dadkii ka Hadlay Goobta ugu horeyn Maxed Abokor wuxuu ka waramay qiimaha Maalintani ku fadhido, Abaanduuluhu wuxuu ka waramay Doorka Ciidamadu ku leeyihiin Sugida Nabadgelyada oo ah Shaqada ay mar kasta heeganka u Yihiin oo ah Sugida Nabada Gudaha iyo difaaca Cadawga debeda, Abaanduuluhu wuxuu ka hadlay Dhacdo afduub oo dhowaan ka dhacday ceerigaabo{{ Hada ka dib looma Dul qaadan doono cidii khal-khal gelinaysa Nabada iyo Xasiloonda Dadweynaha, Dadweynahan waxaan ka codsanyaa inay la sheqeeyaan Ciidamada Qalabka sida habeen dhoweyd dhacdadii af duubka ahayd Dadku waa wada arkayey laa kiin may dhicin inay u sheegaan Ciidamada hadii ciidamadu ogaan lahaayeene may suura gasheen, Gaadhiga Booliska ayaa Taagnaa meesha hawshu ka socotey, Daweynuhu Mar labaad ha soo sheegeen meesha carqaladi ka jirto Fartana Ha noogu fiiqeen wasalaama caleykum}}

 

 

Axmed Iidle Cabdi K/xigeenka taliyaha Ciidanka Booliska G/sanaag ayaa isaguna Ka Hadlay qodobo la xidhiidha Sugida nabad Gelyada .

 

 

K/xigeenka Maayarka Degmada Ceerigaabo Mudane Max’ud Cawed Ducaalle(herdi) ay ka hor intii aan la soo khatimin Xaflada wuxuu jeediyey Khudbad wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay(( ugu horeyn Waxaan halkan ka salaamayaa Dad weynaha sharfata leh ee ka soo qayb galay xafladan , Madaxda Gobolka, Madax Dhaqameedyada, Haweenka, Ubadka, Dhamaan waxaan idin leeyahay waad salaaman tihiin, Maanta waa garanaysaan Waa 18 may waa maalintii Somaliland Gooni isu taagtay, waa mallitii dhidibada loogu aasay G/togdheer Burco, Halakan waxa maanta inala jooga gudoomiyihii laas Deg Laas qorey oo xafladan inagala soo qayb galay isaga iyo Shacabka reer laas qorayba waxaan u jeedinayaa hanbalyo,}}

 

 

Maayar xigeenku wuxuu ka hadlay sida madaxdii ka horeysayba Dhinaca Nabad Gelyada{{ Maalmahan u danbeeyay waxa jirey in wax xoogaa dhinacii Nabadgelyada aad moodo in wax iska Bedeleen waxa la sheegay af duub Ma aha wax aynu Caado iyo dhaqan u lahayn, waa in aanay mar danbe arinataas oo kalle dhicin dibna loo soo celin,

 

Xuska 18may iyo G/sanaag Sidii loogaga Dabaal degey

 

 

waxa lagama maar maan ah in aynu si nabad gelyo ah ku wada noolaano, barwaaqada Ilaahyna ku shugri naqno}}

 

 

Geba gebadii Xaflada Waxa soo gunaanadey Gudoomiyaha G/sanaag Mr Calli Cabdi Hure Waxana Hadaldiisii ka mid ahaa {{ Maanta Waa malintii Gooni isu taiga S/land malintaas oo aha Maliintii Shacbka Somaliland isagoo isku dhan Salaadiin, Cuqaal, iyo aqoonyahanba lagu shiray Magaalada Burco laysagana yimi dhamaan Gobolada uu ka kooban yahay Dalku ayna Go’aansadeen inay la soo noqdaan Xoriyadii ka luntay 1960 laguna Xaqiijiyey Gooni isu taaga Somaliland, runtii muu ahayn Feker ka yimi qof,koox iyo reer midna muu ahayn ee wuxuu ahaa mid wada tashi ah oo dhamaan beelaha Somaliland ay wada Xaqiijiyeen oo Wada saxeexen, ilaa Maanta oo ay 14 jirsatey maanta waxa lagu soo bar baariyey nabad iyo deganaansho, waxaana loogu soo Bar baarinayey si ay u taaba gasho, Wax alaale wixii nabad gelyo daro keeni karaana carqalad bay ku noqonay qaranka iyo Gobanimadaba}}

 

 

Gudoomiyuhu wuxuu ka waramay taarikhdii uu soo Maray Midawgii Somaliland iyo Somalia iyo sida ay u ahaayeen laba dal oo kala Madax Banaan, Wuxuu ka waramay oo kalle dulmigii Shacbka Somaliland Kaga yimi Walaladoodii koonfur ee ay sida niyada samida ah kula Midoobeen, Arimahan oo keenay in la galo Halgan adag kaas oo ay ku timi Xornimadan aynu maanta haysano oo mudan in loo sameeyo dabaaldegyo intan ka Badan ayuu Gudomiyuhu yidhi.

 

 

Sidoo kalle Badhsaabku wuxuu aad uga Hadlay Arimha Nabad Gelyada uuna ku tilmaamay Nabdgelyadu inay tahay wax cid kastaaba u baahan tahay ee aan cid gaara xil ka saarayn ayna Waajib tahay in qof kastaa geestiisa ka ilaaliyo.

 

 

Ug danbayntii Wuxuu gudoomiyuhu Hadlkiisa ku soo Khatimay in Goor kasataba Ha Gaadhee Wixii denbiile la qaban Doonaan {{ Wixii denbiilayaal ah ee denbi ka Galay Shacbka Gobolka ee xukuumada ka galay, goor kasta Ha gaadhee waa la qabanayaa kuwaa.Waxaan Salaan u dirayaa anigoo ka wakilla Shacabka G/sanaag Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Xukuumada Somaliland iyo shacbiga Somaliland ee maanta oo kalle xusaya una taagan munaasibadan oo kalle Waxaana leeyahay Hanbalyo Ilaahay maalintaa teeda haynagu gaadhsiiyo Bash bash iyo badhaadhe}}

 

 

Dhinaca kalle waxa maanta munaasibadan xuska 18 May 2005 laga xusay Inta Badan Degmooyinka G/sanaag..

 

 

Xarunta Warbaahinta Sanaag

 

sanagmedia@hotmail.com

 

Exclu:Qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this