Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: UN, EU delegations arrive in capital...

Recommended Posts

Garoowe:Madaxda ugu saraysay UNFPA oo Puntland soo gaartay kulamona la qaadatay Saraakiisha W/Caafimaadka.

14. september 2010

 

APL

 

Garowe:(Allpuntland)-Xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe ayaa galabta kulan balaaran waxaa ku yeeshay madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland iyo wafti sare oo ka socdey hay'ada UNFPA Soomaaliya uuna hogaaminayay madaxa hay'adan wakiilka uga ah Soomaaliya.

 

Kualankan oo ka dhacay hoolka shirarka ayaa waxaa waftigan qaabilay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, agaasime waaxeedyada kala ah C/risaaq Xasan Ciise agaasimaha qorsheynta, Cali Dhuux Agaasimaha caafimaadka bulshada iyo agaasimaha isku xirka gobalada.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa waftigan si diiran ugu soo dhaweeyey xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe, waxaana waftiga hogaaminayay Mr. Thomas MCdermott oo fadhigiisu yahay magaalda Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

 

Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa waftigan uga warbixiyey waxqabadka wasaaradda caafimaadka Puntland iyo baahiya dhanka caafimaadka ee dalka ka jira, waxaana waftiga loo soo bandhigey muuqaal ka turjumayay baahiyaha dhanka caafimaadka ee guud ahaan Puntland iyo waxa uga qorsheysan wasaaradda caafimaadka Puntland.

 

Madaxa hay'ada UNFPA Soomaaliya Thomas MCdermott ayaa uga mahadceliyey agaasimaha guud iyo agaasime yaasha kaleba sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka Soomaaliya yimaado 22 sano kadib markii uu ka tagey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo uu wakiil uga ahaa hay'ada UNICEF xiligaas ayuuna sheegay inuu ku beegnaa 1988-dii.

 

Hay'ada UNFPA ayuu sheegay inuu shaqadeeda ku cusub yahay dhanka Soomaaliya oo uu hayo 6-bilood isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu markale cagaha soo dhigo dalka Soomaaliya, waxaana uu tibaaxay inuu jecel yahay inuu wadashaqeyn fiican la yeesho madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland isagoo tibaaxay habka wasaaraddu u dhisan tahay inuu yahay mid wanaagsan.

 

Dhanka Caafimaadka ayuu sheegay masuulkani in uu kaalintiisa ka qaadan doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira caafimaadka Puntland khaasatan barnaamijyada hay'adiisa ka quseeya una badan dhanka caafimaadka dumarka.

 

Intii shirkan lagu jirey ayaa labdaa dhinacba waxay si habsami leh uga wada doodeen sidii hoos loogu dhigi lahaa dhibaatooyinka had iyo jeer ku dhaca dumar isla markaasna loo samayn lahaa qorshe cad oo lagu wajahayo hoos u dhigista dhibaatooyinka caafimaad daro ee dumarka xiliga dhalmada.

 

Sidoo kale ayaa shirkan waxaa dib loogu eegay waxa ka qabsoomey barnaamijyadii sanadkii hore ay wada wadeen wasaaradda caafimaadka iyo hay'ada UNFPA, waxaana sidoo kale markaas laga doodey caqabadaha keenay inay barnaamijyadaas qaarkood ay hirgali waayaan.

 

Ugu danbeyntii ayaa labada dhinacba waxay la qaateen in la dardargaliyo hormarinta caafimaadka 5-ta sano ee soosocota iyo in la xiijiyo wadashaqeynta dhanka caafimaadka iyadoo hay'ada UNFPA ay xaqiijisay in wasaaradda caafimaadka Puntlanda ay hormar ku talaabsanayso bilahan.

 

Wasaarada Caafimaadka

 

Xarunta dhexe,Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Wafdi kasocda Midowga Yurub oo kulamo la qaatay Madax katirsan Dawlada Puntland.

13. september 2010

 

APL

 

Wafdi heer Caalami ah oo kasocda Ururka Midowga Yurub oo saacadihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa kulamo la qaatay madax katirsan Golaha Wasiirada ee dawlada Puntland & qaarkamid ah Qeybaha kaladuwan ee Maamulka dawlada Puntland kuwaas oo ay kala hadleen arimo badan.

 

Wafdigan oo uu horkacayey Sarkaalka Midowga Yurub u qaabilsan Isku dabaridka Arimaha Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa madax sarsare oo katirsan Ururka Midowga Yurub,Saraakiisha usaraysay Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya & Madax kale oo heer Qunsulo ah oo kasocda Wadmo katirsan Midowga Yurub,waxaana ay kulamadoodu ahaayeen kuwo xasaasi ah.

 

Kulamadan ayaa waxaa ay la qaateen Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirada Warfaafaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka,Wasiiru-dowlaha Qorsheynta ee dawlada Puntland,Wasiirka Maamul Wanaaga & Wasiirka Waxbarashada ee dawlada Puntland,waxaana ay kala hadleen arimo badan oo quseeya xiriirka labada dhinac & Qaabka wadashaqeyneed iyagoo la eegayey Kaalmada Midowga Yurub uu ugu deeqo Soomaaliya & waxa Dawlada Puntland kasoo gaara.

 

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Cabdixakiim Axmed Guuleed oo kulamadaas dhamaantood ka qeybqaatay Ayaa APL u sheegey in kulamadani ay ugu muhiimsanayaan Arimaha Siyaasada,Hor’umarinta,Amniga & taageerista Barakacayaasha ku jira xeryaha kaladuwan ee Puntland,waxaana uu sheegey in dhamaantood la’isku afgartay.

 

Cabdixakiim Axmed Guuleed wuxuu sidoo kale sheegey in Wafdigani ay u duuleen dhanka magaalada Nairobi oo ay markii horeba ku laabteen kadib markii ay dhowr habeen seexdeen magaalada Garoow ee caasimada dawlada Puntland,waxaana uu sidoo kale Wasiirku APL u sheegey In ay Saraakiishani wixii ay dawlada Puntland isku afgarteen dib ugula noqonayaan halkii ay kayimaadeen isagoo hoosta ka xariiqay inay hordhac u ahaayeen Wufuud kale oo caalami ah oo Todobaadyada soo socda soo wajahan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Freedomfighter007:

I hope they help that dust bowl of city. Each time I walk the streets their my sneakers get dirty from all that dust and sand lol

I never knew, Washinton DC was that bad.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this