Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Pirates strike and abduct ship..

Recommended Posts

Markab u raran gabacsato Somali ah oo la afduubtay

 

Mogadishu 03, Nov.06 ( Sh.M.Network) Markab ka diwaan gashan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa laga afduubtay xeebta magaalada Muqdisho.

 

 

 

Markabkaan oo la yiraahdo MV Fishana, kana diwaangashan wadanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu dhuxul ka qaaday dekedda Ceelmacaan ee magaalada Muqdisho.

 

C/raxmaan Colow oo ah ganacsadihii uu markabkaasi u rarnaa ayaa Shabelle u sheegay in markabkaan kabtankii waday uu la soo xiriirey, uuna ku wargaliyay in rag Somali ah oo hubeysan ay afduubteen.

 

Markabkaan oo raashimo horey ugu dajiyay dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa dhuxul ka sii qaaday dekedda Ceel-macaan, dhuxushaasi oo ku sii jeeday dalka Imaaraadka carabta.

 

Markabkaan ayaa waxaa saarnaa ilaa 12 shaqaalo ah oo u dhashay dalka Hindia, iyadoo kabtanka markabkaasi waday uu u dhashay dalka Ethiopia.

 

Colow waxa uu sheegay in markabkaasi kooxaha hubeysan ay la aadeen ilaa 45 Mile meel u jirta xeebaha Muqdisho.

 

" Ma garaneyn ciddii falkaasi geysatay, balse waxaa inoola sheegay in kooxo hubeysan oo Somali ah ay qabsadeen" ayuu yiri Colow wareysi gaar ah uu siiyay shabakadda warbaahinta Shabelle.

 

Mr. Colow ayaa arimahaan ku tilmaamay mid la yaab leh oo aaney ka fileyn meelo u dhow xeebaha Magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay falkaan mid soo celinaya howlihii burcad badeedka ay ka wadeen xeebaha Somalia 2 dii sano ee la soo dhaafay.l

 

Waxa uu sheegay in ay ku war galiyeen maxkamadaha islaamka Somalia arinkaasi sidii ay wax uga qaban lahaayeen, isagoo sheegay in Maxkamadaha ay balan qaadeen in talaabo deg deg ah ay ka qaadayaan arinkaasi.

 

Xeebaha Somalia ayaa waxaa lagu tilmaamaa meelaha ugu qatarsan biyo goboleedka caalamka, waana markii ugu horeysay oo afduub uu ka dhaco tan iyo markii golaha maxkamadaha islaamka ay la wareegeen Koonfurta iyo bartamaha Somalia, inkastoo horey ay uga dhaceen in ka badan 40 kiis oo afduubyo ah.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli 1dii bishaan 10 burcad badeed Somali ah maxkamad ku taala dalka Kenya ay ku xukuntay min 7 sano oo xarig ah, ka dib markii lagu eedeeyay afduubka markab laga leeyahay dalka Hindia, waxaana burcad badeedaan ay dacwadooda ay ka socotay magaalada Mombasa tan iyo horaantii sanadkaan markii ciidamada Mariiniska Mareykanka ay ka qabteen xeebaha Somalia.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

MARKAB KA SHIRAACDAY DEKADDA MUQDISHO OO LA AFDUUBTAY

 

Markab ka diiwaan gishan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, dhowaana ka shiraacday dekadda weyn ee caalamiga ah ee magaalada Muqdisho una rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa la sheegay in lagu afduubtay xeebaha dalka Soomaaliya.

Markabkan oo la yiraahdi MB Fishan ayaa dhowaan waxa uu dhuxul ka qaaday dekadda weyn ee Muqdisho oo ay maamulaan midowga Maxaakiimta Islaamiga, ganacsade u rarnaa markabkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan Colow ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan soo gaaray markabkaasi magaalada Muqdisho oo uu badeecooyin kala gedisan uu keenay, wuxuuna uuna dhuxul ka qaaday.

 

Ganacsadahana ayaa caddeeyay jirataanka markabkaan la afduubtay kagadaal markii xiriir la soo sameeyay kabtankii Markabkaasi una sheegay in ay afduub ku haysataan kooxo dabley Soomaali ah, ilaa iyo haatana ma hayno ayuu yiri Colow meel uu ku sugan yahay markabkaasi ayna saran yihiin 12-qof shaqaale oo u dhashay dalka Hindiya.

 

Lixdii biloow ee ugu dambeysay oo gacanta ku dhigeen inta badan Koonfurta Soomaaliya waxaana ay wax ka qabteen markaabtii lagu afduuban jiray xeebaha Soomaaliya, iyagoo ka abuuray deegaanadii ku caan baxay in la geeyo maraakiibta la afduubto Maxkamado islaami ah.

 

Qoraal dhowaan ka soo baxay Q.Midoobay hay’adda u qaabilsan baddaha ay si weyn ugu ammaaneen Maxaakiimta Islaamiga sidii ay wax ugu qabteen afduubka Maraakiibta loogu geyso xeebaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this