Saxardiid Posted February 23, 2004 Axdiga KMG ee shanta sano ee soo socota lagu maamuli lahaa Dowlada Soomaliya oo la ansixiyey Nairobi Marun badan iyo buuqbadan kadib ayaa waxey dhamaan ergadii kasoo qeyb gashay kulankii maanta ansixiyeen Axdiga KMG ay yeelan doonta shanta sano ee soo socota dowlada Soomaliya . Ansixinta Maanta ay ansixiyeen ergada Mbagathi ayaa waxaa dadaal u galay beesha caalamka iyo gudiga fududeynta Igad kadib markii ay qaaten go´´aan adag oo ah in aan lagu kala tageynin maanta ayadoon la ansixin Axdiga KMG taasoo keyntay 6 saac kadib in codka kalsoonida looqaado Axdiga KMG ayadoona cod buuxa lagu ansixiyey. Kulankii maanta ayaa waxaa kala jiitey Ergada Col Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo asaga kasoo horjeeday in cod looqaado maanta Axdiga KMG halka Maxamed Qanayre Afrax uu doonayey in aan maanta lagu kala bixin ilaa laga ansixiyo Axdiga KMG taasoo uu ku guleystay fikirkiisa ahaa in codka kolsoonida looqaado Axdiga KMG oo inta badan isku raacday dhamaan Axdiga cusub ee KMG ., kulankii markuu dhamaaday ayaa dhamaan ergade waxey kor u qaadeen gudoomiyaha G8ka Maxamed Qanyare Afrax ayagoo qaadaayey heesta caanka ah e Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsadayey oo caada u ah Soomalida markii heshiis lagaaro in la qaado . Ansixinta Axdiga ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doona Col. Cabdulaahi Yuusuf maadaama uu hoolka shirka ka baxay asagoo careysan . click here for link Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ace of Spadez Posted February 23, 2004 this is a big step for somalia. inshallah they will get this will work out for them. somalis have suffered too long. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted February 23, 2004 wonderful news. Quote Share this post Link to post Share on other sites