Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Widhwidh - The Historical Decision

Recommended Posts

Cali Maxamuud Cali(Cali-Gurey)oo ka mid odayaasha degmada Widhwidh ayaa ka waramaya go'aamadii caaqilada,nabadoonada,iyo dhamaan wax-garadka degmada Widhwidh.Cali-Gurey ayaa goob joog ka ahaa markii ay odayaashu u yeedheen TV-ga Hargeysa,weriyaha u jooga Laascaanood,isla markaana odayaasha oo hadlaya laga sii daayey idaacadaha.

 

LISTEN HERE

 

Puntland bay ku xidhnaayeen,hay'ad baan u imaan jirin,dadku dantiisa inuu garto,Rag badan baa iga hor yimid,waan u dhabar adaygay,dadkii waa ii soo joogsadeen,waa i dhegaysteen,markii danbena dantooday garteen.

 

Haraad xun baa ka jirey,xanuuno yaab leh baa jirey,iskuulkii oo caruurtu dhulka fadhido.Wey i yeeleen,waxaan ka hadlayey bay arkeen.10sandood ee Puntland weligood ma aanan arag.Shalay ,markaan ka imidna wax waliba waa dhamaayeen,

 

 

 

Wuxuu sheegay in degmada Widhwidh uu mudo bil ah ka socdey shirar,waxaana isu yimid cuqaasha,nabadoonada,nin-garboodka,nin taliya nin aqoon leh,waxayna ka shirayeen dantooda,wax u dan ah,meesha u dan ah,go'aankoodiina wuxuu noqday inay Somaliland wax la qabsadaan,siyaasadooda raacaan,dantoodu ay ku jirto,taasaana xaflad loo qabtay.

 

Wuxuu sheegay in xafladaas la qabtay ay goob ka ahaayeen saxaafada Somaliland oo markaas ka timid dhinaca Laascaanood,isla markaana cajlado filim ah laga qabtay,oo laga sii daayey TV-ga Hargeysa.

 

Wuxuu kaloo sheegay in ay lakulmeen badhasaabka Puntland uga magacaaban degmadaas,wuxuuna tusay 15 fayl oo uu ku yidhi akhrista.Wuxuuna sheegay in odaygaasi hada iska joogo oo danihiisa qabsado,weligoodna aan wax maamul Puntland ahiba aanu imanba.

 

Cali Gurey oo ka hadlaya odayaasha go'aankaas soo saaray,isla markaana laga sii daayey waraysigooda TV-ga Hargeysa ayaa wuxuu sheegay inay ka mid ahaayeen Cheif Caaqil Axmed Saalax Maxamed Cali Buley,C/llaahi Saalax Maxamed Cali Buley,iyo Caaqilo kaleba.

 

Cali Gurey ayaa ka hadlay kulamo ay yeeshween Garaadka Beeshaas,iyo waxay ka wada haleen.

 

Wuxuu kaloo sheegay in Governatooraha Somaliland uu isna halkaas joogey,oo markii hore arintu ku bilaabatay heshiisiin laba beelood,sidaasna shirku ku bilowday.

 

Wuxuu cali sheegay inay odayaashu ogolaadeen in laga duubo filimo iyo warar iyagoo arintaas u arka mid sax ah.

 

 

READ MORE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this