Abtigiis Posted October 27, 2009 Two long poems one with the title "Dhabayac low kuusan", the other "Kudka Bari". Waxse dhaygag aadmiga ku riday, taad ku dhaqantaane Haddaad idinku dhabarka u goddaan, dhigasho xaalkeeda Dhawaaquna masayr kaa yahood, dhalfada weyn dooni Dhankaa kama naqaanee ugee, kii kubaray dheesha Dhiidhiibso isagaa ku odhan, kuguna dhaantayn e Dhadig iyo labood baa tihiin, wax u dhexeeyaaye Dhalfadii d.a.boolnayd markuu, kuu dhilqiyo gaalku Adoo dheehu kaa duulay baad, dhiirin socotaaye Hayeeshee wax dhacay baa jirrooy, dhibi ka joogtaaye Umad dhacantay baa muuqata oon, dhurra u laabnayne Haddaad idinku wada dhuuqsateen naago dhex- xidhkoodii Dhabahoodii idinkaa maroo, dhaclihii qaba e Dhadiggiinu dhinacay u kici, waabad dhaxasheene? Afartaa dhakada moowga riday, dhabayac low kuusan? Dhamac kulul qalbiga ma uga rogay, dhuxulo naaroobay? Dharbaaxooyinkaygaan aqiin, dhaaw! makaga siiyey? Hadda micida kuma dhuujin oo, waan ka dhimayaaye Dhawaaq kale markay soo ceshaan, taan ku dhigi doono Dhabanada haddii ayna qaban, dhagaxyadaan saarro Allay lehe dhiggood baan ahay, iyo Dhabayac low kuusan Gabaygu wuu dheeryahay, laakin inta kale waa arar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted October 27, 2009 Garowe: Dawladda Puntland oo beenisay war ka soo baxay ONLF. 27. oktober 2009 Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin in ay dawladda Itoobiya gacanta ugaliyaan dad udhashay Ismaamulka Soomaalida ee dawladda Itoobiya, isla markaasna waxa ay sheegeen in ay talaabadaasi mid ay ka been sheegeen Jamhada ONLF. Saraakiisha Madaxtooyada ee dawlada Puntland ayaa sheegay in ay maqleen Eedaynta ONLF, ayagoo sheegay in aysan waxba ka jirin in ay dawladda Puntland ay dad udhiibtay dawladda Itoobiya, waxa ayna intaasi ku daray in aysan ciidamadooda qaban dadka Soomaaliyeed. Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaasi, isla markaasna aysan marnaba ka suuragaleyn dawladda Puntland in dad Soomaaliyeed loo gacan galiyo dawladdaha jaarka la ah Soomaaliya. " Taasi ma dhici karto, waa been ay sheegtay ONLF, oo aanan garan karin ujeedada ay leedahay, dad aan dhiibnay ama laga qabtay Puntland oo ay ka xeysteen Itoobiya ma jiraan" Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka ag dhaw Madaxweynaha dawladda Puntland oo ka gaabsaday Magaciisa. Xuseen Maxamed Nuur oo ah Madaxda Warfaafinta ee ONLF ayaa xaqiijiyey in dad udhashay beesha ****** laga qabtay magaalada Boosaaso, loona gacan galiyey dawladda Itoobiya oo uu dagaal adag kala dhaxeeyo Jamhada ONLF oo ah Jamhada ay leeyihiin Beesha ******, dagaal adagna kula jirta dawladda Itoobiya oo maamusha gobalada Soomaalida ee kilalka Shanaad. Dawladda Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in ay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyey dawladda Puntland, waxaana maalmihii ugu dambeeyey soo baxayay warar kala gedisan oo ku saabsan halka uu salka dhigtay xiriirkaasi, markii ay ciidan ka tirsan dawladda Itoobiya si sharci daro ah ku galeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Warar hoosaadyo ka tirsan dawladdaha Puntland iyo Addis Ababa ayaa sheegay in uusan maalmihii ugu dambeeyey xiriirka labada dhinac wanaagsaneyn, isla markaasna ay jireen waxyaabo laysku mari waayay oo ay ka mid yihiin talaabadii carada ku beertay Madaxda Puntland ee ahayd in ay ciidamada dawladda Itoobiya, si sharci daro ah ku galaan gudaha magaalada Gaalkacyo, taasoo ay jawaabteeda ka gaabsatay dawladda Itoobiya. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted October 27, 2009 KUDKA BARI Hayeeshee Kaloorahan dhacaan sheegi kii wadayee Dhulka oo kalkii hoorayoo karin la soo daayey Raxamd eebahay keenayon kala go'ayn waayo Kalay buuxa dhiijaamo kidh ah rahhu ka dhaaleeyey Kaymaha caleemobay iyo dooga kala seexday Ummad nabad ku daaqdoo xornimo ugu kifaaxaysa Oo aan kadeed iyo dhib qabin kala irdhaysiiya Oon diiin ku kala leexan oo yahay kitaabkoodu Kalmadii ilaahay ku yidhi koonka anigaa leh Kol qudhuun wixii kala furfuree koxba dhan u caydhshay Waabayda koontiyo wixii kiciyey duufaanka Marka aan u kuur galay inbadan kadiso waa yaabe Diiwaanka kayd iyo dhacdada kala rogeen baadhay Kudkii bari ka yimidbaa kulkiyo keenay aafada'e Kadka qoriga keeb lagu rogmaday kalaqda yeedhaysa Kumanyaal kurkii laga jaray kuman laxaad beelay Kumanyaal agoontooway oon korin itaalkoodu Kumanyaaal waxay kayd dhigteen kolonyo waysaaqday Kala lumida kumanyaal aan lahayn kab iyo raadkooda Soomaalida kadeedkaa ku dhacay kala jabkaa gaadhay kudkii bari ka yimid baa kulkiyo keenay aafada'e Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted October 27, 2009 ^^^ Hey brainic...this is the POLITICS FORUM, your liddle tirade belongs in the Poetry section of the site. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted October 27, 2009 I was under the impression those with Shakespearean erudition will not miss when politics is discussed in a form other than prose. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted October 27, 2009 ^^ Well, in this instance, your 'impressions' are inspired and motivated by spurious ONLF propaganda that you've so ghoulishly contrived, and is therefore, not appreciated one bit. But on the other hand, I guess it is understandable that you place all your hopes on cheap propaganda-- even though your predicament deserves, no-- DEMANDS unwavering resolve on the part of you and your co-hearts, Mr A&T. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted October 27, 2009 With regard to my conversations with you, I have long realised anyone who has the misfortune of arguing with what the poet above has referred to originators of the 'kud' in the EAST, will be suffering the fate of Sisyphus. Speaking of who, I know you were a greek philosopher in your, what first or second life before being banned for numerous breach of SOL laws only to reapper under a different name, with the tacit approval of the site managers. Sisyphus was an arrogant and deceitful man who tricked the gods. Displeased at being duped, the gods sentenced him to spend eternity pushing an enourmous boulder up a hill. He would push it most of the way up the hill, then the boulder would roll back down to the bottom and he had to do it all over again and again and again. Every minute of every day, the story goes, Sisyphus pushes the boulder up the hill, only to watch it roll back down. I think it is a curse imposed on me for offending the good ladies of SOL. Anyway, the taunt of the liberation fighters goes on: Bal inay karaahaad yihiin, koram iblays fuulo Waa niman kobtii ay tagaan, nabad ka duub tahaye Waa niman ku xaasid ah khalqiga, kii la nool abide Waa niman kitaab beena mara, kun iyo kow jeere Waa niman kadaabnimada helay, Koobkii loo dhigaye ..... korka qolofta kaad ka guran jirteen, korankortii diinka Carsaanyadaad ku noolaan jirteen, dib ugu koorseeya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 27, 2009 whats this gabay dhalfyo iyo waxa ka sheekeynaya waxaasii wa ceeb niyo sugaanta waxa lugu ma so darro Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted October 27, 2009 Cowke, waxan Culimada Boosaaso ka qaylisiiyey miyaa been ah? APL uun ha akhrine bal iska hubi warkan aad thread walba ku qoreyso! Culimada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa si kulul uga hadlay nin ka soo jeeda Dhulka Soomaali galbeed oo uu Maamulka Puntland sida la xaqiijiyay u gacan galaiyay Gumeysiga Itoobiya, ninkaasi oo ka mid ahaa shan nin oo dhulkaa ka soo jeeda oo maalmo ka hor laga qabtay Dekada Magaalada Boosaaso xiligaas oo ay ka soo dagayeen Dooni ay ka soo raacen dalka Yemen. Culimada Kala ah Sheekh Axmed Daahir , Sheekh Xasan Xuseen Axmed iyo Sheekh Fu’aad maxamuud xaaji nuur ayaa Salaadii makhrib kadib hadlo kukul oo ay arintaas uga soo horjeedaan waxa ay ka jeediyeen Masaajidda kala ah Al-Rashiid, Ramadaan, Iyo Al- aqsaa... ka sii akhri http://www.somalimirror.com/2009/10/27/culimada-magaalada-boosaaso-oo-si-kulul-uga-hadaly-nin-loo-ga can-galiyay-itoobiya/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted October 27, 2009 Originally posted by Abtigiis & Tolka: Anyway, the taunt of the liberation fighters goes on: ^^ If only churlish taunts would liberate lands, then maybe you and I would be on the same page. I bet you think you are being really witty and original with this torrent of vituperation! But NOT! Heard that before, A&T? And what should we send you and your ilk for your non-stop nagging these last two days ? How about anything you can use to stuff it! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 27, 2009 Originally posted by Maaddeey: Cowke, waxan Culimada Boosaaso ka qaylisiiyey miyaa been ah? APL uun ha akhrine bal iska hubi warkan aad thread walba ku qoreyso! Shanta nine ee doonida lagala degey ayaa mid ka mid ah la dhiibey kaasina waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xussen Yuusuf, doonida waxay timid dalka Yemen, markii ay dekeda Boosaaso kusoo xiratayna waxaa si gaar ah dadkani ula degey illaalada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, sida ay odayaasha ku doodayaan. But acordig to Cowke this meeting was also a propagandha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted October 27, 2009 War hedde jaffe, the reference to Sisyphus miyaadan aqriyin above. This vagrant is tireless. Let him not tire you. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 27, 2009 Abtigiis waan u jeedaaa. Sophist iyo kii Xiinow ahaa inta ay ka soo galyaan isha ka dhowr ayaan is leeyahay. Kobtaas kaga hay aadeerkiis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted October 27, 2009 Warkani war la hubo ma aha ee yaan lagu degdegin. Hadiise ayba dhacday oo tuugada loo yaqaan PIS ay lacag ku raadsatay dhallinyaradaan dhibaatayntooda, yaan shacabka reer Puntland lagu eedayn falxumada arxandarrada ah ee ay PIS maalin walba ku samayso shacabka reer Puntland iyo walaalahooda ONLF. Mr. Somalia, awoowe you need to calm down. Quote Share this post Link to post Share on other sites