Garyaqaan2 Posted March 8, 2005 Muqdisho Nabad matahay? Let dayniile.com answer that Question Dhaqtar u dhashay dalka Raashiya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sadam ayaa maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho, xarun ku taalla agaagarka Ex.koontarool Balcad, kadib markii uu muran dhex maray sida la sheegay dabley ilaalo u ahayd, isagoo loo diyaarinayay inuu ka howlgalo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana dableyda dhaawacday ay ahaayeen kuwii sugayey ammaankiisa. Dhaqtarkan oo ku takhasusay qalliinka ayaa rasaastu ka haleeshay caloosha & garabka, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo qalliin lagu sameeyay, xaaladiisa ayuu noo sheegay mid ka mida dhaqaatiirta Isbitaalka inaan waxba laga sheegi karin oo uu ku jiro suuxdin, waana ninkii labaad ee ajnabi ah oo muddo laba bilood gudahood ah lagu dhaawaco Muqdisho, inkastoo dhaqtar shaqo u yimid Muqdisho. Dhaqaatiir ajnebi ah oo dhalashadoodu tahay Falastiin, Suuriya, Ciraaq, Masar & Ruush ayaa ka howgala qaar ka tirsan isbitaalada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho, iyadoo aanan ilaa haddana si sax ah loo ogeyn sababta loo dhaawacay dhaqtarkaasi Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com Ku noqo beejka webmaster@dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites