Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Hiiraale moving on to Buaale.

Recommended Posts

Maleeshiyooyinka Col.Bare Hiiraale oo kusii siqaya magaalada Bu'aale

Last Updated::2006-10-09 13:26:32

 

Kismaayo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyooyinka uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Col.Bare Hiiraale ay soo gaareen duleedka magaalada Bu'aale.

 

Wararkan ayaa laga soo xiganayaa xubno kamid ah Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Inta badan gaadiidka dagaalka ee Maleeshiyooyinkii Maxkamadaha ee ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo ayaa u dhaqaaqay dhinaca wadada jilib aada ee waqooyiga Kismaayo.

 

Dhaq dhaqaaqa maleeshiyooyinka Col.Bare Hiiraale ayaa ah mid laga dareemayo deegaano kamid ah Jubbada dhexe, ayadoo la sheegay in maleeshiyooyinkaasi ay kasoo gudbeen degmada Saakow ayagoo kusoo socda dhinaca Bu'aale.

 

Tuulada Muumin Dhooroow oo 50km dhinaca Galbeed ka xigta Bu'aale ayaa la sheegay in ciidamadaasi ay fariisin ka sameysteen.

 

Col.Bare Hiiraale ayaa tan iyo intii uu magaalada Kismaayo isaga baxay 25kii bishii lasoo dhaafay waday abaabul ciidan.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this