Sign in to follow this  
General Duke

Xasan Dahir, upset at his kinsmen Qaybdeed..

Recommended Posts

Funny that his tone is markedly different now..

 

Xassan Daahir “ waan ka xumahay in Saraakiishii riday Taliskii Siyaad Barre ay colaado ka huriyaan Muqdishoâ€

 

Muqdisho:-Wadaadka lagu magacaabo Sheikh xasan Daahir Aweys oo ka mid Asaasayaasha Maxaakiimta islaamiga ee Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay ka mid noqoshada Col. Cabdi Qaybdiid isbaheysiga la baxay soo celinta Nabadda iyo la dagaalanka Argagaxisada.

 

Sheekh Xasan Daahir oo wareysi siiyay Mid ka mid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Cabdi Xasan Cawaalle uu ahaa Hogaamiyaasha Hormuudka ka ahaa halgankii lagu Riday taliskii Maxamed Siyaad Barre ee dhibaatadda Ku hayay Shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigate , iyo dagaalkii lagala horyimid Ciidamadii Mareykanka ee dagaalka iyo baaba'a kula kacay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho sanadkii 1993-kii, waxaana uu yiri “ waan ka xumahay in Saraakiishii riday Taliskii Siyaad Barre ay colaado ka huriyaan Muqdishoâ€

 

Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu ugu baaqay cabdi xasan cawaalle qeybdiid uu isaga baxo isbaheysiga uu ku biiray,isla markaana ay furan tahay isaga iyo saaxiibadiisa kale In alle ay u toobad keenaan waa sida uu hadalka u dhigay wadaadka oo koox hubeysan oo kala heyb duwan ay ku ilaaliyaan guri ku yaala degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

 

Hadalka Sheikha ayaa ku soo Beegmay maalmo ka dib markii uu Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid ku biiray isbaheysiga la baxay la dagaalanka Argagaxisada iyo soo Celinta nabadda, uuna ku hanjabay inuu Muqdisho ka cirib tiri doono waxa uu ugu yeeray Itixaadka iyo kooxaha kale ee asal raaca ee saftay waddooyinka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this