General Duke Posted April 22, 2006 Funny that his tone is markedly different now.. Xassan Daahir “ waan ka xumahay in Saraakiishii riday Taliskii Siyaad Barre ay colaado ka huriyaan Muqdisho†Muqdisho:-Wadaadka lagu magacaabo Sheikh xasan Daahir Aweys oo ka mid Asaasayaasha Maxaakiimta islaamiga ee Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay ka mid noqoshada Col. Cabdi Qaybdiid isbaheysiga la baxay soo celinta Nabadda iyo la dagaalanka Argagaxisada. Sheekh Xasan Daahir oo wareysi siiyay Mid ka mid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Cabdi Xasan Cawaalle uu ahaa Hogaamiyaasha Hormuudka ka ahaa halgankii lagu Riday taliskii Maxamed Siyaad Barre ee dhibaatadda Ku hayay Shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigate , iyo dagaalkii lagala horyimid Ciidamadii Mareykanka ee dagaalka iyo baaba'a kula kacay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho sanadkii 1993-kii, waxaana uu yiri “ waan ka xumahay in Saraakiishii riday Taliskii Siyaad Barre ay colaado ka huriyaan Muqdisho†Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu ugu baaqay cabdi xasan cawaalle qeybdiid uu isaga baxo isbaheysiga uu ku biiray,isla markaana ay furan tahay isaga iyo saaxiibadiisa kale In alle ay u toobad keenaan waa sida uu hadalka u dhigay wadaadka oo koox hubeysan oo kala heyb duwan ay ku ilaaliyaan guri ku yaala degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho. Hadalka Sheikha ayaa ku soo Beegmay maalmo ka dib markii uu Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid ku biiray isbaheysiga la baxay la dagaalanka Argagaxisada iyo soo Celinta nabadda, uuna ku hanjabay inuu Muqdisho ka cirib tiri doono waxa uu ugu yeeray Itixaadka iyo kooxaha kale ee asal raaca ee saftay waddooyinka Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted April 22, 2006 Ha ka xaa-xaabsho. 2dii sharka isku raacda kheyrka kuma heshiiyaan. am out! Quote Share this post Link to post Share on other sites