Jacaylbaro Posted March 22, 2007 Mogadishu 22, March.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay magacaabay guddiga hormuudka u noqon doona guddiga dib u heshiisiinta qaran. Iyadoo muddo yar ay ka harsan tahay xilligii lagu balamay shirweynaha qaran ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu sheegay in uu ku qabsoomayo magaalada Muqdisho 16 ka Aprill ee sanadkaan ayaa xalay waxa uu magacaabay guddi hormuud ka noqonaya shirkaasi. Hogaanka shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa waxaa loo magacaabay Cali Mahdi Max'ed oo mar noqday Madaxweyne, isagoo kula dardaarmay dardar galinta habsami u socodka shirkaasi. Cali Mahdi Max'ed oo ka hadlay xilka loo magacaabay ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu u fulin doono sidii loogu dhiibay. Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli dagaalo culus ay ka bilowdeen caasimadda Somalia ee Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites