Sign in to follow this  
Jacaylbaro

C/laahi Yuusuf oo magacaabay hogaanka shirka dib u heshiisiinta

Recommended Posts

Mogadishu 22, March.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda Somalia, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay magacaabay guddiga hormuudka u noqon doona guddiga dib u heshiisiinta qaran.

 

Iyadoo muddo yar ay ka harsan tahay xilligii lagu balamay shirweynaha qaran ee Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu sheegay in uu ku qabsoomayo magaalada Muqdisho 16 ka Aprill ee sanadkaan ayaa xalay waxa uu magacaabay guddi hormuud ka noqonaya shirkaasi.

 

Hogaanka shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa waxaa loo magacaabay Cali Mahdi Max'ed oo mar noqday Madaxweyne, isagoo kula dardaarmay dardar galinta habsami u socodka shirkaasi.

 

Cali Mahdi Max'ed oo ka hadlay xilka loo magacaabay ayaa sheegay in xilka loo dhiibay uu u fulin doono sidii loogu dhiibay.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmatay xilli dagaalo culus ay ka bilowdeen caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this