Jacaylbaro Posted November 12, 2007 Laascanood(QARAN)-Madaxada sar sare ee xusbiga UCID, oo ay horkacayaan gudoomiyaha xisbigaasi mudane Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye ku xigeenka mudane Adan Waqaf ayaa booqasho ku jooga gobolka Sool, waftigani oo shalay ka soo kicitimay caasimada Somaliland ee Hargaysa waxa ay kormeer ku soo mareen aaga hore ee ciidamada qaranka, halkaasi oo ay ciidnaka ku gudoonsiiyeen daawooyin iyo maro kaneecooyin fara badan oo ay ugu deeqeen ciidmada qaranka iyaga oo ku wareejiyay maamulka sare ee aagaasi ee cidmada. Waftiga oo caawa ku sugan magaalada Laascanood ayaa waxa warbixin kooban shabakada Qarannews, siiyay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID, mudane Adan Mire Waqaf. Mr Waqaf oo socdoolkooda faah faahin kooban ka siinaaya Qarannews isga oo ku sugan magaalada Laascanood waxa uu sheegay in si aad iyo aad u heersaraysa loogu soo dhaweeyay magaalada Laascanood iyo goob kasta oo ay tagaan ama booqdaan, waxa uu xusay oo sheegay in hada magaaladu ay xasiloontahay oo wax waliba ay caadigoodii ku soo laabteen, kadib markii ay dadweynhu ******** xaqiiqdii iyo nabadgalayda taamka ah ee ka jirta magaalada Laascanood. Waxa uu noo sheegay in ciidamada Somaliland iyo shicibka reer Soola ay aad iyo aad isu fahmeen dadkuna ay aad uga mahad sheeganayaan ciidanka Qaranka iyo maamulka gobolka Sool ee cusuba, wax walibana ay caadigoodii yihiin hada, mana jirto ayuu yidhi buuqii iyo jidadkii la xidhaayay oo jidkastaaba waa furanyahay wax walibana caadigoodii ayay u socdaan. Xiligaasi uu mudane Waqaf siinaayay warbixintaasi kooban Qarannews, gudoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu mashquul ku ahaa hawlo kale oo la xidhiidha socdaalkooda, nooma ay suurto galin in aanu wax ka waydiino socdaalkooda,hase ahaatee Mudane Waqaf waxa uu noo sheegay in socdaalkoodani uu ahaa mid qaran ee aanu ahayn mid xisbi, sidoo kale waxa uu sheegay in ay u kuurgalayaan xaalada gobolka, isla markaasna maalinta barito ah ay booqanayaan goobaha adeegyada bulshada ee magaalda Laascanood, waxa uu mudane Waqaf aad u amaanay maamulka gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay maamul dhab ah oo gobolka ka wada horumar, waxa uu aad ugu duceeyay dhamaanba dadka gobolka oo uu xusay in ay walaalahood garabtaagaynyihiin markastaba. Sida ay doontaba ha ahaatee waftigani waa waftigii ugu horeeyay ee noociisan ah ee ka socda xisbiyada qaranka ee Somaliland ee booqda magaalada Laascanood tan iyo intii ay dadka gobolku iska saareen maamulkii Puntland ee duulimaadka ku qabsaday mudo hore, dhanka kalana waxa isla magaalada Laascanood ku suganb waftigii ka socday xukumada Somaliland ee iyagu gurmadka deg dega ah soo gaadhsiiyay gobolka, iyada oo gobolka ay fooda ku soo hayaan tageerooyin kala duwan oo loogu talo galay in wax loogu qabto gobolka Sool, iyada oo xukumada Somaliland ay si fiican adeegyada caafimaadka iyo kuwo kaleba wax weyn uga qabatay hada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 12, 2007 ^ Come again. Say who? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted November 12, 2007 The very man who calling Xasuuq little while back. Interesting! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 12, 2007 hadhwanaag 2007-11-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wefti baldhaan oo Ka Socday Xisbiga Mucaarid ah ee UCID ayaa shalay Socdaal hawleed oo aan hore loo shaacin ku tagay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka ee Gobolka Weftigan oo uu Hogaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,oo ay ku wehelinayaan Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Ururkaasi Aadan Maxamed Mirre [Waqaf], Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Maxamed Xasan Baashe [Talaata-codle],Gudoomiyaha Waqooyi Ameerica Muuse Cali Geedi,iyo Cismaan Af-gaab. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo ay Caawa[xalay] shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com tilifoonka Mobile-ka gacanta ku wareysatay si aanu wax uga weydiino Socdaalkooda ay ku tageen Gobolka Laas-caanood ayaa waxa uu sheegay inay u jeedada Socdaalkoodu la xidhiidho xog-ogaal u noqoshada Xaalada Magaalada Laas-caanood wakhtigan ku sugan tahay. Iyo weliba sidii ay Deeq Mucaawimo ah oo isugu jirtay Marakaneecooyin, iyo Dawooyin ay u gaadhsiin lahaayeen Ciidamada Qaran ee Jiida Hore. Md.Faysal waxa uu sheegay intii ay dhexda ku sii jireen inay Dawooyin iyo marakaneecooyin u qeybiyeen Taliska Ciidamada Qaranka ee Ku sugan Oog,isla markaana waxa uu xusay inuu Masuuliyiinta Degmada Caynaba,iyo Wadama-go’o uu gudoonsiiyey deeq qalab Sports ah oo isugu jirtay Direys iyo Kubado, kuwaas oo ay Masuuliyiintii Deeqahaasi guddoomay ay uga mahad-celiyeen. Waxaana la filayaa inuu safarka weftigu qaato muddo sadex Cisho ah, Waa markii ugu horeysay ee uu Guddoomiye Xisbi Mucaarid Socdaal Hawleed ku tago Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, tan iyo intii ka danbeysay markii ay guud ahaan gacan ku haynta Magaalada Laas-caanood la wareegeen Maamulka Somaliland. Waxaana halkaasi weftiga uga sii horeeyey oo ku sugan Wufuud Badan oo ay horkacayaan Wasiiro u dhashay Deegaanka iyo qaar kaleba oo ka socda Xukuummada Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 12, 2007 lol. Bas. Khalaas. Faysal waa raggeedii mar hadduu meesha soo arkay inay soomaaliland ka baxda suurowda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 12, 2007 Imikana maxaydun odhan ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 12, 2007 ^Waxba runtii. Except i will have to find out whcih sl official vacation in France! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 12, 2007 KKKKKKKKKKKKKK ,,, Waar orodoo LA adiguna soo booqo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 12, 2007 Awoowe waa touchdown. Seven points for SL team. War ma jiro. Haye hadde hadii tolnimo iyo Muslinimo aad xagaa iyo Benadir u haysaan oo dhagihiinu iyo afkiinu is maqlaan awoowe gaalka na la dila. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 12, 2007 Muqdisho waxa ka dhacayaa waa xasuuq aan geedna loogu soo gabban ,,,, Ilaahay baan u baryayaa inuu guusha siiyo kuwa xaq u dirirka ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 12, 2007 Awoowe ducada aamiin horta. Awoowe gaalka madow Alamtara soo dhaaf. Ducada iyo quraankii wadaado mina Allahi laga jecelyahay baan u haysanee ee tolow saanada aad ilam abtiyadiin iyo seediyadiin aad ula fara baxsaneysaan halka ay ku haboon tahay bal ku jediya. Addiga Dr. Jaceyl ah waxu waa adduun e Riyale inta majin qaad ah u qaadid waxa tiraahda gunnimo weeye waxakani e bal cambaareyn iyo waxun ka sharqami hadaaddan biidh kale taraheyn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 12, 2007 oo canbaarayni maxay tari ,,,,, tii carabtu ay 60 ka sanno wadayba waa hal bacaad lagu lisaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted November 12, 2007 Wax badan oo aadan addigu haatan garan karin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 12, 2007 Faysal baa Laascaanood ka soo cambaarayn doona hadaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 12, 2007 ^^Faysal wuxuu aaminsanaa markii u danbaysay in inanka Adisababa ku dhashay u ka xigo kan Xamar ku dhashay! How is that cambaarayn saaxiib! Quote Share this post Link to post Share on other sites