Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: split of the JVA alliance?

Recommended Posts

Isbahaysiga dooxada Jubba oo maanta kulan albaabada ay ulaabanyihiin ku yeeshay Kismaayo xili magaaladaasi ay xiisad ka taaganyahay.

 

Published: 16 September, 2006 17:09

Madaxda ugu sarreysa maamulka isbahaysiga dooxada Jubba oo ay ka maqan yihiin guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga Yuusuf Mire Seeraar iyo taliyaha ciidamada Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa maanta kulan yeeshay hotelka Baranwaa ee magaalada Kismaayo, xilli dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo magaalada Kismaayo.

 

Kulankan oo ah mid albaabada u laaban yahay ayaa waxaa ka qeyb galaya guddoomiyaha isbahaysigaasi dooxada Jubba Barre Aadan Hiiraale iyo 25-ka xubnood ee uu ka kooban yahay maamulka isbahaysiga dooxada Jubba sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Kismaayo.

 

Kulankan ayaa markii uu soo afmeermay waxaa saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii kasoo baxay afhayeenka isbahaysiga Dooxada Jubba Bile Cabdi Cabdule oo sheegay in kulanka lagu go'aansaday dhisida guddi ka kooban 25 xubnood oo xal u raadiya xiisada ka dhex oogan madaxda maamulka isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Bile Dheere ayaa sheegay in khilaafka uu ku sae go'anyahay isfaham waa madaxda isbahaysiga gaar ahaan gudoomiyaha isbahaysigaaasi,ku xigeenkiisa iyo taliyaha ciidamada ka dhex maray maamul goboleedka Jubba Land .

 

Hadaladan ayaa soo baxaya xilli maalintii 3aad magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Seeraar iyo Goobaale oo aan weli kulan la yeelan madaxda isbahaysiga oo uu ku jiro Barre Hiiraale, xilli dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan laga dareemayo magaalada Kismaayo, ayadoo waddooyinka magaaladaasi lagu arkayay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u fara badan.

 

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa la hadal hayay in golaha maxaakimta ay ku duulayaan magaalada Kismaayo inkastoo golaha maxaakimta iyo maamulka isbahasyiga dooxada Jubba ay beeniyeen wararkaasi.

 

Jibriil Nuur Alghamidi

Xafiiska MarkaCadey Muqidisho - Somalia

news@markacadey.net

 

T: 2521561442

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this