Sign in to follow this  
Jacaylbaro

In Order to Tackle the Price of the Food .... The Somaliland Gov Decided:

Recommended Posts

Wasaarada Ganacsiga oo go'aan ka soo saartay Badeecadaha dalka ka baxaya

 

 

Hargeysa (Qaran)- Wasaarada Ganacsiga Somaliland ayaa Go’aan ka soo saartay in

badeecadaha daruuriga ah ee Somaliland,yaala aan loo gudbin Karin dal kale.

 

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Mudane Cismaan Qaasim Qodax,ayaa wareegto,uu maanta

soo saaray,kaga hadlay sidii ruqsadaha ay kala duwan ee looga baahan yahay

Ganacsatada dalka ee wax soo dejisa iyo kuwa wax dhoofiyaba.

Warsaxaafadeedka Wasiirku,isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:-

 

‘’Wasiirka Wasaarada Ganacsigu markii uu arkay distoorka JSL , Qodobkiisa

11-aad , 12-aad iyo 14-aad.

Markuu arkay Sharciga (Commercial Law) qodobkiisa 11-aad , 13-aad, 16-aad iyo 14-aad.

Markuu arkay Qodobka 1-aad xarafkiisa 5-aad, 6-aad iyo 7-aad ee qaab dhismeedka iyo

waajibaadka wasaarada ganacsiga.

Markuu darsay sababta keentay kala go’a badeecadaha iyo sicir bararka quutal

daruuriga.

Markuu la tashaday Rugta Ganacsiga JSL , Waxgarad badan iyo aqoonyahano wuxuu soo

saaray xeerkan:-

Qodobka 1-aad.

.a. Ganacsade kasta oo doonaya inuu dalka keeno ama ka dhoofiyo badeecad ganacsi

waa inuu marka hroe ruqsada keenista iyo dhoofinta uga qaataa wasaarada ganacsiga

(Import and Export Permit).

B. Waxa shardi ah ganacsadaha wax soo dejinaya ama dhoofinaya inuu leeyahay liisan

ganacsi oo shaqaynaya (Valid License).

C. Ganacsadaha soo dalbanaya ruqsada waxa laga rabaa shuruudahan:-

- inuu uu ka duuwaan gashan yahay rugta Ganacsiga JSL dalabkiisana u soo qoraa

wasaarada ganacsiga isla markaana soo mariyaa rugta ganacsigu oo u soo gudbinayso

wasaarada ganacsiga oo leh ogolanshaha kama dambaysta ah ee bixinta ruqsada.

D. dalabkiisu waa in uu ka koobnaadaa:

1. Nooca Badeecada

2. Tirada Badeecada

3. Qiima sheegta badeecadda

4. Meesha uu ka keenayo

5. Mudada uu ku keenayo

6. Meesha uu ka soo dejinayo

 

Qodobka 2-aad

Sida ku cad sharciga Maaliyada qodobkiisa 20-aad waxaa ka reeban xeerkan

badeecadaha ay sitaan qoysaska iyo dadka qurba jooga ah , hay’adaha caalamiga ah ,

Macaawinooyinka iyo alaabta awqaafta.

Qodobka 3-aad

Ganacsadaha badeecadaha daruuriga ah dalka ka saaraya waxaa uu isaguna

qaadanayaa ruqsada dib u dhoofinta , dalkana kama saari karo badeecadaha quuto

daruuriga ah sida Bariiska, Baastada, Sonkorta, Saliida Cuntada, Daqiiqda ,

Caanaha, Timirta iyo Qamandida.

Qodobka 4-aad

Badeecadaha dhaxdinta ah (Transit Trade) ee Nidaamka dhexdinta soo mara LC Gooda

iyo Bil Of Loading-ka ku cad yahay ee u gudbaya dalalka aynu jaarka nahay wax

saamayna kuma yeelanayo xeerkani.

Qodobka 6-aad

A. Xeerkan qaybtiisa soo dejintu waxay ku dhaqan galaysaa Muddo saddex Bilood ah

, taas oo loogu tallo galay dalabaadada maqan mudada ay ku soo gaadhi karaan

dalka.

B. Qaybta dib u dhoofinta Rashiinada daruuriga ah (Re Export Essential Goods)

waxay dhaqan galaysaa maalinta la saxeexo xeerkan.

Qodobka 7-aad

Xeerkan cida ku dhaqmi wayda waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan

shuruucda ganacsiga iyo maaliyada’’.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this