Fresh2Death Posted January 18, 2007 Lets see what the stooges will do next.. Mogadishu 18, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay talaabada dowladda Somalia ay xilka kaga qaaday afhayeenkii Baarlamanka, taasoo ay ku tilmaamtay mid dhibaato ku ah arimaha dib u heshiisiinta. Jendayi Frazer Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka ee arimaha Africa Mss. Jendayi Frazer ayaa ku boorisay dowladda Somalia in ay qaadato talaabo wada hadal ah oo ay iska ilowdo waxii horey u dhacay. Jendayo Frazer ayaa hadalkaan ka sheegtay xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington, iyadoo sheegtay in xilka qaadista Shariif Xasan ay tahay talaabo aan habooneyn, balse loo baahan yahay dib u heshiisiin. Mss. Frazer waxa ay kula talisay dowladda Somalia in ay muujiyaan nidaam fur furan oo xal looga raadiyo mushkiladda Somalia, hasa ahaatee Ciid Badal Max'ed oo ah Wakiil dowladda Somalia u jooga Q.M ayaa taageeray talaabooyinka xilka lagaga qaaday Shariif xasan, isagoo weydiistay Jendayi Frazer in ay ku qanacdo go'aankaasi, waxaana ka rajeynayaa beesha caalamka in ay qadariyaan go'aankaasi. Frazer waxa ay sheegtay in dowladeeda ay xushmeyneyso qaranimada Somalia, laakiin xilka qaadista lagu sameeyay afhayeenka Baarlamanka in ay tahay mid qaldan. Waxa ay intaasi ku dartay in Mas'uuliyiinta maxkamadaha islaamka ay galaan wada hadalada, iyadoo ku boorisay dowladda in ay la heshiiso xubnaha qunyar socodka ee maxkamadihii laga adkaaday, odayaasha qabaa'ilada, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites