Sign in to follow this  
RedSea

Berbera Police captured mini lions

Recommended Posts

RedSea   

Assalamu Calaykum,

 

Ciidanka Bilayska Oo Berbera Ku Qabtay Libaaxyo Yar Yar

 

-------------------------------------------------------------------------------

 

()

hadhwanaag 2006-04-20 (Hadhwanaagnews) Berbera,Laba libaax oo yar yar ayay ciidanka bileyska Somaliland ee gobolka Saaxil ka qabteen meel u dhaxaysa dekeda kaluumaysatada iyo Huteelka Xeebsoor ee magaalada Berbera.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera Axmed Aadan Dheere labadan libaax oo lagu siday gaadhi MarkII Grande ah waxa la doonayey in laga geliyo dekeda kaluumaysatada ee Berbera meel uu ka dunsan yahay deyrka xayndaabka u ah xaruntaasi, waxaana siday oo lagu qabtay nin magaciisa la yidhaahdo C/Kariim C/laahi Jaamac.

 

Lama oga ilaa hadda sababta labadan libaax halkaasi loo geynayey, waxaase la rumaysan yahay in la doonayey in halkaasi laash laga saaro, isla markaana dalka debadiisa loo dhoofiyo.

Labadan libaax ayaa la sheegay inay kala yihiin mid lab iyo mid dhedig, balse aad u yar yar, kuwaasi oo ku jiray shabaag loogu talo galay, lamase garanayo meesha laga soo qabtay labadan libaax.

 

Labada libaax, ninkii watay iyo gaadhigii sidayba waxay ku xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada Berbera, waxaana baadhista arrintaasi gacanta ku haya ciidanka bileyska.

Waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka bileyska gobolka Saaxil qabtaan duur joogta Somaliland oo debada loo dhoofinayo.

 

Source:Haatuf

 

 

Submited By hadhwanaag : 2006-04-20

Back

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this