RedSea Posted April 23, 2006 Assalamu Calaykum, Ciidanka Bilayska Oo Berbera Ku Qabtay Libaaxyo Yar Yar ------------------------------------------------------------------------------- () hadhwanaag 2006-04-20 (Hadhwanaagnews) Berbera,Laba libaax oo yar yar ayay ciidanka bileyska Somaliland ee gobolka Saaxil ka qabteen meel u dhaxaysa dekeda kaluumaysatada iyo Huteelka Xeebsoor ee magaalada Berbera. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera Axmed Aadan Dheere labadan libaax oo lagu siday gaadhi MarkII Grande ah waxa la doonayey in laga geliyo dekeda kaluumaysatada ee Berbera meel uu ka dunsan yahay deyrka xayndaabka u ah xaruntaasi, waxaana siday oo lagu qabtay nin magaciisa la yidhaahdo C/Kariim C/laahi Jaamac. Lama oga ilaa hadda sababta labadan libaax halkaasi loo geynayey, waxaase la rumaysan yahay in la doonayey in halkaasi laash laga saaro, isla markaana dalka debadiisa loo dhoofiyo. Labadan libaax ayaa la sheegay inay kala yihiin mid lab iyo mid dhedig, balse aad u yar yar, kuwaasi oo ku jiray shabaag loogu talo galay, lamase garanayo meesha laga soo qabtay labadan libaax. Labada libaax, ninkii watay iyo gaadhigii sidayba waxay ku xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada Berbera, waxaana baadhista arrintaasi gacanta ku haya ciidanka bileyska. Waa markii ugu horeysay ee ay ciidanka bileyska gobolka Saaxil qabtaan duur joogta Somaliland oo debada loo dhoofinayo. Source:Haatuf Submited By hadhwanaag : 2006-04-20 Back Quote Share this post Link to post Share on other sites