Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo: Turkish Doctors start work in Puntland: PICS + Audio

Recommended Posts

Dhakhaatiir ajanabi ah oo degmada Gaalkacyo ka bilaabay howlo caafimaad oo lacag la'aan ah

 

Talaado, 26, October, 2010 (HOL) -Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soconaya olole kaalmo caafimaad ah kii ugu weynaa oo abid ka dhaca Puntland, kaasi oo ay fulinayaan Koox dhakhaatiir ah oo ka socota Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee wadanka Turkiga oo maalintii sabtidii 23rd –Oct-2010 magaalada Gaalkacyo soo gaaray ,isla markaana ka mid ahaa wafdi la socday wasiirka caafimaadka Puntland.

 

Dhakhaatiirtan oo 18 dhakhtar ah ayaa waxay hada si toos ah uga shaqeynayaan isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo hawlaha iminka ay qabteen ay isugu jiraan daaweyn guud, Qaliimo, Ilka Saaris,Ilko buuxin, Baaritaano kala duwan, Kabniinka dadka jajaban, waxaana ay hawshu u socotaa si habsami leh, iyadoo ay ka hawlagalayaan dhakhaatiirtu qaybaha Isbitaalka ee kala ah Qaliinka, Indhaha, Ilkaha, Lafaha, cudurada Sanka iyo dhagaha.

 

Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in xaaladaha caafimaad ee ay ku arkeen dadkii ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee isbitaalka ay tahay mid naxdin leh, iyadoo ay sheegeen in dadka badankiis aan wax looga qaban Karin gudaha Soomaaliya sababtana waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen inaysan hayn qalabkii u fududeyn lahaa in dadkan wax looga qabto,waxaana ay xuseen in dadka qaar ay u baahinyihiin baaritaan caafimaad oo xaga dibada ah.

 

Dadweyne ka badan 1,800 oo qof ayaa laga diiwaan galiyey magaalada Gaalkacyo waxaana loogu talagaley in dadkan ay wax u qabtaan dhakhaatiirtan, waxaana maamulka ay ka codsadeen in laga taageero xaga howlaha ay shacabka u hayaan oo qaybo fara badan isugu jira.

 

Dhinaca kale wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame oo shir ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa digniin u jeediyay dad u sheegay in ay xoog ku haysataan dhul ay dowladu leedahay oo dhinaca caafimaadka loogu tala galay ,waxaana uu xusay in dhakhaatiirta Degmada ku sugan ay qaliino kala duwan ku sameeyaan dad ka kala yimid qaybaha kala duwan ee gobolada Somaliya si bilaash ah.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Takhaatiir kasoo jeeda dalka Turkiga oo Sadexdii Cisho ee lasoo dhaafay Howlo Caafimaad ka waday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa Caawa si rasmi ah usoo gabagabaysay Howshii Caafimaad ee ay kawadeen gobolka Mudug iyagoo u gudbiya gobolada kale ee Puntland.

 

Shir Saxaafadeed ay caawa si wadajir ah Guriga ay Takhaatiirtun daganyihiin ugu qabteen Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland & Gudoomiyaha Ururka Takhaatiirta ah ee shaqada Puntland u jooga ayey ku shaaciyeen in lasoo gabagabeeyey Howshii Caafimaad ee gobolka Mudug oo ahayd mid adag islamarkaasna waqti yar qaadatay.

 

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland ayaa Warbaahinta u sheegey in takhaatiritani intii ay joogtay oo Sadex Cisho ah ay Takhaatiirtani qaabileen 12025 oo Bukaan kuwaas oo la ildaranaa Cuduro kaladuwan,Waxaana uu Wasiirku sheegey in ay 152-kamid ah Bukaanadan Qaleen oo 6-Qaliin oo kamid ahi ay ahaayeen kuwo culus islamarkaasna ay soo gagabeeyeeen.

 

Wasiirku Wuxuu mahadcelin balaaran usoo jeediyey Xukuumada Turkiga & Guud ahaa Shacabka Dalkaas oo uu ku amaanay in waqti xaalad Caafimaad ay dalka kajirtay ay yimaadeen,waxaana uu sheegey in ay ka dhabeeyeen Walaaltinimada & Islaanimada labada dal.

 

Madaxa Takhaatiirtan oo isna hadlay ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin inay yimaadaan Dalkoodii labaad ayna ka qabtaan howl culus,waxaana uu sheegey in dadka reer Mudug ay siwaanagsan ula dhaqmeen intii ay shaqadu socotay,isagoo sheegey inay ka xunyihiin in Bukaano culus ay qaabili waayeen Qalabka oo yar Owgeed.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhageyso Daawana:- Barnaamij Gaara oo aan idiinka soo diyaariney Isbitalka Galkacyo, iyo Wareysi aan la yelaney Wasiirka Cafimaadka

Posted by admin on October 27th, 2010

 

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Barnaamijkaan Maqalka iyo muuqaalka ah oo aan idiinka soo diyaariney Isbitaalka Gaalkacyo oo Howlo daryeel caafimaad ay ka wadaan dhakhaatiir Turki ah, ayaan Wareysiyo kala duwan la yeelaney,Wasiirka Caafimaadka, Agaasimaha Wasarada -Cafimaadka, Dhakhaatiirta iyo Dadweynaha.

 

Barnaamijka oo maqal iyo muuqaal sawiro ah ka dhageyso kana daawo Video-ga hoose.

 

Video-ga labaad waa Wareysiga Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali Cabdullahi Warsame,wuxuuse isla Video-gaan ku bilaabanayaa Wareysi gaban oo aan ka qaadney Agaasimaha Wasarada Cafimaadka.

 

Xusuuso Videoga labaad waa Wareysiga Wasiirka Caafimaadka (Kan kowaad hoostiisa ka daawo Vidoe-ga labaaaaad)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this