Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyo: Turkish Doctors start work in Puntland: PICS + Audio

Recommended Posts

01-bukaan-saalada-qaliinka-lagu-qalayo-bDhakhaatiirtii Turkiga aheyd oo maanta ka how bilaabey Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo(Sawiro)

Posted by admin on October 24th, 2010

 

Gaalkacyo(Gaalkacyo) Waxaa maanta ka howlgaley Isbitaalka Gaalkacyo Dhakhaatiirtii shaley timid wadanka ee Turkiga ahaa,Dad badan ayaa maanta heley kaalmo cafimaad oo aad utayo sareysa, sida ay noo sheegeen shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka.(Sawirada hoos ka daawo)

 

Dhak´haatiirtu markey shaqada bilaabayeen waxaa goobjoog ahaa Wasiirada Maamulwanaaga iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasiirka Caafimaadka. Waxeyna sheegeen labada wasiir in dhakhaatiirtu ay bilaabeen howshoodii ayna ka howlgalayaan dhamaan Isbitaalada Puntland, waxaase marka u horeysa nasiib u yeeshey Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

 

Dhakhaatiirtaan ayaa ku timid heshiis uu hada ka hor la soo galey Madaxweyne Faroole masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Turkiga, Heshiiskaasoo ahaa in Turkigu Puntland ka caawinayo mashaariic badan, Mashruucaan caafimaadkuna waa kii u horeeyey hada Balanqaadkaas.

 

Maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa in Gaalkacyo ay soo gaaraan bukaan badan oo kakala imaanaya nawaaxiga Gobolka Mudug , Bukaankaasoo qaarkood ay awal adeyd iney helaan adeega ay u baahanyihiin.

 

Isbitaalada ay dhakhaatiirtaan ka howlgali doonaan ayaa waxaa kamid ah Isbitalka Guud ee Garow iyo bosaso.

 

Sawirada Hoos ka daawo

 

Puntlandi.com xafiiska Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maashaallaah the Istanbul Conference attended by President Faroole who insisted to be there is showing it's fruits.

 

Visible progress and humanitarian aid is being delivered to the people in conjunction with rebuilding the infrastructure.

 

Garowe Airport has been finished and at the conclustion of this medics from Turkey of all Puntland regions, I hope that Bosaso Port get's the necessary infrastructure improvements it so badly needs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhakhaatiir u DHalatay Dalka Turkiga oo Hawlo Caafimaad Ka Bilaabey Magaalada Gaalkacyo

 

October 25, 20100

 

Gaalkacyo : Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soconaya Olole Kaalmo caafimaad ah kii ugu weynaa oo abid ka dhaca Puntland kaasi oo ay fulinayaan Koox dhakhaatiir ah oo ka socota Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee wadanka Turkiga kuwaas oo maalintii sabtidii 23rd –Oct-2010 magaalada Gaalkacyo uuna wadey wasiirka caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame.

 

Dhakhaatiirtan oo 18 dhakhtar ah isla markaasna wata takhasusyo kala duwan ayaa waxay hada si toos ah uga shaqeynayaan Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo hawlaha imika ay qabteen ay isugu jiraan Daaweyn guud, Qaliimo, Ilka Saaris,Ilko buuxin, Baaritaano kala duwan,Kabniinka dadka jajaban waxaana ay hawshu u socotaa si habsami leh iyadoo ay ka hawlagalayaan dhakhaatiirtu qaybaha Isbitaalka ee kala ah Qaliinka, Indhaha, Ilkaha, Lafaha, cudurada Sanka iyo dhagaha, Sheybaarka iyo Daawo bixinta.

 

 

Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in xaalada caafimaad ee ay labada Maalmood ku arkeen dadkii ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee Isbitaalka ay tahay mid naxdin leh, iyadoo ay sheegeen dadka badankiis in aan wax looga qaban Karin halkan (gudaha Soomaaliya) sababtana waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen inaysan hayn qalabkii u fududeyn lahaa in dadkan wax looga qabto halkan waxayna qaarkood ku taliyeen in dadka halkan wax aan looga qaban Karin in laga tashado sidii loogu heli lahaa daryeel caafimaad oo dibada ah.

 

Dadweyne ka badan 1,800 oo qof ayaa laga diiwaan galiyey magaalada Gaalkacyo waxaana loogu talagaley in dadkan ay wax u qabtaan dhakhaatiirtan, waxaana ilaa hadda ay hawshu u socotaa si heersare ah iyadoo ay dhakhaatiirtuna ku faraxsan yihin shaqada kaalmada ah ee ay ugu adeegayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada caafimaad daradu haysto. Dhakhaatiirtu Turkigu waxay wax laga naxo ku tilmaameen daryeel la’aanta caafimaad ee haysata dadka Soomaaliyeed waxayna

tibaaxeen inay ka qiyaas qaadanayaan bukaanka u imaanaya oo ah mid aad u liita taasi oo ka dhigan in dadku ay qabaan cuduro badan oo intooda badana u baahan qaliimo culus iyo daaweyn la mid ah.

 

Dhakhaatiirtu waxay kaloo sheegeen in dareenkoodu uu aad u wanaagsan yahay maadaama ay ku jiraan hawlo bini’aadantinimo oo ay u fulinayan walaalahood Islaam ah (Soomaali), waxayna saxaafada u sheegeen inay mahad balaaran u jeedinayaan shacabka Gaalkacyo oo soo dhaweyn iyo marti soor wacan kusoo dhaweeyey isla markaasna si toos ah ula shaqeynaya.

 

Dhakhaatiirta Wadaniga ah ee Gaalkacyo, Shaqaalaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyo Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadku ayaa iyaguna heeganka iyo shaqada adag ee dadka loogu adeegyo ku jira isla markaasna ku caawinaya dhakhaatiirta kale waxyaabaha ay u baahan yihiin iyadoo wasaaraddu ay kormeerka iyo isku dubaridka ay siweyn ugu jirto oo ay agaasimayso hawlaha soconaya oo dhan.

 

Saxmada iyo tirabadnida dadka imaanaya Isbitaalku waa mid aan la qiyaasi Karin oo qayrul caadi ah, waxaana isbadal aan horey loo arag laga dareemayaa Isbitaalka guud ee Gaalkacyo oo hada u shaqeynaya sida Isbitaalada Caalamiga ah, majiraan ilaa hada wax cabashooyin ah oo ay dadku muujnayaan taasna waxay ku timid agaasimka wacan ee shaqadu ay kosocoto taasi oo ah mid horey looga sii baaraan dagay oo laga wada tashadey, dadka ayaa waxaad arkeysaa iyaga oo aad u qiireysan aadna ugu niyadsan waxqabadka caafimaad ee ay ku kaalmaynayaan dhakhaatiirta caalamiga ah ee ka timid wadanka Turkiga, waxayna shacabku hanbalyeynayaan dhakhaatiirta, shacabka iyo dawlada Turkiga, sidoo kale waxay amaan balaaran iyo bogaadinba u jeediyeen shacabku wasiirka caafimaadka Puntland oo isagu keenay dhakhaatiirtan dadaal dheerna u galay sidii uu dadkiisa uga gargaari lahaa baahida caafimaad ee haysata.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame oo isagu saxaafada la hadley ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hawsha ka socota Isbitaalka Gaalkacyo, waxaana uu mahad balaaran u jeediyey Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee Turky oo Shacabka Puntland ku kaalmeeyey dhakhaatiirtan 18-ka ah si ay wax ugu qabtaan shacabka,wasiirku waxaa uu ka codsadey shacabka reer Puntland ee qurbaha jooga inay kaalin mug leh ka qaataan sidii wax loogu qaban lahaa shacabkooda, waxaana uu sheegay wasiirku in dad badan oo aad u liita in halkan wax looga qaban waayay qalab la’aan dartiis waxaana uu Jaaliyada dibada ku guubaabiyey inay dadkoodu aad u liitaan ayna ku jiraan xaalad laga naxo una baahan in deg deg wax looga qabto.

 

Si kastaba ha noqotee Olaha Kaalmada Caafimaadka ah ee ay dhakhaatiirta Turkiga ahi ay ka wado Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay maraysaa meel aad u wanaagsan waxaana dhakhaatiirtu ay Gaalkacyo ay joogi doonaan ilaa maalinta barito ah iyadoo la filayo inay waqtiga ugu harey Gaalkacyo inay dhameeyaan cadadkii loogu talagaley inay wax u qabtaan.

 

C/qadir Warsame Yuusuf

Wasaaradda Caafimaadka

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this