Sign in to follow this  
General Duke

Ahmed Doonyaale: Puntland is facing Al Shabaab not a sub clan

Recommended Posts

Garoowe:”Dawladu way soo afjartay Alqaacidadii Galgala”Mid kamid ah Lataliyeyaasha Madaxweynaha Puntland.

13. august 2010

APL

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa shaaca kaqaaday inay guul lataaban karo ka gaartay Dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ay kula jirta Kooxda uu hogaamiyo Hogaamiyaha lagu tiriyo inuu Xiriirka dhow la leeyahay Ururka Alshabaab ee Maxamed Siciid Atam.

Wasiirkii Hore ee Xanaanada Xoolaha dawlada Puntland imikana kamid ah Lataliyeyaasha sarsare ee Madaxweynaha dawlada Puntland Axmed Xuseen Doonyaale oo APL lahadlay ayaa sheegey in Xukuumadu ay guul lataaban karo dagalkaas ka gaartay,waxaana uu sheegey in koox yar ay ka hareen Kooxdii dagaalka lagu qaaday isagoo sheegey in inta yarna laga daba tagi doono.

“Siidaad kawarqabtidba dawladu waxay maalmihii lasoo dhaafay dagaal culus kula jirto kooxdii dhibaatooyinka waaweyn ku haysa Amaanka dalka & dadka intaba,Dawladu waxay ku guulaysatay inay soo afjarto islamarkaasna ay ka guulaysato Kooxdii Atam oo Alqaacidada Puntland ahaa”ayuu yiri Axmed Doonyaale.

Doonyaale sidoo kale wuxuu sheegey in Maxaabiis badan ay dawladu soo qabatay islamarkaasna ay Ciidamada amaanku arkeen Meydad badan,waxaana uu sheegey in intabadan dadkaasi aysna u dhalan gobolka uu dagaalku kasocdo,isagoo sheegey inay jiraan dad kasoo jeeda Qomiyada Oromada ee dalka Ethiopia oo uu sheegey inay dagaaladii u danbeeyey ku dhinteen.

Wasiirka hore ee Xanaanada Xoolaha ee dawlada Puntland wuxuu beeniyey warar sheegaya in Dakda halkaas ku dagaalamaya ay difaacayaan beel kamid ah beelaha Puntland,waxaana uu sheegey in Warkaas uusan waxba ka jirin islamarkaasna ay dawladu la dagaalantay koox Argagixiso ah oo halkaas dadka jooga Dhibaatooyin ku haysay.

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this