Sign in to follow this  
General Duke

Where is the PEACE, now Masjids are not safe

Recommended Posts

Muqdisho:Alshabaab oo qeylo dhaan kasoo saaray Qaraxyadii shalay.

2. maj 2010

 

APL

 

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Saraakiisha ugu sarsaray urur weynaha Alshabaab ayaa qeylo dhaan kasoo saaray qaraxyadii shalay lala eegtay madaxdooda xili ay ku tukanayeen Masjid kuyaala suuq weyn ee Bakaaraha,waxayna sheegeen in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka danbaysay FBI-da Maraykanku.

 

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Shangole) oo ah kuxigeenka Guud ee amiirka alshabaab,isla markaasn ah Madaxa dacwada ee ururka Alshabaab,sidoo kalena madax ka ah Gutooyin ciidan ah oo Alshabaab muqdisho u jooga oo shalay dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay masjidka ayaa sheegey in ay Gaalo qaraxiisa ka danabaysay.

 

"Shalay wixii nagaaray way iska yaraayeen,goor aanu Masjidka ku tukanayano ayey gaaladii na necbayd bambaanooyin nagu soo weerareen,ilaahay mahadii intayadii badnayd waanu ka badbaadnay,Aniga dhaawac ayaa iga soo gaaray gacanta bidix,hadana waan roonahay"Ayuu yiri Fu'aad Shangole.

 

Sheekh Fu'aad wuxuu intaas ku daray in markan ay soo badatay Dagaaladii u dhexeeyey Waxa uu ugu yeeray Mujaahidiinta & koox kale oo uu Murtidiin ku tilmaamay,wuxuuna sheegey in Muslimiinta looga baahan yahay in ay Dagaaladaas ka qeybqaataan,maadaama buu yiri ay sii badatay Colaadii Gaalada & Muslimiintu.

 

"Waxaad u jeedaan in kooxdii Murtidiinta ahayd oo Gaaladu dabada ka riixayso ay bilaabeen Dagaalo heer ay masaajida qarxiyaan,marka Muslimiinta waxaanu ugu baaqaynaa in ay gacan naga siiyaan sidii aanu gaalada ula dagaali lahayn,kitaabka allena u kormarin lahayn"Ayuu yiri Sheekh Fu'aad maxamed Khalaf.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha ururka Alshabaab ee Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa ka hadlay,wuxuuna qiray in ay Alshabaab khasaaroweyni kaoo gaartay Qaraxyadii shalay,wuxuuna intaas ku daray in ururkiisu uu ka Aarsan doono cidii ka danabaysay Qaraxyadii shalay.

 

Xafiiska Warqabadka Allpuntland ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax weyn oo gil-gilay masjid ku yaal Kismaayo

 

Kismaayo, Soomaaliya (Calanka.com ) 02-May-2010

 

 

Wararka ka imaanaya xiligaan magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa kuwaramaya in qarax xoogan uu gil gilay masaajid ku yaal xaafadda Guul-wade ee magaalada kismaanyo.

 

Qaraxani oo dhacay salaadi cishaha ee xiliga Kismaanyo ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada meelaha fog laga hago, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhintay laba ruux oo ah dadki salaada cishaha ku dukanayey masaajidka, iyadoo dhaawacana lagu shegay inkabadan 10 ruux.

 

Ilo madax banana ayaa sheegaya in miinada dhulka lagu aasay xalay saqdii dhexe,waxaana loogu tala galay qaar ka tirsan saraakiisha Al-shabaab in lagu qarxiyo, maadaama masjidku ay u badan yihiin dadka ku dukada horjoogayaasha Al-shabaab Kismaanyo.

 

Lama ogo ilaa iyo iminka cida ka danbeysay qaraxa, waxaana masjidka uu ka dhacay qaraxa gaaray ciidamo farabadan oo ah kuwa Al-shababa, kuwaasoo baaritaano ka wada xaafadaha ku hareersan masaajidka qaraxu ka dhacay.

 

Qaraxani ka dhacay masjidka Guul-wade ayaa ah kii labaad oo saraakil katirsan Al-shabaab lagula beegsado masaajid ku yaal koonfurta Soomaaliya.

 

Wixii war ah ee ku Soo kordho isha ku haay Calanka!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this