Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland's Super Minister ,Promises to transform the Health Service

Recommended Posts

Garowe: Wasaaradda Caafimaadka Puntland & Hay’adaha la shaqeeya oo shir uga furmay Garowe.

27. april 2010

 

APL

 

Garowe(AllPuntland)- Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland, waxaa ka furmay shirweyne ay ka qeybgalayaan xubnaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha Samafalka ee shaqada ku leh arrimaha caafimaadka, iyadoo ay ka qeybgaleen furitaankii shirkan Wasiirka Caafimaadka iyo xubno kala gedisan oo ay ku jiraan Masuuliyiinta Hay’adahan oo hadalo ka jediyey.

 

Kulankan oo socon doono mudo ku siman labo maalmood ayaa looga doodayaa waxqabadka Hay’adahan iyo isku xirka shaqadooda iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana sidoo kale laga doodayaa sida ugu wanaagsan ee ay shaqadoodu unoqon karto mid hirgasha.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr, Cali C/laahi Warsame oo howlo badan laga dhowrayo ayaa khudbadii uu ka jeediyey madashaas ku soo qaaday xaaladaha dhinacyada looga baahan yahay in ay ka wada hadlaan, isagoo sheegay in ay raadinayaan waxqabad daacad ah oo laga hirgaliyo deegaanada Puntland oo dhan.

 

Dr, Cali wuxuu usoo jeediyey Hay’adaha waxqabadyadooda in ay labalaariyaan, isagoo tilmaamay in ay Wasaaraddiisu aad ula socon doonto waxqabad kasta oo laga fuliyo meel xariir laleh caafimaad,wuxuuna ugu yeeray Hay’adaha in ay shaqadoodu noqoto mid wanaagsan.

 

Wasiirka oo soo hadal qaaday xaaladaha goobaha ganacsiga ee Puntland, wuxuuna sheegay in ay horumar wanaagsan garsiin doonaan caafimaadka Puntland, isagoo tilmaamay in bilaha ka dhiman sannadkan (Hadii Alle Idmo), ay wax badan ka qaban doonaan Cusbitaalada Garowe & Gaalkacyo oo ay shaqadoodu yar tahay.

 

Dhamaadka dooda Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha Samafalka ee shaqada ku leh arrimaha caafimaadka ayaa laga soo saari doonaa bayaan ku wajahan wada shaqeynta dhinacyada iyo sida loogu baahan yahay in wax la wada qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasaaradda Caafimaadka oo Maalintii Labaad Shir La Qaadanaysa Hay’adaha Caafimaadka Daneeya (Sawiro)

 

April 27, 2010

 

Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlada Puntland ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa maalintii labaad waxaa ka soconaya shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland iyo Hay’adaha iyo NGOs Caafimaadka ay ka wada shaqeeyaan.

 

Shirkan waxaa qabatey Wasaarada Caafimaadka, waxaana wakiilada hay’adaha ee ka qaybgalaya ay ka kala yimaadeen meelo kala duwan, waxaana ay gaarayaan hay’adaha Caalamiga ah, NGOs ka Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee shirkan ka qaybgalay 27.

 

Hay’adaha ayaa waxaa ka mid ah UNICEF, UNFPA, WHO, MERLIN, iyo kuwale, waxaana ajandaha shirkan uu yahay sidii loo kala warqaadan lahaa, waxaana shirkan uu yahay mid ay Wasaaradu qabatay oo ay mar walbana isugu yeerto hay’adaha.

 

Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland ayaa shirkan daah furey maalintii shalay, waxaana uu sheegay in shirkan uu yahay mid loogu talagalay in Wasaaradda iyo hay’adaha dhanka Caafimaadka ka wada shaqeeya ay isku arkaan oo ay xogaha ku kala qaataan iyo qorshayaasha mashaariicda ee Puntland ka fulaya.

 

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdulaahi Warsame oo shir jaraa’id ku qabtey xarunta Wasaarada saxaafadana kula hadley, ayaa sheegay in shirkan uu noqonayo mid ay Wasaaradu isugu yeerayso hay’adaha markii ay munaasib tahay, waxaana uu sheegay wasiirku in Wasaaradu ay doonayso inay la xisaabtanto hay’ad iyo NGO kasta oo Caafimaadka ka shaqeeya Puntland-na ka hawlagala.

 

Shirkan ayaa markii uu Wasiirka Caafimaadku furey waxaa lasoo bandhigey qorshaha Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland, waxaana sharaxay agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan, waxaana wasaaradu ay doonaysaa inay wax weyn ka qabato Xaalada Caafimaad ee dalka iyadoo doonaysa inay Cusbitaalada dalka ka dhigto kuwa wada shaqeeya, waxayna wasaaradu ugu hormaraysaa Cusbitaalada Garowe iyo Gaalkacyo, iyadoo kuwa gobalada iyo degmooyinkuna ay ku xigaan labadaas cusbitaal.

 

Shirkan qaybtiisa labaad ee maantey ayaa waxaa soconaya soo bandhigida qorshayaasha Hay’adaha, waxaana hay’ad walba marka ay mashaariicda ay fuliso soo bandhigto wax laga waydiinayaa qaabka ay ugu talagalay inay u fulaan meelaha ay ka fulayaan iyo arimo kale.

 

Shirkan ayaa soo gabogaboobaya galinka danbe ee maantey,waxaana la filayaa in war wanaagsan uu kasoo baxo kaasi ku aadan mira dhalka shirkan labada maalmood ka soconaya Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland.

 

Horseed Media

 

shaqaalaha-wasaarada.jpg

 

shirka4.jpg

 

shirka3.jpg

 

shirka6.jpg

 

Cordinationmeeting.jpg

 

shirka5.jpg

 

wasir2.jpg

 

kasooqaybgalayaasha.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Bangiga Islaamka.

29. april 2010

 

APL

 

Garowe(AllPuntland)- Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr, Cali C/laahi Warsame ayaa ku qaabilay caasumada Puntland ee Garoowe, wafdi ka socda Baanka Islaamka ee caalamiga ah oo ay ka wada hadleen xaalado kala gedisan oo ay ku jiraan xaaladaha ka taagan deegaanada Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo Wafdiga ayaa isla soo qaaday sida loogu baahan yahay iskhaashi wanaagsan oo dhexmara Baanka Islaamka iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland, wuxuuna Wasiirku sheegay in ay lama huraan tahay in Puntland laga arko Kaalmada Baanka Islaamka.

 

Cali C/laahi Warsame ayaa usheegay wafdiga in ay ubaahan yihiin waxyaabo badan oo ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Cusbitaalada Puntland, isagoo sheegay in ay gacantooda ka sugayaan Baanka Islaamka, wuxuuna sheegay in ay ka filayaan Bangiga Islaamka, in ay gacan wanaagsan ka geystaan horumarinta deegaanada Puntland.

 

Wasiirku ayaa sheegay in ay xubnahan kala hadleen sidii horumar loo gaarsiin lahaa Puntland iyo dhameystirka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, sidii ay gacan baanka Islaamku uga geysan lahaayeen dhismihiisa oo hada dhamaad kudhaw.

 

Wafdigan ayaa sidoo kale la kulmay Kusimaha Madaxweynaha Puntland ugu dambeyntii oo ay kala hadleen xaalado kala gedisan, sida ay sheegeen Saraakiisha Madaxtooyada.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garowe (RBC Radio) Wafti ka socda Bangiga Hormarinta Islaamka ayaa soo gaarey magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland, waxaana waftigan si diiran ugu soo dhaweeyey Garowe dawlada Puntland.

 

Waftigan ayaa maantey booqashooyin ku kala bixiyey meelo kala duwan, waxaana ka mid ah meelaha ay booqdeen xarunta Wasaarada Caafimaadka, Cusbitaalka guud ee Garowe, Jaamacadaha PSU, East Africa iyo GTEC oo dhamaantood ku yaal Caasimada Garowe.

 

Waftigan ayaa booqashooyinka ay sameeyeen waxaa hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka dawlada Puntland Dr. Cali Cabdulaahi Warsame, waxaana waftigan ay xarunta Wasaarada Caafimaadka halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Wasiirka Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaarada iyo shaqaalaha Wasaarada, waxaana markaas warbixin lagu siiyey hoolka shirarka ee Wasaarada Caafimaadka.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa waftiga ku soo dhaweeyey xarunta Wasaarada Caafimaadka, waxaana wasiirku uu waftiga u sheegay inuu kusoo dhaweynayo Puntland, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dal ka tirsan Bangiga hormarinta Islaamka.

 

Waftigan ayaa ka kooban labo xubnood, waxayna ka socdaan Bangiga hormarinta Islaamka ee xaruntiisu tahay Magaalada Jidah ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana labada xubnood ee waftigan ay kala qaabilsan yihiin Mashaariicda Waxbarashada iyo hormarinta.

 

Mid ka mid ah labada xubnood ee Bangiga

Hormarinta Islaamka ka socda oo shir jaraa’id ku qabtey xarunta Wasaarada Caafimaadka, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin isaga Saaxiibkiis booqashada ay Puntland ku yimaadeen, waxaana uu amaan iyo mahadcelin u jeediyey Wasiirka Caafimaadka oo uu sheegay inuu si weyn uga warbixiyey baahiyaha dhanka Caafimaadka ee Puntland ka jira, waxaana uu masuulkan balan qaadey inay wax ka qaban doonaan baahiyahaas oo uu sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto oo la caawiyo walaalaha reer Puntland.

 

Masuulkan Bangiga Hormarinta Islaamka ka socda waxaa uu sheegay in ay mashaariic ka wadaan Bari, Nugaal iyo Mudug, isagoo tusaale u soo qaatey dugsiyo iyo Machadyo ku yaal Gaalkacyo, Buurtinle (Nugaal) iyo Boosaaso, waxaana uu tibaaxay in mashruuc cusub uu jiro kaasi oo uu sheegay in Machad lagu baranayo Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha in laga dhisayo Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in tan iyo 1996-dii inay joogeen Puntland oo ay mashaariic dhanka Waxbarashada ah ka wadeen, hadana ay diyaar u yihiin inay labo jibaaraan mashaariicda ay Puntland ka fuliyaan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan oo waftigan la socdey ayaa RBC Radio uga warbixiyey ujeedka booqashada waftigan ka socda Bangiga Hormarinta Islaamka, waxaana uu agaasimuhu sheegay in Bangiga hormarinta Islaamku uu mashaariic ka fuliyo Puntland, waftigana ay u yimaadeen sidii ay u eegi lahaayeen halka ay marayaan Mashaariicdii ay wadeen iyo sidii ay u qiimayn lahaayeen xaalada isla markaasna u kordhin lahaayeen mashaariicda ay Puntland ka hirgaliyaan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadku waxaa uu sheegay in Waftigan ay booqdeen meelo uu ka mid yahay Cusbitaalka guud ee Garowe, waxaana halkaas ku waheliyey Wasiirka Caafimaadka, iyadoo ay si diiran cusbitaalka ugu soo dhaweeyeen maamulka Cusbitaalku, waxaana markaas uu maamulka Cusbitaalku warbixin guud uu ka siiyey baahiyaha ka jira Cusbitaalka Waftiga Bangiga Hormarinta Islaamka ka socda, waxaana waftigu uu balan qaadey sida Agaasimaha Wasaarada Caafimaadku uu sheegay inay wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Cusbitaalada Puntland.

 

 

Waftiga oo eegaya Saalada Qaliinka Cusbitaalka

Wasaarada Caafimaadku waxay waftigan u sheegtey in Cusbitaalada Puntland ay ka jiraan baahiyo badan, waxa ka jira ay ka ogaan karaan Cusbitaalka ka Garowe baahiyaha ka jira, waxayna waftigan balan qaadeen inay wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Cusbitaalada Puntland, iyagoo sheegay in baahiyahaas yihiin kuwo degdeg wax looga qaban doono hadii alle idmo.

 

Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland ayaa Waftigan waxay ka codsatey saddex qodob in Bangiga Hormarinta Islaamku uu ka caawiyo Wasaarada Caafimaadka ee Dawlada Puntland, waxayna yihiin qodobadan.

 

1. In Bangiga Hormarinta Islaamku uu ka qaybqaato dhisida iyo dayactirka Goobaha Adeega Caafimaadka.

2. In Dhakhaatiir Takhasus leh ugu deeqaan Cusbitaalada guud ahaan Puntland iyadoo Wasaaradu codsatey 10 dhakhtar.

3. In Bangiga Hormarinta Islaamku uu tabobar u sameeyo Shaqaalaha Caafimaadka uuna takhasus u diro dhakhaatiirta.

 

Waftigan ka socdey Bangiga Hormarinta Islaamka ayaa booqashadooda waxay ku soo gogabeeyeen Cusbitaalka guud, waxayna booqdeen Xarunta Wasaarada Caafimaadka, Cusbitaalka guud ee Garowe iyo Jaamacadaha.

 

Makaas kadib waxaa waftigu uu shir kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland iyo xubno ka tirsan golaha xukuumada dawlada Puntland, shirkan ayaa ahaa mid albaabadu u xirnaayeen iyadoo waxyaabihii laga wada hadleyna ay u badnaayeen arimaha hormarinta , waxka qabashada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

 

Waftigan ayaa soo gaarey Puntland todobaadkan, waxayna kasoo dageen magaada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari iyadoo ay u soo gudbeen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

 

RBC Radio

Garowe

 

wasir2.jpg

 

wafti2.jpg

 

wafti23.jpg

 

IMG_3775.jpg

 

IMG_3483.jpg

 

salada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bankiga Islaamka oo Mashaariiic ka fulinaya Deegaamda Puntland‏

 

Wafdigan oo kormeer ku soo maray goobo ay ka mid yihiin Jamacadaha Kuliyadaha iyo isbitaalka Guud ee Garowe wasaaradaha waxbarashada Caafimaadka iyagoo markii danbe kulan kula qaatay Madaxtooyada Madaxwayen ku xigeenka puntland C/samad Cali shire, waxaana dhamaan goobihi ay kormeerka ku mareen ay ka dhagaysteen Warbixino ku aadan baahiyaha ka jira waxana ay wafdigaani ka kooban yihiin 2 xubnood oo ka socday Baniga Islaamka horayna mashaariic uga fuliyay Punland

 

Wasiirka wasaarada Caafiimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo wafdiga ay si wada jira ku soo mareen Kormeerka ayaa saxaafada uga warbixiyey ujeedada Safarkoodaan iyo Mashaariicaha ay ka fulinayaan puntland kuwaas oo kala ah maali galinta dekada, Araiporka iyo kuwo kale oo ku saabsan dhanka caafimaadka iyo waxbarasha

 

Maxamed Axmed Salim oo ka mid ahaa Wafdiaga ka socday Bangiga Islaamka ayaa oo wariyaashu waydiiyeen Baahiyaha loo gudbiyay waxaay ka qabanayaan ayaa sheegay in Bangigu uu horay mashaariic uga fulin jiray dhanka Waxbarashada iyo caaafimaada kuwaas oo ay horay uga fulin jireen deegaada puntland gaar ahaan qaybo ka mida gobalka mudug.

 

Waxaanu wax ka qabanay baahiyo waxbarasho iyo caafimaad Galkacayo buartile iyo Cabud waq

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International- Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this