Sign in to follow this  
ANWAR

MUDUG GENERAL HOSPITAL GALDOGOB SOMALIA 2006 LAGA FUREY GALDOGOB

Recommended Posts

ANWAR   

Waxaa marka taariikhdu ahayd May 5,2006 degmada Galdogob ee gobolka Mudug si rasmi ah looga furay isbital aad u wayn oo ay ku baxday lacag dhan $538.000 kun Dollar oo ay ku jiraan qalabkiisa lagu shaqeeyo iyo qalabeyntiisa iyo wixi la mid ah. waxaana dhismihiisa hirgeliyey jaaliyadaha dibadda ee ka soo jeeda degaankaas welina ku hawlan israacsintiisa iyo balaarintiisaba, munaasabad wayn oo lagu maamuusayay furitaanka isbitalka Mudug General Hospital oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

Mudug Gneral Hospital wuxuu ka mid yahay isbitaalada waawayn ee ku yaal Somalia,waxaana la rajeynaya inu daboolo baahida caafimaadka dadyooga ku nool cariga punta laand iyo gaar ahaan gobolada la dariska ah waxaana mudadaas hawsha socotay dhismaha gacanta ku hayay hay’adda Samafal Mutual Association (www.samafal.org) oo ah urur samafal waddani ah oo dhawaan carigaan waqooyi ameerika laga curiyey

 

Taariikhdii dhismaha isbitalka waxaa curriyay guddi ka kooban 19 xubnood oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo ka mid ahaa jaaliyadda deegaanka sanadkii 1998 hase ahaatee waxaa dhagixii ugu horreeyay la dhigay bishii June,2001. halkaas ay dadaalkii kasii wadeen dadka deegaanka oo isugu jira odayaal dhalinyaro haween iyo culumaaudiinka, taas oo la orankaro waxay gaareen hadafki ay u danlahaayeen,oo ahayd in ay hirgeliyaan isbitaal weeyn oo ummada soomaaliyeed ka faa iidaysato gaar ahaan gobolka mudug iyo nawaaxigiisa, waxaan ilaahay uga baryaynaa dadkii ka qayb qaatay in ilaahay miisaanka xasanaadka ugu daro wanaaga ay umada uqabteen.aamiin

 

WAA SADEX QAYBOOD OO KALA AH, QALIINKA, DHALMADA iyo CARURTA

 

 

Isbitalkan wuxuu ka kooban yahay (8) siddeed qaybood oo isugu jira jiif, bukaan-eegto, qaliin, shaybaar, qaybta dhalmada, dawaynta iyo qaybo kale waxana lagu wadaa gobolka oo dhan ka sakow inuu daboolo baahida caafimaad ee 48-Tuulo oo degmada hoos yimaada iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran degmada Galdgob.

 

Masuuliyiinta hayada (SMA) ee fuliyay dhismaha isbitalka waxay tilmaameen in qaybaha qaarkood ay weli u harsan yihiin waxyaabo dhammaystir ah isla markaana maamulka Puntland looga fadhiyo inuu kaalin macno leh ka qaato

 

 

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Xassan Daahir Maxamuud oo si rasmi ah xariga uga jaray Isbitalkan ayaa u soo jeediyay jaaliyadaha hirgeliyay isbitalka in mar kale looga fadhiyo dhamaystirka qaybaha ka harsan iyo socodsiinta dhammaan hawlaha isbitalka ee mustaqbalka.Waxuuna xusay in isbitalku u yahay isbitaal baaxad weyn oo degmada mooye gobolka dhan wax ka tari kara, marka isbitalkan waxaa la doonayaa beeshu dadaalkii ay ku samaysay inay waxa ka dhiman u soo dhameystirto, maamulka putlaandana ay gacan ka geysandoonaan siiba xaga shaqaalaha taakuleyntooda,

 

madaxweyne ku xigeenka puntlaand mudane xasan isagoo si gaar ah ula kulmay qaar kamid ah bulshada degmadaas waxuu si hambalyo leh ugu bogaadiyey bulshadi waxqabadkaan soo abaabushay ,waxuuna u guuxay midnimada iyo kalsoonida dadku wax ku qabsadeen ay tahayna wax loga dayankaro , waxuuna ku si bogaadiyey kulana dardaarmay iney halkaas ka si wadaan wax qabadka bulshada. Galdogob waa degmo aad u ballaaran waxayna 80km galbeed ka xigtaa magaalada Galkacyo, degmadu waxay ku taal meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya sidaa awgeed maamulladii dalka soo maray oo dhan kama aysan helin tixgelin la taaban karo.Sida muuqata haatan waxaad moodaa in dadka ku nool Galdogob ay isku tashadeen,

Magaaladu waxay u fidaysaa si aan caadi ahayn waxaana muuqda horumar baaxad leh gaar ahaan tobankii sano ee ugu dambeeyay, Goldogob waxaa haatan ku yaal dugsiyo hoose, dhexe, iyo sare, iyo isbital wayn oo haatan la dhisay.

 

Waxay kaloo degmadu leedahay biyo gelin magaalada oo dhan ku filan iyo adeegyo isgaarsiineed oo ay hirgeliyeen shirkadaha Galcom iyo Somtel, waxaa intaas dheer koronto joogto ah habeenka iyo maalinta taas oo aysan haysan magaalooyinka kale ee Puntland.

Isbitaalkan waxaa hadda ka hawl gala dhakhaatiir isugu jira Somali iyo ajnabi waxaa la filayaa inuu dabooli doono baahida caafimaad ee deegaamada ku meegaaran Galdogob.

Waana isbitaal ay yaaliin qalab fara badan oo casri ah.

 

MAHAD CELIN

Hay’adda Samafal Mutual Association, waxay mahad balaaran u celinaysaa dhamaan dadkii kaqayb qaatay mashruuca isbitaalka Mudug General Hospital, Gaar ahaan Gudiyadii Gobalada sida

Toronta, Ottawa Canada, Minneapolis, MN, Seattle, Washington,

 

Chicago, ILL, Atlanta GA, Columbus OH, Nashville TN, London UK, UAE, Degmada Galdogob,Iyo dhamaan ehelka kale ee kala jooga aduunka dacaladiisa gaar ahaan ku jooga east afrika siiba nairoobi iyo tanzaniya iyo wadamada carabta qaarkood ee bulshadu ku sugantahay.

 

CODSI

Hay’adda S, M, A waxay ka codsanaysaa dhamaan gudiyadii ka qaybqaatay mashruuca isbitaalka in loo baahan yahay in la dhamaystiro qaybaha ka dhiman isbitaalka, iyo qaybo tababar caafimaad oo ay ka soo baxaan shaqaale caafimaad

Waxaan kaloo ka cosanaynaa hay’addaha dawliga iyo kuwa aan dawliga ahayn, iyo waliba dhamaan waxa codsi ah in dadka soomaaliyeed ay gacan naga siyaan dhamaystirka isbitaalkaas

Waa mashruuc samafal ah oo umadu baahi weyn uqabto xaga caafimaadka,

Walaalayaal waad ogtihiin qof marku xanuun yar qabto waxaa loola cararaa dalka dibadiisa, isagoo laga yaabo qofkaas in uusan awood dhaqaale haysan,.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this