Sign in to follow this  
Gabbal

Gheedi coming out from Abdulahi Yusuf's shadow?

Recommended Posts

Gabbal   

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u tanaasuley xubnaha labadda gole ee ku sugan magaalada Muqdisho isagoo sheegay in hawshooda uu taageersan yahay.

 

May 02 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Xasan Kaafi Qoyste. Muqdisho, Soomaaliya.

 

Ra’iisal wasaaraha xukuumada FKMG ah Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u tanaasuley xubnaha labadda gole ee ku sugan magaalada Muqdisho uu khilaafka kala dhaxeeyey, isla markaana waxa uu taageerey xubnaha labadda gole hawlaha ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u tanaasuley xubnaha labadda gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in hawshooda uu taageersan yahay isla markaana uu dib ugu celin doonin xubnahaasi magaalada Nairobi.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta ka qeyb qaadanayey kulan lagu soo gaba gabeynayey siminaar muddo saddex cisho ah uga soconayey xarunta baarlamaanka KMG ah horjoogayaasha gobolka Banaadir, ayaa sheegay in markii ugu horeysay u tanaasuley xubnaha labadda gole ee iyagu horey Muqdisho ugu sugnaa, waxaana uu xusey inuu ka laabtey go’aankii ku aadanaa in xubnaha labadda gole ay dib ugu laabtaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo sidoo kalana qirey xubnaha labadda gole ay qeyb ka mid ah hawlihi isaga u yaaley ay kasii qabteen, isla markaana uu si weyn ugu taageersan yahay dadaalkooda ku aadan nabadeynta magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa kale uu sheegay in mar haddii la is cafiyey loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo hawlaha addag ee horyaala dowlada federaalka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka la higsanayo oo ah iney dowladu si dhaqsi ah uga hawlgasho gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu ka codsadey xubnaha labadda gole in khilaaf kasta oo soo kala dhex gala uu iyaga dhexdooda ku koobnaato, oo ay iska daayaan wararka xasarada kicinaya ee ay qalabka warbaahinta isugu adeegsanayaan, isagoo sidoo kalana tilmaamey in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed la weeydiisto cafis, maadaama ayuu yhiri ra’iisal wasaaruhu mas’uuliyadii aanu u qaadney aynaan uga soo dhalaalin sidii la doonayey, taasina ay keentay in shacabka uu hareeyo jah wareer ay ka qaadeen isqabqabsiga iyo khilaafka ka dhex jira mas’uuliyiinta dowlada federaalka dhexdooda.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxa kale uu kulankii maanta ka sheegay in markii uu dhowaan kasoo amba baxey magaalada Nairobi, ay xubno ka tirsan beesha caalamku kula taliyeen inaanu aadin Muqdisho, balse waxa uu sheegay inuu isagu ku adkeystay inuu tagayo magaalada Muqdisho, taasoo markii uu yimid uu kala kulmey soo dhoweyn aad u heer sareysa, oo ay u sameeyeen dadka Muqdisho oo uu sheegay iney yihiin dad u bisil dowladnimada.

 

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maleeshiyooyinka gobolka Banaadir oo mudada saddexda “3†cisho uu siminaarka u soconayey uu maanta isaga u soo xiro tababarkii ay qaadanayeen, waxaana uu u mahad celiyey xubnaha labadda gole iyo saraakiishii soo diyaarisey tababarka iyo baranamijyada kale ee maleshiyooyinka magaalada Muqdisho gudaheeda looga saarayo.

 

Ra’iisal wasaare waxa uu tibaaxey in haatan markii uu dib ugu laabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu u hawl galayo sidii loogu heli lahaa dhaqaalihii ay ku hawl gali lahaayeen wajigii koowaad ee maleeshiyaadka tiradooda gaareyso ilaa iyo afarta kun “4,000†ee la qorsheeyey in dhowaan la xareeyo.

 

Guud ahaan jawiga goobta uu ka dhacayey kulankii maanta ayaa ahaa mid aad u heer sareeyey, iyadoo la arkayey ra’iisal wasaaraha iyo xubnaha labadda gole qaarkood oo si weyn isku marxabeynayey.

 

Dhinaca kale wasiirka ganacsiga Xaaji Muuse Yalaxow ayaa maanta sheegay iney sii wadi doonaan hawlaha nabadeynta gobolka Banaadir, oo aaney ku xirneyn dhaqaalo ay ka helaan beesha caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this