General Duke Posted January 29, 2010 Muqdisho: Al- Shabaab oo xalay dagaal culus ku qaaday AMISOM iyo ciidamada dawladda KMG ah. 29. januar 2010 APL Muqdisho(AllPuntland)- Dagaalo saacado badan socday ayay ciidamada Al- Shabaab ku qaadeen fariisimaha dagaal ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waxa ayna dagaaladaasi geysteen khasaare iskugu dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Al- Shabaab oo weerarka qaaday abaare 02:00 habeynimo ayaa ku balaariyey dhamaanba fariisimaha AMISOM iyo ciidamada dawladda Soomaaliya, taasoo keentay in ay AMISOM madaafiic aan loo meeldayin ku gaaraan dadka rayidka ah. Qeybta Warfaafinta ee Xarakada Al- Shabaab oo soo saartay warsaxaafadeed ku wajahan dagaaladii xalay ayay sheegtay, in AMISOM iyo ciidamada dawladda KMG ah ay soo gaarsiiyeen jab balaaran, isla markaasna ay ka dileen Askar badan, oo ay sheegeen in ay xiligaasi iska jiifeen. Nuqul ka mid ah qoraalka oo ay heshay APL ayaa lugu xusay, in ay Al- Shabaab wadayso dagaaladeeda, tan iyo inta dawlad Islaami ah ka dhalanayso Soomaaliya iyo bixitaanka ciidamada Shisheeye ee jooga Soomaaliya. Al- Shabaab ayaa sidoo kale tibaaxday in ay dagaaladan qeyb ka yihiin howlgalo xariir ah oo dhawaan laga fulin doono guud ahaan goobaha ay dhinacyadu isku horfadhiyaan, iyadoo qoraalka lugu sheegay in aysan Al- Shabaab dagaal waxba uarkin oo ay wadi doonaan dagaalada ay uga soo horjeedaan cid kasta oo ay sheegeen in ay la dhacsan yihiin siyaasadaha Reer galbeedka. Fariisimaha dagaal ee ay Al- Shabaab xalay ku balaariyeen dagaalkooda, waxaa ka mid ah, dhanka Xaafada Xoosh, Ex.Kontorool Afgooye,Kuliyadii hore ee Jaalla Siyaad,Gurigii hore ee C/Qaasim,Madaxtooyo oo laga weeraray labo dhinac (Wadada Florenca iyo Wadada Aadan Cadde),Afarta Jardiino,Maanabooliyo,Agagaarka Hotel Global iyo dhanka xeebta Badda liido. Dawladda KMG ah ayaan ku sheegtay dagaaladan kuwa lugu doonayo in lugu wiiqo awoodeeda iyo in afka ciida loo daro, waxa ayna sheegtay in ay qaadi doonaan howlgalo ay uga soo horjeedaan Xarakada Al- Shabaab. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2010 Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo xalay Muqdisho gil gilay, Mucaaradka oo weeraro saf-ballaaran soo qaaday Dagaalo culus oo watay Madaafiic xoogan ayaa xalay gil gilay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid dadka reer Muqdisho hurdada kaga tooseen, iyadoo dagaalkaas uu ahaa kii ugu waqtiga dheeraa mudooyinka dhaca. Dagaaladan oo soo bilowday abaarihii 2-habeenimo ee saqda dhexe ayaa soo gaaray ilaa waabarigii saaka, waxaana dagaalada bar bar socday madaafiic aad u culus oo dadka qaar ay guryaha la gariireen marka uu dhacay. In ka badan 10-ruux ayaa ku dhimatay dagaaladaas halka labataameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ahaa, waxaana ku jiray Haween iyo caruur dadkaas oo madaafiicda ugu tageen goobahooda. Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda ayaa weeraro waali ah ku ekeeyay Magaalada Muqdisho min gees ilaa gees, kaasoo ahaa weerarkii ugu xooganaa abid oo si saf ballaaran ugu soo qaadaan xeyndaabka Dowladda. Wariyeyaasha Muqdisho ayaa soo sheegaya in dagaalkii xalay ilaa saaka socday uu ahaa kii ugu cuslaa ee dhaca, waxaana uu ahaa dagaal dadka reer Muqdisho waaga ugu baryay iyagoo sariirahooda dul fadhiya. Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo weerarka lagu soo qaaday ayaa ka bixi waayay inay dabada la soo galeen meelahooda iyo in ay Madaafiic ay waraf camal ugu ridaan qeybaha uu weerarka kaga imaanayay. Xoogaga Mucaaradka ayaa dagaal istiraatiijiyadiisa deganeyd soo qaaday, waxaana uu ahaa mid saf ballaaran ku socday oo qorsheysnaa, waxaana uu jawaab u ahaa hadalada goodinta ahaa ee maalmahan Dowladda ka soo baxayay, kaasoo ku aadanaa in ay Muqdisho la wareegayaan. Duqeynta dagaaladaas ayaa soo gaartay saaka saacada markey aheyd 7-da subaxnimo, iyadoo xaalada magaalada Muqdisho haatan tahay mid degan oo dhinacyada dagaalamay ay kala daneysteen. Dagaalada raatibka noqday ayaa waxay yihiin kuwo bulshada reer Muqdisho nolol maalmeedkooda noqday, waxaase dagaalkii xalay ahaa mid in badan ka duwanaa dagaaladii dhuumashowga ahaa oo si fool ka fool ah xalay la isu waajahay. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2010 Xarakada Shabaab oo sheegatay dagaaladii safka ballaarnaa ee xalay ruxay magaalada Muqdisho Xarakada Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalo culus oo xalay si saf ballaaran uga dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaas ku qaaday dhowr goobood oo ay ugu weyneyd Madaxtooyada Villa Somalia. Weerarka Shabaab ayaa ka dhacay dhowr goobood oo Magaalada ka mid ah, sida Kulyadii hore ee Jaalle Siyaad Ex-Contarol Afgooye Madaxtooyada, Shibis iyo C/casiis, Hodan iyo Dharkeenley, waxaana uu ahaa weerarkii ugu xooganaa ee abid ay qaadaan. Bayaan ka soo baxay Shabaabka oo nuqul ka mid ah soo gaaray Xafiiska Jowhar.com ee magaalada Muqdisho ayaa dagaaladaas waxaa lagu sheegtay guulo ballaaran, waxaan war saxaafadeedka shabaabka lagu xusay geerida labo dagaalyahan iyo dhaawaca saddex kale. Sidoo kale Shabaabka ayaa waxay sheegteen in Madaxtooyada ay labo jiho ka weerareen, iyagoo weerarkaas ahaa mid aad u xooganaa oo ay hurdada ugu diideen Madaxda ugu sareysa Dowladda. Qoriga ka dhaca Taangiga ayaa ahaa mid aad looga maqlayay Caasimada, kuwaasoo qaarkood laga ridayay dalcadaha Madaxtooyada, waxaana jawaab uu ahaa weerarka lagu soo ekeeyay. Dhinaca kale Ururka Xisbul Islaam ayaa dhinacooda sheegtay in ay ku lamaananaayeen dagaaladaas, waxaana ay tibaaxeen in ay dagaalka ka soo galeen dhanka Gurigii C/qaasim, Taleex ilaa Warshadii hore ee Coca Cola. Dagaaladii xalay ayaa ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee waayahan dambe dhaca, waxaana dad badan uu soo xusuusinayaan xilligii ay dalka joogeen Ciidamadii Ethiopianka oo xilliyada saqdii dhexe la weerari jiray. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted January 30, 2010 happy anniversary in the bunker big time looser! good job al-shabab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted January 30, 2010 Waxaa cusbital ku yaal magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ku geeriyooday habeen hore sideed jirkii Somaliga ahaa ee wajigu xabada kaga dhacday xilli uu ku sugnaa caasimada Somaliya ee Muqdisho. Wiilkan oo lagu magacaabay Axmed Maxamed Maxamuud ayaa gurmad caalami ah ka helay aduunka kadib markii warbaahinta caalamka lagu soo bandhigay muuqaalkiisa iyo sida ay wax u gaareen. Axmed ayaa ku dhaawacmay meel ku dhow suuqa Bakaaraha horaantii sano hore (2009), kadib markii ay dhexda ka galeen isaga iyo hooyadii dagaal dhexmarayay ciidamada dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda, waxaana ay markaasi xabadu ka haleeshay wajiga halka hooyadiina ay gacanta ka dhaawacantay. Dr. Peter Nthumba said Ahmed died late Wednesday of intestinal bleeding that may have been caused by an ulcer or stress. Nthumba operated on the boy on Monday in the Kenyan capital. now who you cheering for? and why? It is like 'History repeats itself because nobody listens' or as George Santayana said "Those who cannot remember the past are condemned to repeat it." Early in the Somali Civil War, Ali& Aidid worked together to oust Siad Barre. But as soon they had Barre been ousted than they started fighting while thousands of Somalis suffered because of them irresponsible and ignorant men fighting for nothing! ironically youth were cheering for them!! do you see the similarity? Quote Share this post Link to post Share on other sites