Sign in to follow this  
A_Khadar

Heshiiskii Mingeste Iyo Siyaad Barre Wada Galeen 1988-Kii Taariikh

Recommended Posts

A_Khadar   

Siyaasiga Qaybe Oo Ka Waramay Heshiiskii Mingeste Iyo Siyaad Barre Wada Galeen 1988-Kii.

 

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland isla markaana hada ah xubin sharaf ka tirsan golaha guurtida Axmed Aadan Qaybe ayaa ka warbixiyey heshiiskii ay siyaad bare iyo madaxwaynihii Ethiopia Mingeste Hayle Maryam ay ku galeen horaantii bishii April 1988-kii dalka Jabuuti, balse ay isku mari waayeen xiligaas oo uu ahaa safiirkii qaramada midoobay u fadhiyey Somalia, kana mid ahaa wufuudii labada dhinac ee April 1988-kii heshiiskaasi ku kala saxeexday magaalada Muqdisho.

 

 

Siyaasiga Qaybe oo laga waraystay shalay barnaamijka raad raaca taariikhtii Somalia ee idaacada BBC-da ayaa waraysigaasi uu kaga hadlay arimahaasi, waxayna u dhacday sidan oo ugu horayn la waydiiyey kulankii labada dhinac natiijada ka soo baxday, waxaanu yidhi:

 

“Natiijadii kulankaasi waxay noqotay waa la is mari waayay, habeenkii oo dhan markii la wada hadlayay waa la ismari waayay waxa lagu heshiiyey markii danbe 4:30 ahayd waar bal guddidii wasiirada hadana ku celino oo bal iaygii aynu nidhaahno sii wada bal inaad xal ka gaadhaan”

 

S: Qaybe qodobada ay isku mari waayeen ee ugu darnaa ee labada hogaamiye isku afgaran waayeen maxay ahaayeen?

 

J: Arrinta la isku haysan jiray ee dhulka Soomaaliyeed, taasi horta waxay tahay aasaaska waxa kale o ka mid ahaa Balan-bale iyo Gal-dogob oo Xabashidu qabsatay oo jiido aanu leenahay baanu qabsanay aduunka maqashiisay inay iyana dhul Soomaaliyeed tahay oo ay ka kacaan iyo maxaabiistii la kala haystay ayaa ka mid ahaa.

 

S; Markaa Itoobiyaanku qodobadii ay wateen wax ma ka xusuusan tahay ee Soomaalidu ay aqbali weyday/

 

J: Habeenkaa waxaan u malaynaa in laysku mari waayay, qodob kasta o la soo qado waa laysku mari waayay oo waa la kala fogaa, wakhti badan baa ka soo wareegay oo imika ma wada xusuusni lakiin arrimihii la ogaa ee aduunku-ba ogaa ee la isku hayn jiray ayuun baa laga wada hadlayay habeenkaa oo qodobadaa aan sheegay ay ka mid yihiin.

 

S: Maxamed Siyaad Barre iyo Mingeste Hayle Marian markii ay wada hadlayeen ee adigu aad la fadhiday ee lix saacadood aad meesha fadhideen iyaga sida ay iskula hadlayaan ama ay isku eegayaan ama siday isula dhaqmayaan xidhiidhkoodu siduu ahaa shaqsi ahaan labadooda markaad eegto?

 

J: Xidhiidhkooda colaadi kama muuqan ee waxa ka muuqatay laba nin oo madaxweyne oo is ixtiraamaya oo jecel inay wada gaadhaan heshiis lakiin qodobadii u dhexeeyay ku heshiin kari waayay waliba Mangiste wuxuu u eegaa nin aad iyo aad u ixtiraam badan buu iigu muuqday oo aad iyo aad Siyaad Barre u ixtiraamaya.

 

S: Laakiin ka sakow xidhiidhkaas wanaagsan ee ka dhexeeyay labadooda iyo siday isku xishmaynayeen waxba meesha kama soo bixin sidaad u sheegtay?

 

J: Waxba kama soo bixin habeenkaas waxa lagu heshiiyay in haddii aynu ku heshiin weyno inagu qodobadii oo dhaqaajin kari weynay guddidii laba geesoodka ahayd ee wasiirada aan u dayno ayaa lagu heshiiyay ujeedadii taasi ayay noqotay habeenkaa.

 

S; Siduu ku yimid markaa heshiiskan danbe ee dhex maray Somalia iyo Itoobiya 1988-kii ee ku saabsanaa dhinacyada kale oo dhan ka sakow in maxaabiista la isku celiyo?

 

j: Waxay ahayd markii aanu waftigii Xamar ku noqonay ayaa Mangiste fariin soo diray wuxuu yidhi, waxaan rabaa inaan soo diro wafti uu hogaaminayo wasiirkiisi arrimaha dibada Burhana Bayo oo bal arrimihii habeenkaa laysku mari waayay hadana dib loogu noqdo bal in la dhaqaajin karo, markaa Maxamed Siyaad waa ka aqbalay oo Xamar bay noogu yimaadeen guddi baanu anaguna saaray waftigooda qaabila waxaana madax noo ahaa marxuumkii Axmed Maxamuud Faarax (AHN) aniguna xubin baan ka ahaa guddidaa la kulmaysay waftigaa.

 

Read More

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this