Sign in to follow this  
General Duke

Confusion of Xasan Dahir [politics mate]

Recommended Posts

Xassan Daahir Aweys oo sheegay inuusan aqoonsaneyn Dowlada Somaliya

Last Updated::2006-09-01 17:07:39

 

Muqdisho:- Sheekh Xassan Daahir aweys hogaamiyaha Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa beeniyey wareysi uu siiyey Jariirada TIMES.

 

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa maanta oo jimce ah saxaafada Muqdisho u sheegay inuusan aqoonsaneyn dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Hadalkan ayuu Xassan Daahir soo saaray kadib markii Wareysi uu sheekha siiyey Jariirada Times lagu sheegay in Xassan Daahir Aweys uu diyaar u yahay nabada inuu kala shaqeeyo dowlada Soomaaliya, oo u aqoonsan yahay in ay tahay dowlad la ictiraafsan yahay.

 

Hadalkan ayuu dib uga gurtay Sheekh Xassan Daahir Aweys Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Islaamiga, asagoo sheegay in uusan wax taageero ama ayidaad ah u heyn dowlada federaalka Soomaaliya.

 

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa asagoo ku sugan Muqdisho sheegay in dalka ay ku jiraan ciidamo badan oo shisheeye ah, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay arrimahaasi kala hadlaan Dowlada Federaalka.

 

Wuxuuna sheegay in shirka Khartuum diirada lagu soo saari doono sidii dalka looga saari lahaa ciidamada ku jira gudaha Soomaaliya.

 

Sheekh Xassan Daahir ayaa carabka ku dhuftay in Dowlada Qaranka Somaaliya ay ka qeyb gelin doonaan Soomaali oo dhan, walow uusan sii faah faahin dowladaasi in ay tahay mid ay Maxkamadaha Islaamiga ay dhisi doonaan iyo in kale.

 

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa wareysi kale oo uu todobaadkan siiyey Jariirada Al Sharqul Awsat uu ku sheegay in Maxkamadaha aysan Xukun-doon ahayn, balse ay doonayaan in nabad lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

 

Maaha markii ugu horeysay oo hadalo is burinaya ay kasoo baxaan hogaamiyaasha Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho, arrintan oo salka ku heysa dhinaca siyaasada Maxkamadaha.

 

Dadka sida weyn ulla socda siyaasada Soomaaliya, ayaa horey u sheegay in Maxkamadaha Islaamiga aysan lahayn barnaamij dhameystiran oo ku wajahan dhinaca maamulka iyo siyaasad qoto dheer.

 

Ayadoo lagu tilmaamay Maxkamadaha Islaamiga ah kuwo siyaasado kala duwan wata ayadoo Maxkamad waliba ay qorshe u gaar ah fulineyso, taasi oo laga cabsi qabo in ay caqabad ku noqoto hirgelinta heshiis walba oo laga gaaro shirka Khartuum oo ay ku kulmi doonaan wafuud ka kala socota Dowlada Somaliya ee Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Caasimada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobalada dhexe.

 

Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa horey wareegii 1aad ee shirka Khartuum ku saxiixay 22kii bishii June, heshiis horudhac ah oo qodobadiisu kamid ahayd in Maxkamadaha Aqoonsan yihiin in Dowlada Federaalka ay tahay Dowlada Sharciga ah ee dalka Soomaaliya.

 

Heshiiskaasi ka koobnaa 7da qodob ayaa sidoo kale ku qeexnayd in dowlada Federaalka aqoonsan tahay jiritaanka Maxkamadaha Islaamiga iyo in ay yihiin awood cusub oo dalka kusoo biirtay.

 

Heshiiskii hore ee shirkii Khartuum ayaa noqday mid aan waxna ka hirgelin ayadoo su'aalo badan la iska weydiinayo waxa kasoo bixi kara kulanka wareega 2aad ee wadahalada Dowlada iyo Maxkamadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this