MoonLight1 Posted May 16, 2009 SH. XASAN DAAHIR AWEYS, MUKHTAAR ROOBOW IYO SH. XASAN C.TURKI OO KULAN XASAASI AH KU LEH DEGMADA AFGOYE .. Gudoomiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh xasan daahir aweys , gudoomiye ku xigeenka Ururka Xizbul islaam ahna madaxa Kaambooniyiinta Sheekh xasan cabdullahi Turki iyo waliba afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Mukhtaar roobow cali abu Mansuur ayaa kulan xasaasi ah ku leh maanta magaalada afgoye Saaka subaxi hore ayaa dhamaan raggani u amababaxeen dhanka Afgoye sii loga wada hadlo maamul loo dhiso gobolka banadir kaasi oo mid ah Kulankan ayaa warar hoose oo ka soo baxaya waxay sheegayan in lagu dhisi doono maamul ku meel gaar ah oo u yeesho gobolka banadir madama ay iyagu intaa badan gacanta ku hayan magaalada moqdisho in yar mooye, warar aan lagu kalsooneyn ayaa sheegaya in shaqsi ka socda Ururka xizbul islaam loo magcaabi doono gudoomiyaha maamulka gobolka banadir halka ku xigeena u noqon doono shaqsi ka socda ururka Alshabaab in kasta oo wararka aan sii toosa loo shaacin Sheekh xasan turki oo saaka subaxii hore soo garay magaalada moqdisho ayaa isla maanta shirkan dib u galay waxana la suugaya waxii ka soo baxa shirkan xasaasiga ah Dhanka kale Maamulka iyo odayaasha beesha mududlood ee magaalada jowhar ayaa sheegay in aay iska difaaci doonan waxii soo weerara magaalada jowhar Magaalada jowhar ayaa wxa ka jiray xiisad hub urursi tan iyo markii aay degmada cadale soo gareen ciidanka ka amar qata Xizbul islaam kuwas oo la filayo inay weerar ku qadan dhanka degmada jowhar malmaha soo socda , odayaasha iyo maamulka degmada oo taageera dowlada KMG ayaa sheegay inay is difaaci doonan waxayna sheegan in degmada jowhar aan marnaba laga bixin doonin gacanta maxkamada sidaa aay hadalka u dhigeen http://boondheere.co m/index.php?news=132 9 Quote Share this post Link to post Share on other sites