Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Puntland's Police Commander Dismissed

Recommended Posts

Boosaaso 28, March.07 ( Sh.M.Network) Taliyaha ciidamada booliska Puntland Saciid Cali Xaashi ayaa xilka qaadis lagu sameeyay ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku dhaqaaay xil gudasho la'aan.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska amniga iyo arimaha gudaha ee MG Puntland ayaa xilkii looga qaaday taliyaha ciidamada Saciid Cali, waxaana lagu eedeeyay in uu xabsiga ka sii daayay Max'ed Cali xaashi oo ku eedeysnaa falal ka dhan ah Puntland iyo dowladda, isla markaana uu xubin ka ahaa ururka Al-itixaad, iyadoo aan la horkeenin maxkamad.

 

Sidoo kale waxaa taliyahaan lagu eedeeyay in uu dagaalo so keeye galiyay dhalin yaro ka soo jeeda Puntland.

 

Xilka laga qaaday taliyaha ayaa sida ku xusan wareegtada waxaa sii heyn doona K/xigeenka koowaad ee ciidamada Booliska G/sare C/caasi Siciid Max'uud Gacameey.

 

Wareegtadaan waxa ay ku soo beegmatay xilli Madaxweynaha Puntland uu ku maqan yahay safar dibadda ah, laakiin waxaa la sheegay in lagu war galiyay wareegtadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso(AllPuntland)- Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa shaqadii looga joojiyay taliyaha ciidamada booliska Puntland Col: Siciid Xaaji Siciid.

 

Warqadda kasoo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Puntland ayaa waxay kusocotay madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo iminka safar dibadda uga maqan.

 

Wuxuu amray wasiirka arimaha gudaha in shaqada uusan sii wadi karin taliyaha ciidamada booliska Puntland Col: Siciid Xaaji Siciid.

 

Digreetada waxaa ku xusnaa in nin lagu magacaabo Maxamed Cali Xaashi oo loo haystay inuu kasoo horjeeday jiritaanka Puntland , sameeyayna falal dhan ka ah Puntland iyo federaalka isla markaana ka tirsanaa ururka Al Itixaad uu sii daayay taliyuhu ayadoon wax maxkamad ah lasaarin.

 

Taliyaha ciidamada booliska wali si rasmi ah ugama jawaabin eedaymaha loo soo jeediyay ee shaqada looga joojiyay.

 

Wasiirka arimaha gudaha ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay jiraan khaladaad xagga ciidamada ah , isla markaana ay wasaaraddiisu gudo galayso sidii ay u sixi lahayd.

 

Dhawaanna wuxuu wasiirka arimaha gudaha Puntland ku eedeeyay dhacdo ka dhacday xabsiga Garoowe oo maxaabiis lagala baxay ciidamada booliska qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOOSAASO : Maxaa sababay shaqo joojinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ?

Posted to the Web Mar 28, 16:46

 

 

Boosaaso:-Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Cabdi Xaabsade lana soo marsiiyay M.waynekuxigeenka Puntland Xassan Daahir ayaa shaqadii looga joojiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Siciid Cali Xaaji kadib markii lagu eedeeyay in uu xabsiga ka siidaayay Nin la sheegay in uu xirnaa dagaal uu la galay maamulka Puntland iyo DFKS.

 

Sida ku cad qoraalka shaqada looga joojiyay Taliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu Xabsiga ka siidaayay Nin lagu magacaabo Maxamed Cali Xaashi oo dagaal la galay Puntland xiligii inta badan dalka ay maamulayeen Maxaakiimtii laga awooda roonaday ka hor intaan la horgayn caddaalada , taa soo la sheegay in uu isagu kaligiis go'aansaday.

 

Wuxuuna xabsiga Boosaaso ku jiray muddo badan isagoo aan la horkeenin caddalada , Taliyaha ayaa la sheegay in uu ku dooday in Ninkan Maxkamada la horgeeyo ama loo celiyo maxbuuska xuriyadiisa , hase ahaatee taasi ma aysan dhicin wuxuuna Taliyuhu go'aansaday in uu siidaayo maadaama sharciga dalka u dagsan uu sheegayo in aan muwaadinka 24 saac ka badan lagu haynkarin xabsiga haddii aysan Maxkamadi xukumin.

 

Waana sababta keentay in shaqadiisa looga joojiyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Siciid Cali Xaaji.

 

Dadka caadiga ah ayaa waxay iswaydiinayaa waxyaalaha uu Ninkan kaga duwan yahay boqolaalka dhalinyarada iyo Saraakiisha ah ee iminka ku sugan Puntland ee sida tooska ah iyo sida dadbanba uga qaybqaatay dagaaladii dhexmaray Puntland & DFKS oo wadajira iyo Maxaakiimtii laga itaalka roonaday ku waa soo la cafiyay.

 

Waxaase xusid mudan in inta badan Xubnaha Golaha Wasiirada lawada ogsoon yahay in ay yihiin dulaaliin iyakoo badda ay ugu jiraan Marakiib jariifayaal ah , iyo qaar ka dulaala xoolaha nool ee ee Ummadda nolashoodu ay ku tiirsan tahay , waxayna soo xirteen shirkado gaar ah si ay uga qaataan khidmad.

 

C/laahi Cali Ciise

Boosaaso , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

Musuqmaasuqii igu weynaa ayaa ka socda Puntland adminstration. Somalia weligeyd ma horomareyso as long as the corruption continues.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this