Sign in to follow this  
General Duke

Sana: President Faroole and Ministers meet with Abdullahi Yusuf Ahmed

Recommended Posts

Sanca:Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo qaabilay Wafdiga Madaxweyne Faroole ee Sanca…(Warbixin).

6. oktober 2010

 

APL

 

Sanca:(Allpuntland)-Iyadoo ay maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen ku sugnaayeen Wufuud heer sare ah oo kasocda Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna uu horkacayo Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa wararka laga helayo safarka Wafdigaasi ay kusoo waramayan in Wafdigaas uu Qaabilay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane,Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sanadihii lasoo dhaafay degenaa magaalada Sanca.

 

Kulanka oo ka dhacay Qasriga uu Duleedka Sanca ka degenyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa Booqasho sharfeed uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud & Wafdigiisu ay ugu tageen Cabdulaahi Yuusufu Axmed,Waxaana looga hadlay Arimo badan oo quseeya Xaalka Soomaaliya si gaar ahna isugu biyo shubanaya Xaalka amaan ee Deegaanada Puntland.

 

Warar hoose oo ay APL ka helayso Kulankaas ayaa kusoo waramaya in Kulankan ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland,Wasiirkii hore ee Dawladaha Hoose & Hor’umarinta reer miyiga,Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya,Siyaasiyiin & Waxgarad kale islamarkaasna ay bilowgii wada hadalka kadib uu kulanku si gaar ah u dhexmaray Madaxweynaha Puntland & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne Faroole uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uga warbixiyey Xaalka imika ee deegaanaada Puntland,Waxaana iswaraysi kadib uu Mudane,Cabdulaahi Yuusuf ka mahadceliyey Booqashada Wafdigan islamarkaasna uu talooyin & tusaalooyin kala gedisan siiyey Madaxda Puntland ee imika jirta islamarkaasna uu ugu baaqay Midnimada & Iskuxirnaanshaha Bulshada reer Puntland oo uu ku tilmaamay mid Muqadas ah.

 

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Wuxuu shacabka reer Puntland salaan usoo faray Wafdiga Madaxweyne Faroole,Waxaana uu ugu baaqay in la joojiyo Dagaalada ku dhexmaraya Beelaha Walaalaha ah Deegaano kamid ah Nugaal & Bari,isagoo sidoo kalena shacabka Puntland uu baaqay in ay Amaankooda ilaashadaan ayna waxkasta ka hormariyaan Amaanka Puntland.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa intii uu kulanku socday u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,waxaana uu sheegey in Puntland ay markasta tahay mid iskuxiran,isagoo sheegey in Dawladiisu ay ku dadaalayso wax kaqabashada Xaaladaha imika jira oo ay u horeeyaan Dagaalka ay Xukuumadu kula jirto Kooxda Atam & Dagaalo kale oo Siyaasadeed oo uu sheegey in dhamaantood ay guula ka rajeynayaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this