Xaaji Xunjuf Posted October 23, 2010 Wasiirka Arimaha Dibedda iyo Iskaashga Caalamiga ee JSL oo la kulmay Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Waxuu wasiirku sheegay inay Somaliland leedahay waayo aragnimo iyo guulo la taaban karo oo... Daawo Sawiradda Addis Ababa(GNS)Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashga Caalamiga ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumer, oo beryahan ba ku jirey olele diblomasiyadeed oo kor loogu qaadayo xidhiidhka siyaasadeed iyo iskaashi ee Somaliland iyo wadamo jaarka ah, ayaa bishan October,20 keedii oo arbaca ahayd kasoo degay Bole International Airport ee magaaladda Addis Ababa, halkaas oo masuuliyin ka tirsan dawladda Ethiopia iyo safaaradda Somaliland ee Addis Ababa si diiran ugu soo dhaweeyen. Wasiirku wuxuu khamiistii kulan dheer xafiiskiisa kula yeeshay Raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dawladda Itoobiya, Mudane Haile-Mariam Desalegn, waxay labada Wasiir si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan oo ay ku tilmaameen mid maalin walba sii kordhaaya oo faaiido u leh labada dal. Waxay si gaar ah u soo qaadeen iskaashiga xagga nabadgelyadda, ganacsiga, dariiqa Berbera iyo Wajaale, Waxbarashadda iyo Duulimaadyadda cirka. Raysal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia waxuu ku bogaadiyay xukuumadda Somaliland qorshayaasheeda xaga horumarka iyo dedaalka ay ugu jirto nabad ilaalinta iyo balaadhinta dimquraadiyadda, waxuuna cadeeyay in dalkiisu iskaashi buuxa kale yeelanayo Somaliland Arrimihii shirka lagaga wada hadlay oo dhan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Cabdillahi Cumar oo shirka ka dib la kulmay saxaafadda itoobiya ayaa cadeeyay inay qiimaynayaan xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya laguna rajowayn yahay in xidhiidhkaasi balaadho isla markaana qotto dheeraado si uu usoo saaro midho faaiido u leh labada shacbi. Isla khamiistii waxuu wasiirku la kulmay gudoomiyaha guud ee ururka IGAD Mudane Maxbuub Ma’alin, kulanka oo ka dhacay hudheelka uu degan yahay wasiirku, waxayna ka wada hadleen sida ay Somaliland ula yeelan lahayd wada shaqayn ururka IGAD. Waxuu wasiirku sheegay inay Somaliland leedahay waayo aragnimo iyo guulo la taaban karo oo waxtar u leh ula jeedooyinka loo sameeyay in ururka IGAD ka shaqeeyo oo ay ka mid tahay, Nabadaynta, fidinta dimquraadiyadda, isku xidhka ganacsiga ee geeska Africa iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxa kale oo isla shalay uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland qaabilay Gudoomiye ku xigeenka Ururka Midowga Africa (AU), Mudane Erustus Mwencha, kulanka oo ka dhacay xarunta ururka midowga Africa ee AddIs Ababa, waxa laga soo qaaday kaalinta uruka (AU) uu ka qaadan karo horumarka dhaqaale siyaasaded iyo nabadagelyo ee ka socda Somaliland. Waxa kale oo si dheer looga hadlay in sidii midowga Africa u sii amba qaadi lahaa warbixintii ay ka qoreen sanadahii, sanadkii 2005, oo si buuxda u tilmamaysay in qadiyadda Somaliland ay ku fadhido taariikh siyaased iyo sharci cad oo aan ka furayn Africa murano siyaadadeed. Waxaa la filayaa in maalinta jimcaha uu wasiirku kulamo gaar gaar ah la yeelan doono Safiirka Maryanka iyo Safiirka Ingriiska u fadhiya dalka Itoobiya. Dhamaan kulamadaas waxa ku weheliyay wasiirka Mudane, Ayaanle Salad Deria, Acting Ambassador of Somaliland Addis Ababa, Ethiopia [/QB] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 24, 2010 Addis Ababa, October 21, 2010 (Addis Ababa) - Deputy Prime Minister and Foreign Affairs Minister, Desalegn Hailemariam said Ethiopia would work together with Somaliland Administration in the areas of security and economy. While conferring with Foreign Affairs Minister of Somaliland, Mohammed Oumar here on Thursday, Desalegn said Ethiopia is desirous to work with Somaliland in the stated areas. He expressed appreciation to the measures taken by the Somaliland Administration on the terrorist attack attempted by the faction of the ****** National Liberation Front (ONLF) recently. Appropriate anti-terrorist measures should further be strengthened, he said. Desalegn said Ethiopia gives high regard to the efforts mobilized by the Somaliland to restore peace and stability in the region, according to a Spokesperson of the Ministry of Foreign Affairs. Mohammed said on his part Somaliland has friendly relations with Ethiopia and it would be further strengthened. He underlined the importance of the peace accord signed between the Ethiopian government and ONLF. Mohammed said the agreement would close the room for Eritrea which is bent on destabilizing the peace and stability of the Horn of Africa. He expressed concern over piracy being perpetrated in Southern Somali and stressed the need that countries in the region should work together to address the problem. The two officials had also exchanged views on wide ranging issues including ways of fighting terrorism. The Ethiopian News Agency Quote Share this post Link to post Share on other sites