Jacaylbaro Posted October 27, 2007 Mogadishu 27, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Kooxaha ka soo horjeeda dowladda kMG ah ee Somalia ayaa la wareegay goordhaweyd gacan ku heynta saldhigga degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka dib iska horimaad qaraar oo halkaasi ka dhacay maanta barqadii , iyadoo dad fara badan oo careysan ay isugu soo baxeen wadada KPP, kuwaasi oo gubayay taayaro. Sida uu Shabelle u xaqjiiyay Goobjooge la yiraahdo Max'ed Cabdi Salaad, kooxo hubeysan ayaa gudaha u galay maanta barqadii gudaha saldhigga degmada Hodon, ka dib dagaal ay la galeen ciidamadii booliska ee ku sugnaa halkaasi. lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan. Lama oga wali halka ay aadeen ciidamadii booliska ee halkaasi ku sugnaa. Dad fara badan ayaa isugu soo baxay wadada KPP ka dib qabsashada saldhigga Hodon, kuwaasi oo gubayay taayaro qiicooda laga dareemay qeybo ka mid ah Muqdisho, kuna qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda. Quote Share this post Link to post Share on other sites