Emperor Posted June 5, 2008 New York(HR Media):- Golaha Amaanka ayaa soo saaray Qaraar uu ku ogolaanayo in ciidamada Caalamiga ah ay gudaha u geli karaan Biyaha dalka Soomaaliya si ay ulla dagaalamaan Burcad Badeeda afduubka ka wada xeebaha dalka Soomaaliya. Qaraarkan ayaa soo baxay maalin kadib markii ay Dowlada Soomaaliya codsatay in ciidamada Ajaanibta ah ay soo geli karaan Biyaha Soomaaliya. Badeeda. Qaraarkan oo numberkiisa yahay 1816 ayaa waxaa u ololeenayey dalalka Maraykanka iyo Faransiiska oo ay hada ciidamo ka joogaan xeebaha dalka Soomaaliya. Qaraarkan ayaa baneenaya in ciidamada Caalamiga ah gudaha u geli karaan biyaha dalka Soomaaliya ayagoo ku raad jooga burcad badeeda. Ciidamada Caalamiga ah ayaa inta badan sharciyan loo ogolaan jirin in ay biyaha Soomaaliya mar walba soo galaan, walow ay Maraakiibta dagaalka ee Isbaheysiga Maraykanka marar badan ay gudaha u galeen biyaha dalka Soomaaliya. Qaraarkan ayaa ah mid ku aadan Burcad Badeeda ku sugan dalka Soomaaliya ayadoo aan qaraarkan loo adeegsan karin wadamada kale oo ay ka jiraan Burcad Badeeda sida dalka Indonesiya iyo dalal kale ee Koonfurta Amerika kuwaasi oo sheegay in aan lagu soo xad gubi karin biyahooda. Dowlada Soomaaliya oo ayadu sheegtay inaysan awood u lahayn la dagaalanka Burcad Badeeda ayaa ayadu biyaheeda u fasaxday ciidamada Caalamiga ah in ay gudaha usoo galaan ayagoo la dagaalamay Burcad badeeda Soomaaliyeed. Xeebaha Soomaaliya ayaa hada lagu heystaa sadex markab oo laga afduubtay gacanka Cadmeeda ayadoo maraakiibta intooda badan ay burcad badeeda kasoo afduubtaan Biyaha Caalamiga ah kadibna gudaha ulla soo galaan biyaha dalka Soomaaliya, ayagoo markaasi kula gor gortama in la bixiyo lacago madax furasho ah. Dowlada Puntland ayaa ayadu horey u dhaliiceysay wadahadalka lala galo Burcad Badeeda, isla markaana cambaareysay lacagaha madax furashada loo bixiyo. Maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo kamid ah dowlada federaalka ayaa ayagu dhinacooda kasoo horjeeday in ciidamada caalamiga ah fasax weyn loo siiyo in ay wakhti walba biyaha Soomaaliya soo gelin karaan. Maamulka Puntland ayaa horey ugu baaqay Golaha Amaanka in dhaqaale iyo tababaro lagu kabo ciidamada Soomaaliyeed si ay ayagu biyaha Soomaaliya u illaalshaan, hase yeeshee arrintan fikir ka duwan ayey dowlada Federaalka ka qabtaa, midaasi oo hada sheegtay in loo baahan yahay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa kale ee ay gudaha usoo galaan xeebaha Soomaaliya. Burcad Badeeda Soomaaliyeed ayaa caqabad weyn ku noqday isu socodka Maraakiibta iyo gaadiidka sahayda gargaarka sida iyo kuwa Ganacsigaba ee biyaha Soomaaliya maraya. Sanadkii lasoo dhaafay ayaa xeebaha Soomaaliya ayaa lagu afduubay maraakiib iyo doonyo gaaraya 26 markab. Cambaareynta maamulada Soomaaliya ee ku aadan lacagaha madax furashada loo siiyo Burcad Badeed ayaa salka ku heysa, ayadoo Burcad badeeda oo lacago badan sanadihii lasoo dhaafay helay, ay si weyn isu hubeeyeen isla markaan wax weyn ka bedaleen qaabkii ay u hawlgali jireen, burcad badeeda Soomaaliya ayaa lagu sheegay kuwa halista badan Adduunka uguna abaabulka badan. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 5, 2008 Ciidamo Marines ah oo Ruushka ka socda oo saacadaha inasoo aadan soo galaya xeebaha dalka Soomaaliya. Iyadoo maanta dowladad Canada ay shaacisay ciidamadeeda badu in ay soo galeen biyaha Soomaaliya yaa caawana waxaa dowlada Ruushku ay sheegtay in saacadaha inasoo aadan ay ciidamadeedu soo galayaan Soomaaliya si ay burcad badeeda u baacsadaan. Iyadoo maanta dowladad Canada ay shaacisay ciidamadeeda badu in ay soo galeen biyaha Soomaaliya yaa caawana waxaa dowlada Ruushku ay sheegtay in saacadaha inasoo aadan ay ciidamadeedu soo galayaan Soomaaliya si ay burcad badeeda u baacsadaan. Arrintan ayaa waxaa ay ku soo begmeysaa iyadoo habeenkii isniinta ee lasoo dhaafay golaha amaanka ee Qaramada Mdioobay uu anisixiyay qaraar sheegaya in dalalka caalamku ay soo geli karaan xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda ka qowleysata biyaha Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada Bada ee dalka Ruushku waxaa ay sheegeen in ciidamadoodu ay marka hore howlkgalkooda ku bilaabi doonaan soo bad baadinta 4 ruux oo ruushan ah iyo 5 filibiin ah oo lagu dul-heysto markab laga leeyahay dalka Dhajka oo lagu heysto xeebaha Soomaaliya. Burcad badeeda heysata markabka dhajka ayaa hada sheegtay in ay doonayaan hal milyan iyo boqol kun oo doolarka Mareykanka ah laakin shirkada markabka lehi waxaa ay sheegtay in ay bixineyso 7 boqol oo kun oo keliya. Hada waxaa xeebaha Soomaaliya lagu heystaa 3 markab oo laga kala leeyahay Jarmalka ,Dhajka iyo Turkiga oo dhamaantoodba ku wada sugan xeebaha Soomaaliya. Laakin burcada ayaa sheegay in ay shaqaalaha maraakiibtaa dulsaaran dili doonaan hadii la isku dayo in awood loo adeegsado,waxaana aan la garanaynin halka ay xaaladi ku dambeyn doonto maadaama hada awoodaha shi sheeye ee soo galaya xeebaha Soomaaliya ay u diyaar yihiin in ay la heystayaasha soo bad baadiyaan xeebaha Soomaaliyana ka nadiifiyaan burcada. Dowladda Ruushka ayaa caawa sheegtay in ciidamadeeda badu ay soo gaba gabeeyeen diyaar garowgoodii ugu dambeeyay ayna saacadaha soo socda usoo dhaqaaqayaan xeebaha dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 5, 2008 Golaha Amaanka oo ansixiyay qaraar ku saabsan badda Somaliya Golaha Ammaanka ee QM, ayaa xalay ansixiyey Mashruuc Qaraar oo u fasaxayo Maraakiibta dagaalka ee shisheeyahaya inay geli karaan Baddaha dalka Somalia, si ay ula dagalamaan Kooxaha burcad-baddeedda khatarta ku haysa Maraakiibta ku socdaasha Baddaha Somalia. 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM, ayaa si wadajir ah ugu codeeyey Qaraar tirsigiisu yahay 1816, kaasi oo u oggolaanayo Dowladaha shisheeyaha inay ku geli karaan xuduud-baddeedka dalka Somalia, si ay uga hortagaan, ula dagaalamaan, una soo qabtaan Burcad-baddeeda khatarta ku haysa Maraakiibta shisheeyaha ee isticmaasha Baddaha Somalia. Hindisahaasi oo ay Dowladaha Faransiiska iyo Maraykaanka soo gudbiyeen, ayaa waxa uu awood u siinayaa inay Dowladaha shisheeyaha muddo lix bilood ah kala shaqeeyaan DFKMGS sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeeddaasi, isla markaana ay Maraakiibtaasi u gelbin lahaayeen Maraakiibta Shixnadaha Samafalka u wada Ummadda Soomaaliyeed. Qaraarkaasi, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Codsiyo ay DFKMGS iyo Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii Moon ku codsadeen in taageero laga geysto sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeedaasi. Golaha Ammaanka ee QM, waxa uu ugu baaqay Dowladaha ay Maraakiibta dagaalka iyo Diyaaradaha ka jooga meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia inay u feejignaadaan falalka burcad-baddeedka, iyo inay DFKMGS iyo Hay'adaha Caalamiga siiba Hay'adda Baddaha Caalamka ee IMO kala shaqeeyaan sidii loo ugaarsan lahaa Burcadda ka qowleysata Baddaha dalka Somalia. Qaraarka, waxaa kaloo lagu xusay inuu Golaha Ammaanka ee QM walaac xooggan ka muujinayo cabsida falalka Burcadnimadda iyo dhaca hubeysan ee lagu soo qaadayo Maraakiibta iyo khatarta la gelinayo sidii Kaalmooyinka Samafalka loo gaarsiin lahaa dalka Somalia iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Caalamka. Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM kula kulmay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in arrimaha Burcad-badddeed tahay muhiimadda ay DFKMGS siinayo si wax looga qabto iyadoo Beesha Caalamka gacan wada-shaqeyn laga helayo. Madaxweynuhu, waxa uu ku booriyey QM inay soo dedejiyaan ciiddamaddii wax ka qaban lahaa burcad-baddeeddaasi. Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites