Sign in to follow this  
General Duke

A new ****** but deadly feud erupts in Mogadishu

Recommended Posts

We have heard of Yalaxow, Qaynyare, Osman Ato, Yusuf Inda Cade now add two new comers to the ****** list. Abukar Cadani and Mr Bashir Rage who where at times partners in business and allies. These men are now battling over something. Maybe its just their overblown ego or the port of Ceel Macane. ****** need to stop taking the lives of these young fighters and innocent civilians.

 

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka socdaa duleedka Waqooyiga Bari ee Magaalada Muqdisho

 

Dagaal culus oo hubka kala duwan la isku adeegsaday ayaa salaadii Jimcaha ka hor waxaa uu ka bilaabaday duleedka Waqooyi bari ee magaalada Muqdisho.

 

Dagaalkan oo u dhaxeeyo sida ay sheegayan wararka ka imaanaya goobaha dagaalka ka dhacaya Labo maleeshiyo oo kala taageersan Ganacsade Bashiir Raage iyo Ganacsadaha kale ee Maamula Dekedda Ceel Macaan Xaaji Abuukar Cumar Caddan, in kastoo weli war rasmi ah ka soo bixin cidda si rasmi ah dagaalka ugu lug leh.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka wararka qaar ayaa waxay sheegayan inuu dagaalka ku bilaabaday Dhul , hase ahaate warar kale ayaa waxay sheegayan inuu yahay arrimo Labada dhinaca u gaar ah gaar ahaan arrimo Ganacsi.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacaya halka loo yaqaano Galgalato oo ku taala marka laga soo tago Garoonka Diyaaradaha ee Cisalay una soo socota Magaalada muqdisho, halkaas oo Labo Maleeshiyo oo ilaalisa Dekedaha Ceel Macaan iyo Ceel Cade.

 

In kastoo dagaalka weli uu socda haddana ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan khaasaraha dagaalka ma aanu helin wixii war ah oo soo kurdhana wararkeeni dambe ayaa kala socon doontaan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Bashiir Raage oo La Wareegay

Gacan ku haynta degaanka Galgalato

 

Goobihii dagaalka ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan waxaa la wareegay Maleeshiyada Ganacsade Bashiir Raage kadib markii loo awood sheegtay Maleeshiyadii Ganacsade Abuukar Cumar Caddan.

 

Sidoo kale dagaalka ayaa looga qabsaday Ganacsade Abuukar Cumar Caddan 3 Baabuur oo kuwa dagaalka ah sida ay ii sheegeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Ganacsatada Dekedda Ceel Macaan.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku hayay dhul ku yaalo degaanka galgalato ee duleedka Waqooyiga Magaalada Muqdisho, kaas oo Labada ninba lahaanshihiisa sheegteen.

 

Ilaa iyo hadda waanwaan buuxda oo ay wadaan waxgaradka Beesha Mudullood ayaa jirin,iyadoo dagaalku istiisa u istaagay.

 

Dhamaan waxaa istaagay dhaq dhaqaaqyadii iyo baaburtii ka shaqeyn jirtay labada dekadood ee aagaas ku yaalay ilaa hadana lama ogo waqtiga ay furmayaan.

 

Dr, Xuseen Xaaji Bood iyo Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Xaaji Muuse Suudi ayaa ka hadlay arrinta dagaalka waxayna ugu baaqeeen Labada dhinaca inay dagaalka joojiyaan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this