Sign in to follow this  
General Duke

Fraizar press conference...slap on Somaliland face...

Recommended Posts

Mrs.Frazer oo warsaxaafadeed kasoo saartay Safarkeedii Soomaaliya (Daawo Sawiro)

Last Updated::2007-04-08 15:29:03

 

Nairobi:- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee Arrimaha Soomaaliya Jendayi Frezer ayaa ka hadashay safarkii ay shalay ku gaartay dalka Soomaaliya.

 

Mrs.Frezer ayaa warsaxaafadeed ay ku qabatay Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya ku sheegtay in safarkeedii Soomaliya uu ahaa mid lagu taageerayo Dowlada Soomaaliya.

 

Haweenaydan ayaa sheegtay in ayada iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya kenya, qaabilsana arrimaha Soomaaliya Mr.Micheal Renneberge ay la kulmeen mas'uuliyiinta ugu sareysa ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Mrs.Frezer ayaa sheegtay in ay Dowlada Soomaaliya ku dhiiri geliyeen in aan dib loo dhigin shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana dadaal dheer loo galo arrimaha nabadeynta iyo wadahadalka.

 

Kooxaha kasoo horjeeda DFKMG

 

Mrs.Freser ayaa carabka ku adkeysay in loo baahan yahay Wadahadal, balse waxay sheegtay in aysan suurta gal ahayn in Dowlada Soomaaliya ay la shirto ama wadahadal la gasho kooxaha hubeysan ee Qaran diidka ah isla markaana raba in ay dalka Soomaaliya ka dhigaan dhul aan waligii Dowlad yeelan.

 

Waxayna haweenaydan Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ay sheegtay in Mas'uuliyiinta Dowlada Soomaaliya ay warbixino muhiim ah kasiiyeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dadaalka ay ugu jiraan in dib loogu soo celiyo amnigii dalka Soomaaliya.

 

Dhaqaalaha

 

Jendayi Frezer ayaa sheetay in dowlada Maraykanka ay taageero dheeraad ah u fidin doonto Dowlada Soomaaliya, si loo meel mariyo dadaalka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

 

Xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Deriska

 

Mrs.Frezer ayaa ku baaqday in sidoo kale tilaabo adag laga qaado kooxaha hubeysan ee qalalaasaha ka wada magaalada Muqdisho.

 

Waxayana sheegtay in sida kaliya oo looga guuleysan kara kooxaha hubeysan ay tahay in ay wada shaqeeyaan Dalalka Deriska la'ah Soomaaliya iyo DFKMG.

 

Kooxaha Muqdisho ka dagaalamaya waa in aysan helin dalal deris ah oo ay xarumo ka sameystaan, isla markaana la cunaqabateeyo oo aan dhaqaalaha dibada looga soo dirayo uusan gaarin, ayey tiri Mrs.Frezer oo sheegtay in arrimahaasi looga baahan yahay in ay iska kaashadaan Wadamada geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaqaalaha

 

Jendayi Frezer ayaa sheetay in dowlada Maraykanka ay taageero dheeraad ah u fidin doonto Dowlada Soomaaliya, si loo meel mariyo dadaalka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

dont count on it!! state dept aint gonna do shyte no more!! they cant even get their irag spending bill passed in congress. this has to be signed by congress...! and the democratic congress aint signing no mo EL DABILO war games.!!

 

u is it homie!! u better find some dough for uncle or hes in deep shyte.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this