General Duke Posted April 9, 2007 Mrs.Frazer oo warsaxaafadeed kasoo saartay Safarkeedii Soomaaliya (Daawo Sawiro) Last Updated::2007-04-08 15:29:03 Nairobi:- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee Arrimaha Soomaaliya Jendayi Frezer ayaa ka hadashay safarkii ay shalay ku gaartay dalka Soomaaliya. Mrs.Frezer ayaa warsaxaafadeed ay ku qabatay Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya ku sheegtay in safarkeedii Soomaliya uu ahaa mid lagu taageerayo Dowlada Soomaaliya. Haweenaydan ayaa sheegtay in ayada iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya kenya, qaabilsana arrimaha Soomaaliya Mr.Micheal Renneberge ay la kulmeen mas'uuliyiinta ugu sareysa ee Dowlada Federaalka Soomaaliya. Mrs.Frezer ayaa sheegtay in ay Dowlada Soomaaliya ku dhiiri geliyeen in aan dib loo dhigin shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana dadaal dheer loo galo arrimaha nabadeynta iyo wadahadalka. Kooxaha kasoo horjeeda DFKMG Mrs.Freser ayaa carabka ku adkeysay in loo baahan yahay Wadahadal, balse waxay sheegtay in aysan suurta gal ahayn in Dowlada Soomaaliya ay la shirto ama wadahadal la gasho kooxaha hubeysan ee Qaran diidka ah isla markaana raba in ay dalka Soomaaliya ka dhigaan dhul aan waligii Dowlad yeelan. Waxayna haweenaydan Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ay sheegtay in Mas'uuliyiinta Dowlada Soomaaliya ay warbixino muhiim ah kasiiyeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dadaalka ay ugu jiraan in dib loogu soo celiyo amnigii dalka Soomaaliya. Dhaqaalaha Jendayi Frezer ayaa sheetay in dowlada Maraykanka ay taageero dheeraad ah u fidin doonto Dowlada Soomaaliya, si loo meel mariyo dadaalka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Deriska Mrs.Frezer ayaa ku baaqday in sidoo kale tilaabo adag laga qaado kooxaha hubeysan ee qalalaasaha ka wada magaalada Muqdisho. Waxayana sheegtay in sida kaliya oo looga guuleysan kara kooxaha hubeysan ay tahay in ay wada shaqeeyaan Dalalka Deriska la'ah Soomaaliya iyo DFKMG. Kooxaha Muqdisho ka dagaalamaya waa in aysan helin dalal deris ah oo ay xarumo ka sameystaan, isla markaana la cunaqabateeyo oo aan dhaqaalaha dibada looga soo dirayo uusan gaarin, ayey tiri Mrs.Frezer oo sheegtay in arrimahaasi looga baahan yahay in ay iska kaashadaan Wadamada geeska Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 9, 2007 Dhaqaalaha Jendayi Frezer ayaa sheetay in dowlada Maraykanka ay taageero dheeraad ah u fidin doonto Dowlada Soomaaliya, si loo meel mariyo dadaalka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted April 9, 2007 dont count on it!! state dept aint gonna do shyte no more!! they cant even get their irag spending bill passed in congress. this has to be signed by congress...! and the democratic congress aint signing no mo EL DABILO war games.!! u is it homie!! u better find some dough for uncle or hes in deep shyte. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 9, 2007 ^^^Ok saxib you are an expert on international affairs now. Just like yesterday you was an expert on security issues..lol Quote Share this post Link to post Share on other sites