Saalax Posted October 17, 2010 Waftigii Xildhibaanadda Somaliland oo kulano la yeeshay Goleyaasha Deegaanka iyo Ururada Bulshada ee Woqooyiga Ireland IRELAND(OWN)- Waftigii Xildhibaanada ee uu Hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa kulano kala duwan la yeeshay Gollaha Deegaanka ee magaalada Coleraine ee waqooyiga Ireland, halkaas waxa waftiga ku soo dhaweeyay Maayorka Gollaha deegaanka iyo Xubnaha Gollaha, waxayna warbixin ka siiyeen taariikhda Gollaha deegaanka ee magaaladaas, doorka shaqo ee ay u xilsaaranyihiin, sida loo soo doorto iyo xidhiidhka ka dhexeeya Gollaha deegaanka iyo Dawladda dhexe iyo doorka xisbiyada siyaada iyo ururada bulshadu ku leeyihiin Gollaha. Waftiga Xildhibaanada Somaliland waxay warbixin sidoo kale ka siiyeen Gollaha Deegaanka ee Magaalada Coleraine Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo sida loo soo doorto Gollayaasha deegaanka ee Somaliland iyo shaqooyinka ay u xilsaaran yihiin. Waftiga Somaliland waxay sida oo kale la kulmeen qaar ka mid ah Ururada Bulshada ee Woqooyiga Ireland, iyaga oo Ururada bulshadu waftiga sharaxaad ka siiyeen doorka ururada bulshada ee kor u qaadka Nabada, diimuqraadiyada iyo la dagaalanka kala sooca (racism). Waxay sida oo kale Waftigu la kulmeen Hay’ada la yidhaa Townsend Interprise Park oo qaabilsan Ganacsiga iyo kobcinta Dhaqaalaha ee Shirkadaha Ganacsiga Woqooyiga Ireland. Waxay sharaxaad dheer ka siiyeen doorka Hay’ada ee kor u qaadka awoodaha aqooneed ee shirkadaha Ganacsiga iyo daraasaadka Ganacsiga iyo Suuqyada. Waftiga oo ka koobnaa 5 xubnood oo kala ah: MP Baashe Maxamed Faarax, MP Ibrahim Axmed Sheekh Muse, MP Maxamed Saalax Cige, MP Maxamed Cisman Bulqaas iyo MP Axmed Maxamuud Maxamed iyo laba Xubnood oo ka Socday Machadka Maraykanka ah ee IRI oo maal-geliyay Socdaalka Aqoon korodhsi ee Waftiga Xildhibaanada Somaliland, si guula ayuuna ugu soo geba-gaboobay safarkoodi aqoon kordhsi ee ay ku joogeen woqooyiga Ireland. Quote Share this post Link to post Share on other sites