Sign in to follow this  
General Duke

Jakarta: Report on Somali Ambassador latest moves in Indonesia PICS

Recommended Posts

Safiirka Somalia ee Indonisia oo la kulmay gudoomiyaha balamaanka dalkaasi

 

Qahira, Masar (Calanka.com) 04-Febraayo-08

 

04 February 2008, Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia, Md. Maxamuud Colow Barow, waxa uu xafiiskiisa ku booqday Guddoomiyaha Baarlamanka Indonesia Dr. Agung Laksono, oo xilliga hadda madax ka ah Ururka Baarlamaanada Adduunka iyo Baarlamaanada Asia – Africa.

 

Safiirka, wuxuu Taariikh kooban ka siiyay Guddoomiyaha Taariikhda dhaqan ee soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada shacab iyo tan siyaasadeed ee labada xukuumadood, wuxuu sidoo kale Safiirka u sharaxay marxalada adag ee uu shacbiga Soomaaliyeed marayo iyo sida ay dawladda Indonesia uga qeyb qaadan karto dib u dhisida iyo horumarinta hannaanka siyaasadeed wadanka Soomaaliya, iyadoo Indonesia ay mug siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku dhex leedahay shucuubta caalamka gaar ahaa, Ururka Islaamka, Ururka NAM, Asia –Africa, UN iyo hayado kale oo caalami ah. Safiirku wuxuu ka codsaday in Baarlamaanka Indonesia uu gacan ka geysto tayo gelinta Baarlamaanka KMG ah hadday noqon lahayd dhanka sharciyada federaalka, doorashooyinka, xawl maalmeedka Guddiyada iyo dhanka hawlwadeenada Maamulka Baarlamaanka oo u baahan koorsooyin iyo dhisid tayo hawleedkoodaba.

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka Indonesia oo Saxaafadda La hadlaayay Kulankaas ka dib, ayaa waxuu balan qaaday in gaarsiin doono Dowlada Indonesia dhambaalka safiirka, waxuuna intaas ku daray in uu waxii khuseeyo Barlamanka Si deg deg ah uga Howli geli doono uuna ka shaqeyn doono Sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Hadii ay noqon lahayd is dhaafsi khibradeed ama Tababar loo fidiiyo Howl wadaneeda Barlamanka Soomaaliya iyo Hadii ay noqon laheed in uu Codkiisa Gaaarsiiyo Baarlamaanada Kale Ee Aduunka Si ayagana Gacan uga geestaan dhiiri gelinta iyo Horumarinta Barlamaanka KMG ah oo Xili adag ku Jiro.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Indonesia wuxuu hoosta ka xariiqey in loo baahan yahay in la garab istaago Baarlamaanka KMG oo ku shaqeynaya duruufo adag, wuxuu ka cudurdaartay inuusan hore u haysan macluumaad badan, balse haddda wixii ka dambeeya uu talaab u qaadan doono sidii boogahaas loo dhayi lahaa.

 

 

Danjire Mudane. Maxamuud Colow Barow oo asigana Gudoomiyaha Ka danbe saxaafadda u waramaayay ayaa waxuu ugu horeyn Mahad Balaaraan u Jeediyay Shacabka iyo Xakuumada Indonesia waxuuna ku amaanay shacabka iyo xakuumada Indonesia sida ay mar walba walbo u garab istaagsanyahiin walaalahooda Soomaaliya, waxuuna Si gaar ah Mahadceliyay Gudoomiyaha Barlmanka Indonesia waqtiga uu siiyay in uu ka dhegeysto xaalada adag ee uu ku jiro shacabka Soomaaliyeed iyo sida uu u ballan qaaday inuu Taageerayo Baarlamaanka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

 

Kulankan ayaa wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan, waxuuna ahaa kulan lugu tilmaami karo mid miro dhal.

 

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia Jakarta

 

Embassy of the Republic of Somalia

 

Jl Permata Hijau Raya Block T No. 8

Kebayoran Lama, Jakarta Selatan 12210

Telp. 0062215321920, Fax: 0062215494730

 

Ismaciil Saxaaf

saxaaf@hotmail.com

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this