Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug Welcomes Puntland Expelled IDPS

Recommended Posts

Cowke   

GalMudug: Gaalkacyo Cid Kasta Way Degi Kartaa Xitaa Kuwa Puntland Soo Musaafurisay

 

Madaxweyne Caalin

 

Gaalkacyo (RBC) Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa xaley shaaciyey inay diyaar u yihiin soo dhoweynta dadka boqollaalka gaaraya ee laga soo musaafuriyey Puntland.

 

Masuul ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay go’aansadeen inay si gacmo furan ku soo dhoweeyan dadka Soomaaliyeed ee laga soo ceyriyey gobolada Puntland, iyagoo xaqiijiyey in Gaalkacyo aan lakla lahayn ee ay dadkoo dhami ka dhexeyso.

 

“Anagu waxaan muujineynaa Soomaalinimo, cid kasta way degi kartaa Gaalkacyo xitaa kuwa Puntland soo musaafurisay baa iman karta”, sidaasi waxaa sheegay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug.

 

Warar laga helayo saraakiisha sar sare ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Axmed Caalin uu ku dhawaaqay in dadka reer koonfureedka ah ee maalmihii la soo dhaafay laga soo musaafuriyey gobolada Puntland lagu soo dhaweeyo Gaalkacyo oo ah xarunta Galmudug loona ogolaado inay ku noolaadaan kana shaqeystaan.

 

“Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhamaan dadka Soomaaliyeed meeshay doonaanba ha u dhasheene inay noo iman karaan oo ay Gaalkacyo ku noolaan karaan wax dhibaato ahna aan loogu geysan doonin”, ayuu yiri gudoomiyaha.

 

Hadalka maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmaya iyadoo waqooyiga Gaalkacyo ay ku xaniban yihiin in ka badan 600 ruux oo laga soo musaafuriyey degaanada Boosaaso iyo Garowe ee Puntland kuwaasi oo illa hadda lagu hayo saldhiga booliska ee qeybta Mudug.

 

Wararka ayaa sheegaya in dadkaasi loo waayey meel la geeyo iyo cid lagu wareejiyo sidaa darteedna wali ay dul saaran yihiin baabuurtii lagu soo qaaday.

 

Puntland ayaa sheegtay inay bilawday hawlgalo dadka reer konfureedka looga saarayo degaankeeda, kuwaasi oo Puntland ku eedeysay inay wax ku leeyihiin qaraxyada, dilalka iyo dhibaatooyinka amni xumo ee bilahan maamulkaasi dhex rafanayey.

 

Maamulka Galmudug ayaa horey u cambaareeyey tallaabada dadka reer konfureedka loogu qabqabanayo ee ka socota Puntland, waxayna Galmudug shaley diiday in lagu wareejiyo boqollaalka ruux ee faramaran oo qaarkood ganacsiyadoodii laga soo qafaalay, hase ahaatee waxaa haatan muuqata uin Galmudug ay dadkaasi u ogolaatay degaankeeda.

 

Tallaabadan ayaa noqon karta mid wax ka bedesha isla markaana naruuro u noqotacaqabadii ka taagneyd dadka la soo qabqabtayee maalintii labaad ku xayiran wqooyiga Gaalkacyo ka dib markii la waayey meel loo qaado.

 

Dadka arimahan oo kale ka faalooda ayaa waxay sheegeen in tallaabada Galmudug ay u muuqato dareen wadaninimo oo ku soo beegmay xilli muhim ah, waxayna arintan horseed u noqon kartaa in ganacsiyadii waaweynaa ee dada reer koonfureedka ku heysteen degaanada Puntland loo wareejiyo Galmudug.

 

C/fataax Nuur

RBC Radio

 

Xafiiska Wararka Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this