Sign in to follow this  
Jacaylbaro

TFG Soldiers Refuse to Fight

Recommended Posts

Muqdisho-(HWN)-Dowladda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in ciidamadeeda, gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka dibaddiisa ay diideen inay la dagaalamaan kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul islaam ee dagaallada kula jira dowladda KMG.

 

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu caqabado ay kala kulantay ciidamadii dhawaan loogu soo tababaray dalalka dibadda, sidaa darteed ay dowladdu go’aansatay in mar dambe ciidamada dowladda aan loogu soo tababarin dalka dibaddiisa.

 

Ra´isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxa uu qoraalkaas ku sheegay in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee tababarka ku soo qaatay dalalka dibadda ay diideen inay dagaalka galaan iyagoo ku dooda inaan loo soo tababarin dagaal ee loo soo tababaray sugidda amniga.

 

“Ciidamada naloo soo tababaray waxaan kala kulanay dhibaato weyn, ciidan kasta waxa uu wataa dhaqankii dalkii lagu soo tababaray, qaarkood ayaaba diiday inay dagaalka galaan oo waxay leeyihiin anaga waxaa naloo soo tababaray inaan ammaanka sugno ee nalooma soo tababarin inaan dagaalanno” ayaa lagu yiri warkaasi ka soo baxay Xafiiska Ra’isal wasaare Cumar C/rashiid.

 

Waxa uu Ra’isal wasaaruhu sheegay in hadda kadib aan loo qaadi doonin ciidamada dowladda KMG dalal dibadda ah, wuxuuna xusay in ciidamada lagu tababari doono gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay ibn tababarka ciidamada dowladda KMG ay ku filan yihiin saraakiishii lagu soo tababaray dalka dibaddiisa iyo kuwii hore ee dowladdii dhexe ka tirsanaan jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this